Hargeysa(ANN)Wasiirka maaliyadda Somaliland Eng. Maxamed Xaashi Cilmi, ayaa daboolka ka qaaday in hanti-dhawrka guud ee qaranku uu baadhitaano ku hayo masuuliyiintii hay’adaha dawladda xukuumadii hore ee madaxweyne Rayaale

 si wax looga weydiiyo halka ay mariyeen lacago badan oo dalka ka maqan.
Eng. Xaashi wuxuu sidaa ku sheegay hadal uu ka jeediyay  shalay kulan lagaga  hadlayay arrimo ku saabsan miisaaniyadda qaranka oo muddo laba maalmood ah ka socday hoolka hay’adda shaqaalaha, kaas oo ay  kasoo qaybgaleen  Agaasimayaasha dawladda iyo masuuliyiin ka tirsan xukuumadda. Sidoo kale  waxa uu sheegay in masuuliyiinta xukuumadii hore ee Rayaale looga fadhiyo inay ka jawaabaan halka ay mariyeen lacagtii dadweynuhu u dhiibtay.
Sidoo kale waxa uu ka hadlay qorshaha iyo istiraatiijiyada xisbiga Kulmiye iyo qaabka loola xisaabtamayo Ha’yadaha mashaariicda dalka ka fuliya, isla markaana wuxuu xusay inay shaqaalaha iyo ciidamadda qarankaba mushaharka u kordhin doonaan.
“Xukuumadda cusubi waxay dhaxashay qasnad madhan, waxaad ogtihiin miisaaniyadda tiiyoo sarbalaska(dheeraadka miisaaniyadda) sannadka 2010 yahay 122 bilyan oo doollar marka lagaga soo qabto ilaa sannadkii 2002, hadana shaqaalihii iyo ciidamadii, raashinkoodii iyo shidaalkii waxa la yidhi lacag looma hayo, waxaan ogahay oo imika lagu jiraan baadhitaan la leeyahay xageed mariseen lacagtii aynu dhiganay iyo tii dadweynuhu dhigtay, halkay mariyeena iyagaa ka jawaabi oo taa dhex geli maayo oo hanti-dhawrka ayaa ku jira hadda,” ayuu yidhi Eng. Maxamed Xaashi Cilmi.
Wasiirka maaliyadu waxa uu sheegay in miisaaniyad-sanadeedka 2011 ay ka duwanaan doonto miisaaniyadihii ay diyaarin jirtay xukuumadii madaxweyne Rayaale, isaga oo xusay in miisaaniyadda lagu dari doono lacago loogu tallogalay dhinacyada horumarinta, isla markaana hay’adaha dawladda loogu kala badin doono hadba sida faa’iidadda ay dalka u leeyihiin u kala muhiimsan tahay.
“Miisaniyadda 2011 waa inay ka duwanaataa misaaniyadihii hore, sababa dhawr ah awgood.
Waxaad owgtihiih oo jirtay in miisaaniyadihii hore aanay ku jirin wax horumar ah gabigoodaba, fasal iskuul oo dhisan ha noqotee, waxa kale oo aad ogtihiin miisaaniyadihii hore sida loo qaybiyaa amma se aanay ahayn mid loo tixgeliyey sida baahida loo kala qabo, waxaa tusaale wanaagsan idiinku filan in Wasaaradda Waxbarashadu noqoto ta ugu miisaaniyada badan, waayo way igu kharash badan tahay, waxa kale oo aad la socotaan in miisaaniyadaha kuwa ugu badani ay gali jireen madaxtooyada iyo maaliyada oo baahida loo qabaa iyaga markaad eegto kharash ahaan ay aad uga yar yihiin tacliinta iyo ta caafimaadka.
Waxaannu damacsanahay wasaarad ahaan in miisaaniyaddii sidii loo samayn jiray wax laga bedelo, waxaannu doonaynaa inay noqoto miisaaniyad horumar leh, lacagteedana waynu heli karnaa.
Miisaaniyaddii hore hanti-dhawrku ma geli jirin, sidii la doonana waa loo isticmaali jiray, waxaannu anagu filaynaa in kolka sannadkani dhammaado intaanu dhammaan hantidhawrku galo oo wax walba sidii loo isticmaalay raaco, isla markaana uu golaha ka akhriyo. Waxa kale oo aanu doonaynaa in miisaaniyadan dad aqoon leh, Guddiga Dhaqaalaha ee Golaha Wakiilladu iyo jaamacadaha dalka wixii ka iman kara ee aqoonteeda leh ay yimaadaan oo ay noqoto miisaaniyad loo dhan yahay oo hareeraha laga joogo oo aanay noqon mid afar gidaar dhex dooda lagu sameeyey.
Markaa miisaniyadani waa inay noqotaa mid ka duwan kuwii hore, waxa kale oo aad ogtihiin dakhli badan oo xukuumaddu ay leedahay aanu gali jirin miisaaniyadda, sida shiidaalka, xoolaha dhaafa, dekedda, xataa labada Dollar lacagta ka soo gashaa, wixii aan geli jirin oo dhan inay galaan baanu ku talo jirnaa, wixi aan gali jirin miisaaniyada la sameeyey bay ku dhawaanayaan, waxaas oo dhammi waa waxa aanu doonayno inay galaan horumarka dalka, waa inaynu dakhliga si wanaagsan u uruurino,” ayuu yidhi Eng. Maxamed Xaashi Cilmi.
Waxa kale oo wasiirku caddeeyey in wax soo saarka dalku aanu ahayn Xoolaha nool oo kaliya, balse ay isgaadhsiintu ka badan tahay inta xoolaha ka soo gaasha, haddii lagu xidhiidhiyo qalab lagu ogaado intay isticmaalan, isagoo ka hadlaayna waxa uu yidhi; “Waxa ugu badan dakhligeena soo gaalaa sidii iminka la sheegaayey maaha xoolaha nool oo kaliya, waayo isgaadhsiinta oo qudha haddii lagu xidho mishiin yar oo afar boqol iyo soddon kun oo Doolar ah ($430,000), waxa ina soo gali kara isgaadhsiintaa 100,000,000 (boqol milyan ) iyo wax ka badan markaa waxay ka badan kartaa, xoolahana way dhaafi kartaa, haddii xisaabtan keeda la galo.
Haddaba si taa loo gaadho waa in shaqaalaha la siiyo wax ku filan, manaaha nin gaajoonaaya in loo diri malaayiin, wax caqliga gala maaha. Markaa daryeelkii dalku waa inuu meesha soo galaa.
Afar kooxood baananu u dirnay inta qofka dhex dhexaadka ahi ku noolaan karo, waxay soo sheegeen in biilka qofka dhexdhexaadka ahi gaadhayo ilaa $250 ilaa $300 oo ku dhadhow lacagtii aanu ku bilownay mushaharka, intaa jeer ee sixirka doolarku isbeddelay marna looma tixgelin shaqaalihii iyo ciidamadii, dabadeetana waxa soo baxay in dulmi badani iyo qas badani ka yimi oo aynu aad ugu riiqanay, wax lagu tabcana waxa ugu wanaagsan wax-soo-saarka dalka.
Waxa loo samayn doonaa xafiis walba inta uu u baahan yahay, wixii shaqaalaha 65 ka weyn waxaannu odhan doonaa inta nidaamka hawl-gabka la samaynaayo intaadaa uun qaado, waxaanay ahayd taasi himilooyinka xisbiga KULMIYE, guddina waa loo saaray arrintaa ciidamada iyo shaqaalaha.”
Wasiirka maaliyadu waxa uu ka hadlay qorshayaasha ay damacsan yihiin ee ay doonayaan inay waxka qabtaan iyo taageerada ay dhinacyada kala duwan ee waxbarashada ka gaysan doonaan.
“Qorshe yaasha aanu damacsanahay waxaa ka kow ah waxbarashada, waxa ku xigga biyaha, waxaana saddex ah, caafimaadka. Markaad eegto siday u kala horreeyaan uunbaa looga hawlgali doonaa.
Waxaad ogtihiin Jaamacadaynu yeelanay, marka jaamacadaha dawladda laysku daro Camuud, Hargeysa, Burco iyo Lascaanood, miisaaniyada waxa ugu jira $92,000 (laba iyo sagaashan kun) sannadkiiba, laba iyo sagaashan kun markaad afar jaamacadood u qaybiso midkiiba waxay yeelanaysaa 1800 (kun iyo siddeed boqol), iyadoo sarifkuna isbedelaayo, lagumana kalsoonaan karo inay wax tar noqoto, halka uu Madaxweynihii hore mushahar u qaadanayey bishii $62,000 (laba iyo lixdan kun), Bulxana waxaan leeyahay xiisaanka yar adkaysta wax ma diidanine anagaa xukuumaddii hore idiinka roonaane waxba ha calaacalin. markaa waxay ahayd wax la yaab leh sida wax loo qaybinaayey, annagu waxaannu damacsanahay in taasi isbeddesho oo aanu tacliinta siino, waxa jira laba kun oo dhaw dhaw oo macallin oo qaata gunno ahaan u qaata lacagta ardayda laga qaado, balse aan dawladda wax mushahar ah ka qaadan, taasi waxay sababtay in fasalkiiba ay fadhiistaan 70 iyo wax ka badan, meelaha qaarkoodna ay ardaydu 100 kaba dhaafaan, taasna waxbaanu ka beddeli doonaa oo waxa fiican in fasalkiiba lagu soo celiyo celcelis ahaan 40 arday,” ayuu yidhi wasiirku, waxaanu intaa ku daray “Biyaha haddaad eegto maalintii waxaynu cabnaa 20 mitirkuyuubic, tala galkii hore waxa uu ahaa dadkoo ahaa 150 meelaahaa, maanta milyanbuu ku dhaw yahay, waxaanna loogu talo galay 4000 mitirkuyuubic baaqigana waxaa laga keenaa hareeraheena wax kutalogal ah oo loogu talogalay may jirin aan dawarsi ahayn.”
Waxa kale oo uu Wasiirkaa Maaliyaddu sheegay inay shaqaalihii siyeen mushaharooyinkii mudadii koobnayd ee dawladda Siilaanyo xilka haysay, isaga oo arrintaa ka hadlayana waxa uu yidhi; “Annagu waxaannu fadhinay laba bilood oo wax la’, waxaananu bixinay Aprill, May, June, July iyo August inteedii badnay oo lays gaadhsiiyey, waxaannu rajaynaynaa inaanu dhammaystirno bishan iyo bisha ku xigta wixii nalagaga tagay ee dhibaato ahaa.
Markaa miisaaniyadda soo socotaa way ka duwanaanaysaa insha Allah, waxaananu damacsanahay inaanu kor u qaadno cashuuraha barriga, taasi oo milaayiin ka badan inta dhoofka xoolaha inaga soo gasha, sida isgaadhsiinta.
Shaqaalahana waxaannu rajaynaynaa inaanu mushaharka u kordhino si talaabo talaabo ah si ay wax u soo saaraan. Markaa waxa naga cabban karaa waa xaraan quutayaashii aanu ka xidhnay Baankii u socday, markaa haddaad jaraa’idka ku aragtaan cid na xamanaysa waa nimankaa oo annagu nimankaas uunbaanu col nahay ee maaha dadweynaha sida runta ah.
Waxaannu qabnaa markii Ramadaan aanu shaqaalihii siinay laba mushahar iyo saddex mushahar inay duco badani nagu dhacday, iminkana inaanu uga kordhinbaanu damacsanahay.
Jaamacadahana 92,000 (laba iyo sagaashan kun) oo sannadkiiya siin mayne waanu uga kordhin doonaa oo waananu u saddex laabi doonaa, tacliintana waxaannu damacsanahay inaanu u saddex laabno.
Markaa waxaannu idinka rabnaa haddaad tihiin maamuladii hay’adaha kala duwan ee dawladda dhawr shay inaanu yarayno ayaanu jecel nahay, kow marti qaadka waanu yarayn, waayo waxaagaad deeqsi ku noqon kartaaye waxa ummadda deeqsi kuma noqon kartid, midna waanu yarayn oo shidaalkanu yarayn, waayo af-miishaarkii aroortii waddooyinka xidhi jiray ee ku soo socday wasaaraddaha si loogu shubin waxaannu leenahay ninka ku shuba shidaal gaadhi aan gaadhi dawladeed ahayn isaga dambiga leh, waxa kale oo aanu yarayn qalabada xafiisyada, waxaananu ka dhigi wax xafiisyadu ku shaqayn karaan.
Raashinka ciidamada meelaha laga qaadayo, sidoo kale shidaalada laga qaadayo waa inay ka jabnaadaan inta suuqa.
Waxaannu damacsanahay in wasaaradda maaliyaddu qandaraasyo ku bixiso Raashinka, qalabka xafiisyada, qalabka gaadiidka iyo shidaalka oo ay noqoto meel qolo waliba intii baahideedu ahayn ay ka qaadan doonto saddex biloodna loogu sii daayo, si aanay dadkii laga macmiilanaayey aanay waxoogii uga raagin. Markaa waxaan idiinka rajaynayaa miisaniyadda aad soo samaynaysaan inaad u eegtaan baahida loo qabo horumarka iyo kharashka.”
Sidoo kale wasiirka maaliyaddu mar uu ka hadlaayey arrimaha hay’adaha dalka ku sugan ee deeq-bixiyayaasha , waxa uu saluug weyn ka muujiyey mashaariicda ay soo qaataan iyo waxay bixiyaan, isagoo taa ka hadlaayana waxa uu yidhi; “Waxaad idiin sheegayaa maanta waxaynu qabsano uunbaa wax inoo ah, hay’dahan dibeda inooga yimaada, waxay dalbadaan intaas oo boqol oo milyan waxa loo ogoladaa boqolaal milyan, waxa ka muuqdaa waa wax aad u yar, warbixinaha aadka u wanaagsan ee ay qoraan maaha wax inaga laynoogu talogalay ee waa mid ay deeq-bixiyayaasha kaga qaadanayaan, waxaannu damacsanahay inaanu sannadkan la xisaabtano oo aanu nidhaahno wixii aad samaynaysaan halkan soo dhiga, dabadeedna sida loo kharash garaynaayo aanu idiin kala shaqayno, hay’adaha wax dhisi karaaya aanu soo magacowno, kuwa alaabta laga iibsanaayo aanu soo magacowno aanu halkaa kala socono wixi la dhisaayey iyo wixii la qabanaayey, waa inaanay noqotaa wax aynu inagu kaantaroolkeeda leenahay oo aan laynagu masabidin waxaan inaga inagu bixin, marka aad u eegto siminaarada yar ee tobanka doolar jeebka layskugu rido, waxa ku baxaa waa wax aad u yar, laakiin waa inayn daba galno oo iskuulada qaarkood meelaha cidlada ah laga dlhisaayo oo riyuhu ku xaroodaan, waxa halkaa ka muuqata in dalkeenu yahay dal aan laxe-jeclo laga lahayn. Markaa aynu ku xisaabtano dalka sidiii loo toosin lahaa,” ayuu yidhi Eng. Xaashi.
By,  Carraale  M. Jama  Freelance Journalist and Human Rights Activist 
Araweelonews Somaliland Office  
E-mail; Info@araweelonews.com
 jaamac132@gmail.com
 shalcaw2@hotmail.com

+252 2 442 5380

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *