-
Published On: Mon, Sep 13th, 2010

Waxa Iman Doona Ururo Laga leeyahay Masar, Talyaaniga Iyo…, Ninka weyn Ee Siyaasiga Ah Ee Iminka Baraarugay Waxba Masoo Sido Oo…, Reer Djiboutina Ku Canaanmayno…, KULMIYENA Buudhiga Ayaanu Fuushanahay….

Smiley face
Share This
Tags

Waraysi khaas ah Gudoomihii Isbedel doonka UDUB  Axmed Sandoon
images/stories/3.jpg Hargeysa(ANN) “Sida aad ka garato magacayaga waxaanu ahayn isbedel doon, isbedelkiina waanu helay oo xukuumadii way dhisantay, waanu jeclayn in xubno naga mid ahi ka dhex muuqdaan, taasna waanu filaynaa oo samirkeeda ayaanu leenahay, maadaama aanay xukuumadii weli dhamaan, waana

 filaynaa inaanu meel uun ka muuqano ilaa weli may dhamaane. Anaguna isbedel doon ahaan waxaanu ku milanay oo ka maidnahay oo la jaanqaadanaynaa iminka wixii ka danbeeya xisbigii Kulmiye. ” Sidaa waxa yidhi xildhibaan Axmed Sandoon Xasan oo ka tirsan golaha deegaanka Hargeysa, isla markaana ahaa gudoomiyihii garabkii labaxay  isbededel doonka xisbigii UDUB, balse markii  danbe 21 April  2010. ku biiray xisbiga Kulmiye.
Mr. Sandoon wuxuu sidaa ku sheegay waraysi khaas ah uu  maanta magaalada  hargeysa ku  siiyay shebekada wararka ee Araweelonews oo wax ka weydiisay halka uu  ku danbeeyeen isbedeldoonkii uu hogaaminayay iyo sida uu u arko xaalada siyaasada ee waqtigan xukuumada Madaxweyne Axmed Siilaanyo. Sidoo kale waxa la weydiiyay mawduuca mudo kordhinta, aragtidiisa furashada  ururada siyaasadeed iyo arrimaha mudooyinkii u danbeeyay  la hadal hayay ee Maxrajka Karantiimada  xoolaha iyo   isgaadhsiinta keybalka Badda.
Wuxuuna isagoo ka hadlaya arrimahaa yidhi, “Labada arrimood ee Maxjarka iyo Keybalka aad ayaan usoo dhowaynayaa go,aanka uu ka qaatay Madaxweynuhu, waana soo dhowaynayaa, basle waxaan kula tilin lahaa qoloda qaadatay keybalka inay sheer bixiyaan oo weliba qoladii ay is dhinacyaacayeen ay sheer siiyaan, taas oo ah mid dalka iyo iyagaba wax u taraysa. Go,aanka Maxjarkana mar haddii uu dhismay oo Abu Yaasir wuxuu doono ha ahaadee ay dad muwaadiniin ahi ku ladhnaayeen. Haddii labada  maxjar iska dhinac furnaadaan oo labada dawladu maamusho sida Madaxweynuhu ka dhawaajiyay waxaan qabaa inay tahay arrin fiican oo go,aankeeda uu qaatay, markaa labadaa arrimood waxan u arkaa sidaa.”
Mar la weydiiyay Mr. Axmed Sandoon maadaama uu Djibouti aqoon u leeyahay sida uu u arko siyasaada waqtigan ee Djibouti iyo inuu ka rajo qabo inay wax iska bedelayaan xiliga xukuumada  Somaliland ee  maamulka  cusub, wuxuuna isagoo arrintaa ka hadlaya yidhi, “Reer Djibouti ku canaanmayno maxay intaas oo dhan soomaali weyn u raadinayeen oo dawlad jirtay ahayd xaqna way u lahaayeen. Laakiin waxba way kasuurtoobi waayeen, waqtigana waxaaba la sheegayaa Shariif iyo Raysal wasaarihiisii oo is haysta, markaa maanta Djibouti maalin ay uga wanaagsan tahay,maalin ay uga haboon tahay cid alaale cid ku qabsanaysaana ma jirto, haday citiraafi lahayd Somaliland, mana buurna rajada aan anigu ka qabaa. Laakiin waan jeclaan lahaa inay maanta wixii hore wax ka bedelaan oo ay xaqiiqda ku shaqeeyaan oo haday soomaali weyndoonayaan, halkii loo mari lahaa somaliweyn waa halkane inay Somaliland citiraafaan.  Dhawr iyo toban shir ayaa soomaali loo qabtay inat badan Djibouti ayaa qabatay,  laakiin waxba waa ka suurtoobi waayeen. markaa inay meel kaga dhegto maahee haday sooomaali rabaan oo ay dhab ka tahay inay maanta halkan dib usoo eegaan oo yidhaahdaan, “haday halkaa waxba ka suurtoobi waayeen, bal aynu halkan daba qabatayno iyaga ayay u fiicnayd bulshada Somaliland iyo ta Djibouti ayay u fiicnayd,  mustaqbalka labada ummadood ayay u fiican tahay Fulow Guuli kuu dhowaydaa ayaa la yidhi, maanta cid ku qabsanaysa oo odhanaysa maxaa u citiraafteen ma jirto”.
Xidhibaan Axmed Sandoon, waxa kaloo la weydiiyay aragtidiisa mudo kordhinta golaha guurtida iyo waxa ka jira inay xildhibaano golayaasha deegaanka ee uu ka midka yahay iyo kuwa wakiiladu  ku lug lahaayeen mudo kordhinta, isagoo yidhi, “in la kordhiyo mudada daruuri ayay ahayd. Laakiin mudada aad ayay dheereeyeen, tusaale ahaan golaha wakiilada, guurtiduna dastuuriyan iyadaa iska leh mudo kordhinta, balse waxa meesha taala inay talada badsadaan oo eegaan mudadii komishanka iyo xisbiyada. Maalmahan waan arakayay iyadoo saxaafada aad loogu dhaleecaynayo mudo kordhinta, Guurtiduna dhinacba maalin ayay ka qoslinay oo dhinocoodii u raacaysaa. Markaa maaha guurtida uma qabo sidaa, way ku jiraan   guurtida dad aanan maalin iyo toban maalmood usii daayeen oo farabadan oo iska daba socod ah. Laakiin maqaamkooda guurti ahaan may ahayn inay tixgeliyaan kaanbeyn ee waxay ahayd inay caqligooda ugu taliyaan dalka.”
Wuxuuna isagoo ka hadlaya furashada  ururada siyaasadeed  iyo aragtidiisa yidhi, “anigu waxan qabaa waxan ahaa raggii damaca lahaa gudoomiyihii  isbedel doonkii UDUB ee  doonayay  inuu iska sharaxo xisbigii  UDUB  oo aan kusoo tabcay, waatii albaabada nalaga xidhay, cid maanta Urur iiga baahi badni ma jirto. Maadaama UDub-na sidaa nalaga yeelay, Kulmiyena ka mid ayaanu nahay. Laakiin Buudhiga ayaanu fuushanahay, marka la eego danta qaranka arargtidayda waxan qabaa in aan maanta lagu degdegin furahsda Ururo siyaasadeed, sababo badan awgood. Waxaana qabaa  in doorashada golayaasha deegaanka ee u horaysa lagu galo sadexda xisbi ee jira. Shantaa sanadood  ee Odaygu (Axmed Siilaanyo) joogona citiraaf la raadiyo ee insha allaa la helo  wuu dhowyehee, wixii ka danbeeya ee aynu ka talaalano fadqalalo debedeed ee ka bogsano inaynu Ururo furano waynu yeeli karaa. Laakiin anigu waxan qabaa waqtigan xaadirka ah Ururo aynu furanaa dhib ayay inoo keenayaan.”
Mr. Sandoon oo fasiraad ka bixinaya faragelinta iyo khatarta uu tilmaamay ee gaboodka u noqon kara furashada Ururada siyaasadeed, waxa uu yidhi, “anigu waxaan ahaa dadkii Ururada furtay may jirin cid berigaa Ururadeena fara gelisay oo debedeed, waxaanu ahayn dad col moog ah. Laakiin markii doorshadii madaxtooyada 2003, aynu ka baxanay waxaanu ogaanay inaynu siganay ilaa ma nihin dawlad la citiraafsan yahay oo haday xagal daacdo loosoo gurmanayo oo sidaa xataa xamar loogu gurmanayo laguugu soo guraman maayo ee hayna daayeen ayaa la odhanayaa. markaa waxan qabaa inay furashada Ururada siyaasadeed kusoo dhuumanayaan cadawga Somaliland oo doorkii hore islahaa iyagaa isku jabaya. Damaca raggu wuu ku dhashaa ee waxa imanaya Ragg badan oo damac lagu soo afuufay oo laga danbeeyo oo lacag la daba sido. Ururo dulqaadan doonaana ma jirayaan, kuwii hore Lix Urur ayaanu ku galay doorashadii sadexna way heleen sadexna waanu ku dhacnay. Waxana aaminsanahay inay lixdii urur ee doorashadii hore galay ahaayeen muwaadiniin rasmi ah. Laakiin waxa iman doona miday Masar leedahay, mid talyaanigu leeyahay mid meelahan kale ee dhow laga leeyahay oo lacag la daba sido.
Anigu waan jeclaa in mar la tartamo. Laakiin Ninkii siyaasad danaynayay Lixdii sano wuu joogay, ka iminka soo dhashaana waa inuu kuwan jira dabada ka raaco. Ninka weyn ee siyaasiga ah ee iminka soo baraarugay waxba masoo sido, doorkii hore ayay ahayd inuu siyaasada dhiniciisa ka raaco ama ha guulaysto,  ama ha hadhee.” Ayuu yidhi Mr. Sandoon.
By,  Carraale  M. Jama  Freelance Journalist and Human Rights Activist 
Araweelonews Somaliland Office  
E-mail; Info@araweelonews.com
 jaamac132@gmail.com
 shalcaw2@hotmail.com

+252 2 442 5380

 

About the Author

-

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>