Caruus1Muqdisho(Araweelo News Network) Afhayeenkii Ururka Xisbul Islaam Max’med Cabdi Caruus oo ka mid ahaa saraakiisha la socotay Sheekh Aways ee dhinaca Baraawe ay kasoo wada firxadeen, ayaa ka badbaaday in gacanta lagu dhigo, kaas oo

 

 

mudadii uu socday muranka ka dhashay arrintaa uu si qarsoodi ah uga baxay Madaarka Muqdisho.

 

Afhayeenkii hore ee Xisbul Islaam Maxamed Caruus oo wareysi siiyay idaacadda shabelle ee magaalada Muqdisho ayaa sheegay in uu dirqi kaga badbaaday Ciidanka la wareegay Sheekh Xasan.“Sheekha iyo raggii lasocday waxay ku dhaceen gacan cadaw oo illaahay uu u qadaray sharka iyo kheyrka waa wax jira oo qof walba oo muslim ah waajib ku tahay in uu ku qanco,handadaad iyo dil ayay nagu sameeyeen rag badan baa ku dhaawacmay, Odayaal dhaqan, Xildhibaano  dhammaantayo waa nala dhibaateeyay”ayuu yidhi Max’med Caruus.

 

Sarkaalkaa ayaa sidoo kale sheegay in ciidan ku hubaysan  qoryo laysarra ah ay xoog ku qafaasheen sheekh Xasan Daahir oo sida uu sheegay loo badinayo  in sheekh Xasan uu dhaawac kasoo gaadhay lugta iyo isha, wuxuuna  xusay in Madaxweynaha maamulka Ximan iyo Xeeb iyo Afhayeenkiisu ay kamid ahaayeen  dadka ay saraakiil Ajaanib ah iyo ciidamada ku sugnaa Madaarku xidheen, balse ay saacado kadib sii daayeen.

Dhinaca kale wararka qaar ayaa sheegaya in kooxdii waday Sheekh Xasan Daahir ay diideen inay ka tagaan halkaa oo ay dalbanayaan in aanay dawladu waxba ka bedelin qorshaha heshiiskii ay kusoo kaxeeyeen Sheekh Xasan.

Xukuumadda Somalia ayaan ka hadlin dhacdadaa, balse warar kale ayaa sheegaya in arrintaasi xiisad xaasaas ah abuurtay, isla markaana  waxa soo baxay warar sheegaya in Odayaasha la socday Sheekh Aways six xun loola dhaqmay oo dhaawacyo soo gaadheen. Sidoo kale ilaa 20 qof oo ka mid ah ilaaladii la socotay ayaa xabsiga la dhigay.

Si kastaba ha ahaatee Sheekh Xasan Aways ayaan si cad loo ogayn halka uu ku danbeeyay iyo waxa uu ku suganyahay, balse waxa la filaya inay dheeraad ah kasoo baxaan arrimaha la xidhiidha saacadaha soo socda.

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *