Sool (ANN) Koox dablay hubaysan  ayaa habeenimadii xalay saqdii dhexe weerar gaadmo ah kusoo qaaday goob Kaantarool oo ku taala Bariga magaalada Oog, kuwaas oo toogasho ku dilay hal Askari oo ahaa waardiyihii xiligaa gaadhka hayay, isla markaana

dhaawac u geystay Askari  kale oo saarnaa gaadhi halkaa taagnaa oo gaashaaman. Kadibna Afduubay sadex Nin oo waqtigaa oo ay Roob da’ayeen ku sugnaa meel ay ka galeen Roobka. Sida uu Idaacada BBC laanteeda Afka Soomaaliga u xaqiijiyay  Ibraahin Jaamac Maxamed oo ah gudoomiye xigeenka Saraar.
Kooxdaa ayuu sheegay inay qaab tuugo ah kusoo galeen halkaa xili danbe oo Roobab da’ayeen, iyadoo Kooxdu sadexdii Nin ee ay Afduubka u kaxaysteen oo laba shicib yihiin mid ka baxsaday, isla markaana ay ciidamadda qaranka ee ku sugan halkaa daba tageen, kuwaas oo helay xalayba gaadhigii ay wateen oo ay ka baxsadeen. Kadib markii uu qalibmay gaadhigu. iyadoo labada Nin ee ay kaxaysteen Mid yahay Askari ka tirsan Ciidanka Qaranka, halka kale yahay shicib.

Gudoomiye xigeenka Saraar waxa uu sheegay inay ku raja weyn Sidoo kale Ciidmada Qaranka ee ku sugan Jiida hore ayaa la sheegay in ay xidheen dhamaan jiida ay ku sii jeedeen kooxdaas  taas oo la sheegay in ay ciidamda qaranku dhinaca kale ciidamadda qaranka ayaa heegan la geliyay, isla markaana waxa jihooyin kala duwan kaga baxay aagaa ciidamo ku sugan halkaa,  Sida deegaanka Widhwidh , Laascaanood, Qorilugud iyo  jihooyinka   kale oo ku beegan dhinacyada ay u bixi karaan kooxdaa Afduubka samaysay, waxaana suurta gal ah inay Ciidanka qaranku  saacadaha soo socda gacanta kusoo dhigaan Kooxdaa.
 Dhacada noocan ah ayaa noqonay tii ugu horaysay nooceeda ee koox dabkay ahi sidan oo kale uga sameeyaan deegaankaa jiida hore oo ay ku sugan yihiin Ciidamadda qaranka Somaliland, isla markaana ma jiraan ilaa hada cid sheegatay falkan lagu Afduubay labada Askari, balse waxa loo malaynayaa inay Kooxda falkaa ku kacday kasoo jeedaan Malayshiyada  la baxay SSC, kuwaas oo ku sugan Widh-widh oo ah Duleedka magaalada Buuhoodle, iyadoo ay jireen weeraro gaadmo ah oo ay kooxdaasi hore ugu soo qaaday  ciidamadda ku sugan Duleedka Buuhoodle.
By,  Carraale  M. Jama  Freelance Journalist and Human Rights Activist 
Araweelonews Somaliland Office  
E-mail; Info@araweelonews.com
 jaamac132@gmail.com
 shalcaw2@hotmail.com

+252 2 442 5380

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *