Hargeysa(ANN)Urur siyaasadeedka UMMADA ee uu hogaaminayay Dr. Maxamed Cabdi Gaboose ayaa  si rasmi ah ugu biiray Xisbiga Waddani  oo ka mid ah sadexda Xisbi ee kusoo baxay doorashooyinkii golayaasha deegaanka ee dalka

 

ka dhacay 28 Nov 2012, munaasibad balaadhan oo lagu  soo dhaweeyey masuuliyiinta ururkii Hadhay ee Umadda, ayaa lagu qabtay maanta Huteelka Maansoor ee Magaalada Hargeysa.

Munaasibadaa oo ay ka qaybgaleen hogaanka Ururkii hadhay ee UMMADA iyo masuuliyiinta xisbiga WADDANI, waxa  ka hadlay  Sheekh Maxamed Cali Geedi oo ka mid  ah  masuuliyinta xisbiga Waddani, isagoo ka hadlay ujeedada munaasibadaa oo uu sheegay inay tahay mid ay kusoo dhawaynayaan masuuliyiinta ururka Umadda ee maanta ku biiray xisbiga Waddani.


Axmed Kayse Xasan Maxamed  oo ka mid ah  masuuliyiinta ururka Umadda  oo ka hadlay munaasibadan ayaa ka waramay qodobada ay ku heshiiyeen xisbiga Waddani, wuxuuna isagoo arrintaa ka hadlaya yidhi, “Ka dib markii  aanu aragnay mabaadiida aasaasiga ah ee xisbiga Waddani inay  tahay mid ku dhisan mucaaridad wax dhista oo danta dalka iyo dadka u taagan.

Markii ay labada dhinac arkeen qodobka 14aad ee sheegaya  in ururkii hadhaa uu ku biiri karo xisbiyada soo baxa.
Markii ay arkeen qodobka 22aad  faqrada 7aad ee xeerka xisbiga Waddani ee tilmaamaysa in la kordhin karo xubnaha golaha dhexe, golaha fulinta iyo hogaanka xisbigaba.
Markii ay isla afgarteen in qaab dhismeedka xisbiga Waddani laga siiyo saami qaybsigii ay ku qanceen, isla markaana ay labada dhinac wada hadal qoto dheer ka yeesheen midawgooda, Waxay go,aansadeen In ururka Umaddu kusoo biiro xisbiga Waddani, laga bilaabo maanta oo salaasa ah taariikhduna ay tahay 22/01/2013.

Sidaa darteed waxaanu ku war gelinaynaa dadweynaha Somaliland iyo hay’addaha ay khusayso arintani  inay sidaa ula socdaan.” ayuu yidhi Axmed Keyse Xasan.

Sidoo kale Gudoomiye ku xigeenkii labaad ee ururka Umadda Cabdirashiid Maxamed Cali oo ka hadlay munaasibadaa ayaa soo dhaweeyey go,aanka ay ku gaadheen inay ku biiraan xisbiga Waddani, isagoo arrintaa ka hadlayana wuxuu yidhi,  “Mar walba waxaanu muhiimada koowaad siinaynaa cida aanu u  aragno inay wado danta dalka iyo dadka sidaas darteed waxaanu  ku biirnay xisbiga Waddani anaga oo ka duulayna danta dalka iyo dadka, xildhibaanada golaha deegaanka ee ka soo baxay  ururka Umadda iyo guud ahaanteenba maanta waxaynu ka mid nahay bahweynta xisbiga Waddani, waxaanu rajaynaynaa inaynu  danta dalka iyo dadka iyo horumarka dalka ka wada shaqayno , waxaana u rajaynayaa xisbiga Waddani guul.” ayuu yidhi C/rashiid Maxamed Cali.

Waxa kale oo munaadibadaa ka hadlay Gudoomiye ku xigeenkii koowaad ee ururka Umadda Qaasim Ibraahin Tubeec, wuxuuna isagoo ka hadlaya sababaha ay ugu biireen xisbiga Waddani, wuxuu yidhi,  “anigu  kalsooni wayn ayaan ku qabaa xisbigan Waddani, inkasta oo aanan la shaqayn gudoomiyaha xisbiga Waddani laakiin mudadii aan siyaasada ku jiray waxaan la shaqeeyey gudoomiye Maxamed Cabdi Gaboose,ururka Umadda hadii aanu nahay waxaanu idiinla soconaa xisbiga Waddaniyow inaan dhisno dalka, oo aan baaabiino tuugada iyo dhaca, waxaanu idiinla soconaa in nabad galyada Somaliland ay  noqoto mid ay caruurta iyo hooyooyinku ku ledaan, nabad galyaduna haddii aanu nidhaa way soo dhaafi wayday guriga madaxtooyada, waa inay mucaaridadu noqotaa mid wax dhista ee aanay noqon mid wax dumisa.”  

Cali Maxamed Waran Cade oo isaguna ka mida masuuliyiinta Xisbiga Waddani oo munaasibadan ka hadlay ayaa sheegay in xisbigoodu soo dhawayno hogaanka ururka Umadda ee maanta ku soo biiray, wuxuuna isagoo arrintaa ka hadlaya yidhi,  “Waxaan aad iyo aad u soo dhawaynaynaa madaxda iyo taageerayaasha ururkii awooda badnaa ee Umadda oo aanu maanta ku walaalownay miiskii aanu shalay  ku hirdamaynay , isku taga ururada iyo asxaabta waxay saldhig balaadhan u noqonaysaa inay bulshadu ka baxdo qabyaalada, waxay  sal dhig u tahay inay tusto inay bulshada Somaliland wax wada leeyihiin, waxaynu caalamka u sheegaynaa in ururadii sida adag u tartamay ay maanta u taagan yihiin danta dalka Somaliland, midawga ururadu waxay saldhig u tahay inaynu samayno mucaaridad adag oo ilaalisa danta dalka iyo dadka iyo inaynu ilaalino ujeedada shacabka Somaliland ee ah inay ku wada noolaadaan sinaan iyo cadaalad, taas oo ka madhan gobolaysi iyo qabyaalad.” ayuu yidhi Warancade.

Cali Warancade wuxuu ku sifeeyay midawga ururka Umadda iyo xisbiga Waddani mid  bilaw u ah sidii ay xukunka u qaban lahaayeen ee dalka u gaadhsiin lahaayeen meel wanaagsan.

Geba gebadii munaasibadaa waxa hadalo ka jeediyay Gudoomiyaha xisbiga Waddani  C/raxmaan Maxamed Cabdullaahi (Cirro) oo sheegay inuu soo dhawaynayo masuuliyiinta ururka Umadda ee maanta ku soo  biiray xisbigiisa, wuxuuna isagoo ka hadlaya dareenkiisa yidhi, “Maanta waxay ii tahay maalin farxadeed. Waxaan ku faraxsanahay midowga Xisbiga  WADDANI iyo Urur siyaasadeedka UMADDA. Waxaan illaahay uga barayaa inuu barakeeyo midowgaas, oo uu noqda mid dalka iyo dadkaba khayr usoo kordhiya.  Xisbiga WADDANI waxa uu qalbi furan iyo gacmo furan kusoo dhaweynayaa Hogaankii, madaxdii iyo taagerayaashii ururka UMADDA.”

Ugu danbayntiina gudoomiyaha Umadda Dr.Maxamed Cabdi Gaboose oo munaasibadan ka hadlay ayaa balan qaaday inuu si hagar la,aan ah ula shaqayn doono masuuliyiinta xisbiga Waddani.

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *