Hargeysa(ANN)Madaxweynaha Somaliland  Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo, ayaa maanta ka qeyb galay aaska Alleh ha u naxariistee Xildhibaan Aadan Tarabi Oogle,oo xalay ku geeriyooday Magaalada Hargeysa. kadib markii uu u geeriyooday

 

xaanuun uu mudooyinkan la jiifay.

Marxuum Aadan Tarabi oo ka mid ahaa Mudaneyaasha Golaha Wakiiladda ugu miisaanka culus, waxa maanta lagu aasay xabaalaha Naaso-hablood ee Magaaladda Hargeysa, waxaana ka qaybgalay aaska Marxuumka mudanayaal ka tirsan labada gole ee Baarlamaanka, golaha deegaanka Hargeysa, aqoonyahan, siyaasiyiin iyo boqolaal qof oo ka mid ah qaybaha bulshada magaalada Hargeysa

Madaxweynaha Somaliland Axmed Siilaanyo oo ka qeyb galay aaska Marxuumka ayaa ayaa dhambaal tacsi ah u diray qoyskii, qaraanbadii, Goleyaasha baarlamaanka iyo shacbiweynaha uu ka baxay marxuumku sida lagu sheegay qoraal tacsi ah oo kasoo baxay qasriga Madaxtooyada Somaliland.


Dhanbaalka tacsida ah ayaa lagu yidhi,  “Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxa uu tacsi u dirayaa Golaha wakiilada iyo Golaha guurtida Somaliland oo uu ka taciyadaynaya geerida ku timi Xildhibaan Aadan Tarabi  Oogle oo ka mid ahaa xildhibaanada Golaha Baarlamaanka.

sidoo kale madaxweynuhu waxa uu tacsi taasi la mida u dirayaa Ehelkii, Qaraabadii, Asxaabtii, iyo guud ahaan shacbiga reer Somaliland ee uu ka baxay Marxuumkaasi, oo ku geeriyooday Magaalada Hargeysa maanta (22/01/2013).

Madaxwaynuhu waxa uu Illaahay uga baryayaa Marxuumka inuu naxariistii Janno ka waraabiyo, Golaha wakiilada, Golaha guurtida Somaliland, Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo guud ahaan shacbiga somaliland ee uu ka baxayna Samir iyo Imaan ka siiyo. Inaa Lilaah wa Inaa Ilayhi Raajucuun”
Dhinaca kale Marxuumka ayaa ka mid ahaa xildhibaanada golaha wakiilada ee doorashadii 2005 kasoo baxay xisbiga UDUB, wuxuuna ahaa xubnaha ugu miisaanka culus ee xiligaa xisbigii UDUB ugu soo baxay golaha wakiilada, isagoo kasoo baxay gobolka Sool.


Marxuum Aadan Tarabi wuxuu ka mid ahaa Odayaasha gobolka Togdheer, wuxuuna kaalin kasoo qaatay dib u dhiskii dalka, isagoo ka hor intii aanu ka mid noqon xildhibaanada golaha wakiilada mudo dheer gudoomiye u ahaa gudi ka jirtay gobolka togdheer oo saamayn ku lahayd siyaasada dalka xiliggaa ka hor intii aanay Somaliland u guurin nidaamka asxaabta iyo dumuqraadiyada.

Bahda shebekada Araweelonews waxay Illaahay uga baryayaa Marxuumka inuu naxariistii Janno ka waraabiyo, iyagoo ka tacsiyadaynaya geerida marxuumka  Golaha wakiilada, Golaha guurtida Somaliland, Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo guud ahaan shacbiga somaliland ee uu ka baxayna Illaahay Samir iyo Imaan ka siiyo. Inaa Lilaah wa Inaa Ilayhi Raajucuun

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *