kismayo1Kismaayo(Arraweelo News) Xiisadaha dagaalka labadii maalmood ee u danbeeyay ka socday xarunta Jubada Hoose ee Kismaayo ayaa weji kale yeeshay. Kadib markii ay soo bexeen eedaymo Ciidamada

 

Kenya lagu dhaleecaynayo inay la safteen dhinac ka mid ah malayshiyaadka ku dagaalamaya halkaa.
ColBarre Aadan Shire Hiiraale oo kamid ah siyaasiyiinta sheegta in ay yihiin madaxweynayaasha maamulka isku magacaabay Jubbaland ayaa ka hadlay dagaalada maalmaha qaatay ee ka socda magaalada Kismaayo.

Barre Hiiraale oo warbaahinta madaxa banaan lahadlay ayaa qiray in ciidankooda loogu awood sheegtay  dagaalkii maanta ka dhacay magaalada Kismaayo, kaas oo sida uu sheegay ay uga hiiliyeen Ciidanka Kenya malayshida kale ee Axmed Madoobe.

Col. Bare Hiiraale wuxuu sheegay in aan laga awood roonaan ee Ciidanka Kenya la dagaalameen, isla markana aanu ka bixin magalaada ee  isisoo abaabulayo oo ay magaalada kula dagaalami doonaan maleeshiyaadka Axmed Madoobe , wuxuuna Bare Hiiraale, isagoo arrintaa ka hadlaya yidhi,  “Anaga magaalada waan kasoo baxnay waxaana nagasoo saaray ciidanka gaalada Kenya oo magaaladii dhibaata xoogan ka geysanaya,wax ay dhaafayaan malahan,haweenka ayay kufsanayaan,hantidii shacabka bay dhacayaan shacabka Soomaaliyeed waxaan u sheegayaa in Kenya tahay gumeysi cadaw ah”ayuu yidhi  Hiiraale.

Barre  Hiiraale, wuxuu meesha ka saaray warar laga faafiyay oo lala xidhiidhinayo inay gacan saar la yeesheen  xarakada Al-shabaab,  wuxuuna arrintaa ku tilmaamay mid aan sal iyo raad laheyn isagoo yidhi,“Warkaasi waxba kama jiraan weeye anaga iyo shabaab waxbaa naga dhaxeeya 95% waa dad soomaaliyeed laakin Kenya waa cadaw dalkeenii qabsaday insha’allaah anaga iyo shabaab waxaan u midoobi doonnaa sidii aan cadawga Kenya dalka uga saari laheyn”ayuu hadalkiisa sii raaciyay Hiiraale.

Hiiraale wuxuu si cad u sheegay in dhaqaalaha kasoo baxay Dekadda Kismaayo 45% ay qaadato dowladda Kenya ayna ku fushato danaheeda gaarka ah.
Dhinaca Afhayeen u hadlay Ciidamada AMISOM ayaa masuuliyada dagaalka Kismaayo dusha u saaray dawlada aan awooda lahayn ee Xasan Sheekh Maxamuud.

 

Balse Wasiir Ku xigeenka Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya Cabdi Shukuur Cali Mire oo maanta shir jaraaid ku qabtay Muqdisho  ayaa  wax laga xumaado ku tilmaamay Ciidamada Kenya in ay la safteen Garab ka mid ah Garabyadii ku dagaalamay Magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubbada Hoose, wuxuuna sheegay inay dhibaatooyin u geysteen ciidanka Kenya dad shacab ah, isla markaana ay canbaaraynayaan oo ay baaq ka saaraayaan.  Sidoo kale masuulka u hadlay xukuumadda Somalia ayaa sheegay in ciidamada Kenya afduubteen Abaanduulihii ciidanka Somalia eek u sugnaa Kismaayo oo aan la ogayn meel ay geeyeen, kaas oo sadex maalmood ka hor laga kaxaystay Kismaayo.

Dagaalka Kismaayo oo socda maalintii sadexaad ayaa hada u muuqda mid weji kale oo siyaasadeed yeelayanaya, iyadoo laga cabsi qabo inuu ku fido deegaanada kale, isla markaana saamayn weyn ku yeesho rajada laga qabay inay Somalia cageheeda isku taagto dhawr iyo labaatan sanadoo.
Khasaaraha dagaalka ayaan si cad loo ogayn, waxaana jira warar sheegaya in ilaa inta la ogyahay 70 qof ku dhaawacmeen, isla markaana ku dhowaad sodoneeyo kale ku dhimatay, iyadoo ay boqolaal qoys ka baxeen magaalada, isla markaana ay xaaladu kasii darayso.

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *