Newyork(ANN)Xiisad iyo doodo ayaa ka dhashay muuqaalo sawiro laga qaaday Hogaamiyihii Ciraaq Sadaam Xuseen. ka hor intii aan la dilin, waxaana jira warar  sheegaya in baadhitaan lagu wado maal qabeenka Yuhuudiga ah ee Rupert Murdoch oo

 

iska leh news co’operation oo ay hoos yimaadaan dhawr wargeys oo caan, kuwaas oo uu leeyahay, isla markaana qaarkood daabeeceen sawirada qaarkood.

Rupert Murdoch, ayaa la sheegay  inuu lacag aad u badan u diray askari ka tirsan ciidamada Marakanka ee ku sugan Ciraaq si uu sawiradaa u helo.

waxaana hore loogu daabacay sawiradaa labada joornaal ee The Sun iyo NewYork Post, kuwaas oo  daabacay sawirka muuqaalka Marxuum Saadaam Xuseen oo gashan Nigis yar, isla markaana ku maydhanaya meel xamaam ah 2005, markii ay Ciidamada maraykanku gacanta ku hayeen.

Laakiin sawirka muranka iyo doodaha ugu badan dhaliyay ee lagu baayacay lacag gaadhaysa 10,000,000 $,ayaa ah mid laga qaaday kadib markii laqaawiyay, wuxuuna sawirkaa Ninka Yuhuudiga ah ee iska leh wargeysyadaa Mr. Rupert Murdoch ku dalbanayaa lacag gaadhay 10,000,000 $, isagoo ka dalbanaya inuu usoo gacan geliyo askari jooga dalka Ciraaq oo haysta sawirkaa.

Mr. Graham Dudman, oo ah tafaftirihii hore ee The Sun, ayaa loo qabtay dhawr bilood ka hor arrintaa, isagoo la rumaysan yahay  inuu bixiyay lacago fara badan si uu ugu soo iibsado sawirka uu Marxuumku gashanyahay Nigiska hoose, balse waxa la qabtay isagoo doonaya inuu galo heshiiska uu ku raadinayay sawirka qaawan ee marxuumka.

Baadhitaanada iyo doodaha ayaa soo baxay markii Mulkiilaha iska leh Wargeysyada Mr. Rupert Murdoch, ayaa isagu balanqaaday inuu daabacayo sawirkaa oo ku daabacayo wargeysyadiisa, taas oo sabab u noqtay in la baadho arrintaa. 

Dhinaca kale Madaxwaynihii hore ee dalka maraykanka George W Bush, ayaa ka xumaaday sawirkaa, wuxuuna canbaareeyay arrintaa sawirka lagu daabacay joornaalada. 
si cad looma sheegin lacagta laga bixiyay sawirkii hore, balse joornaalka The Sun, wuxuu sheegay inuu isagu kusoo iibsaday sawirkaas lacag gaadhaysa 1,000 $, Laakin Joornaalka kale ee Daily Beast ayaa sheegaya in lacagtu intaa ka badnayd oo sawirkan Saadaam  lagu soo iibsaday aduun aad u fara badan,  waana sababta keentay in baadhitaan lagu sameeyo si aan loo daabicin.

.Hogaamiyihii hore ee Ciraaq Saadaam Xusseen ayaa la aaminsanyahay inuu shahiiday kadib markii ay dileen ciidamo gaara oo isugu jiray CIA da maraykanka iyo shiicada Muqtada
Assadri, wuxuuna  geeriyooday isagoo ashahaadanaya, dhawaan lasoo saaray filim naadir ah oo sheegaya in Sadaan Xuseen markii uu noolaa  ku taami jiray, ama jeclaa in la dilo isagoo shahiid ah maalin ciidul Adxa ah sidii dhacday maalintii la dilay oo dunida Islaamku aad uga cadhootay qaabkii loo dilay iyo maalinta lagu beegay. 5 Nov 2006.

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *