Asmara(ANN) warar hordhac ah ayaa sheegaya inay maanta Ciidamo hubaysan oo wata dubaabado isku xeereen dhismaha wasaaradda warfaafinta dalka Eritrea, kuwaas oo gebi ahaanba hawada ka saaray telefishnaka qaranka oo ku yaalay dhismaha

 

wasaaradda ee magaalada Asmara. Askarta ayaa wararka qaar sheegayaan inay tiradoodu gaadhay ilaa 100 askari oo ka tirsan ciidanka dalka Eritrea, kuwaas oo aan si cad ogayn ujeedada ay u qabsadeen dhismaha wasaaradda, balse wararka qaar ayaa sheegaya in markii hore ay ka cadhaysnaayeen cabshooyin la ku saabsan mushaharkooda.

Laakiin waxa jira warar kale oo sheegaya inay suurta gal tahay inay hormood u noqdaan Inqilaab Milateri oo ku wajahaan sidii xukunka looga tuuri lahaa  madaxweynaha dalkaa  Isaias Afewerki  oo dunida galbeedku ku tilmaamnto digtaytarka ugu xun.

Iyadoo dalka Eritrea uu xunkiisa gacanta ku hayay Madaxweyne Isaias Afewerki tan iyo 1991 markii uu ka go’ay dalka Ethiopia, iyadoo aan nidaamka dalka Eritrea ogolayn nidaamka dumuqraadiyada, xoriyada saxaafada, iyadoo noqotay wadanka aduunka suxufiyiinta ugu badani ku jiraan xabsiyada, mana jiro dalkaa xisbi aan ahayn xisbiga ka taliya dalkaa ee PFDJ , isla markaana dawlada Eritrea waa dawlad saamayn badan ku yeelatay Mandaqada mudadii ay jirtay, waana dawlada keliya ee afrikaan ah ee aan qaadan dhaqaalaha maraykanka iyo wadamada reer galbeedku ku caawiyaan dalalka afrika.

wixii kasoo kordha kala soco shebekada araweelonews. com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *