cawaale1Berbera(Araweelo News Network)Ciidamada Booliiska Somaliland ayaa gacanta ku dhigay eedeysane Cabdixakiin Maxamed Guuleed (Cawaale), oo ahaa maamulahii hore xafiiska Cashuuraha Berriga Berbera oo muddo usbuuc ah raacdadiisa lagu jiray.

 

 

Qabashada maamulahii hore Cashuuraha Berriga Berbera ayaa ka dambeeyey waaran qabasho xubno uu ka mid ahaa oo xafiiska Xeer-ilaalinta Somaliland amartay soo qabashadiisa 24 bishii hore.

 

Xadhiga maamulahii hore sarkaalkaa  oo maanta xabsiga Berbera loo gudbin doono ayaa warar kala duwan sheegayaan inuu ku yimi markuu cagahiisa ku tegay saldhiga Berbera, ka hor intaan nin asxaabtiisa ah oo ciidan ahi ka soo raacin magaalada Sheekh oo ku sugnaa.

 

Shan maalmood ka hor  ayay ahayd markii maamulahii hore cashuuraha Berriga Berbera saxaafada gudaha qaarkood oo wareysi la yeelatay ku cadeeyey inaanu isu dhiibayn sharciga maadaama aanu ku kalsoonayn, isla markaana hantidhowraha Guud Somaliland hadal uu saxaafada hore u geliyey ugu qiil samaynayo xadhigiisa.

 

Haddaba, su’aalaha u baahan jawaabo waafi ah loo helo ayaa noqonaya, sababta xilligan maamulahii hore Cashuuraha Berriga Berbera isugu soo dhiibay ciidamadaBooliska, isagoo hore u cadeeyey inaan ku kalsoonayn inuu cadaalad ka helayo sharciga.

Maamulaha la xidhay ayaa hore u eedeeyay sarkaal ka mid ahaa shaqaalaha xafiiska oo lagu magcaabo Cabdi Jaamac, kaas oo ka mid ahaa shqaalaha tirade yare e kasii joogay shaqaalaha wasaaradda Maaliyada.

Dhinaca kale Maamulaha hada la xidhay ee Xafiiska Cashuuraha Beriga ayaa badhtamihii  bishii May  ee lasoo dhaafay laga joojiyay shaqada isaga iyo dhawr qof oo ka hawlgala xafiiska, iyadoo Hantidhawrku doonayay inuu su’aalo la xidhiidha baadhitaan musuq-maasuq oo socday wax ka weydiiyo, balse waxa arrintaa ganafka ku dhiftay Wasiirka Maaliyadda C/casiis Samaale oo safar ku joogay dalka Britain, wuxuuna amar ku bixiyay in faraha lagala baxo  maamulaha hada la xidhay ee Cawaale.

Dhinaca kale Sarkaalka hada la xidhay ayaa ku eedeeyay hantidhawrka guud inuu shuraako la yahay qaar ka mid ah saraakiisha ilaha dhaqaalaha.

 

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *