6a00d8341c630a53ef01774326ac9e970d-600wiQaahira(ANN) Sirdoonka Dawlada Masar ee uu hogaamiyo Maxamed Mursi ayaa ka badbaaday qorshe la doonayay in lagu inqilaabo oo xukunka lagaga tuuro Xisbiga haya talada dalka ee kasoo jeeda Ururka ikhwaanul muslimiinta. kadib markii axsaabta mucaaradka ee

 

ay hogaaminayaan Caamar Muusa iyo Max’med Albaraadici oo xidhiidh dhow la leh wadamada reer galbeedku debed baxyo rabshado wata ka bilaabeen magaalooyinka dalka Masar qaarkood.

Kumanaan dad ah ayaa isugu soo baxay  shalay shaaracyada wadooyinka waaweyn ee Fagaaraha Meydaanu Taxriir, kuwaas  oo ahaa taageerayaashii madaxweynihii hore  Mubaarak  oo maxkamaddi hore  xukun ku riday. Debed baxayaasha ayaa sida ay sheegayaan wararka ka imanaya dalka Masar, waxay  kasoo horjeedeen xil ka qaadista Madaxweynaha Masar ku sameeyay guddomiyaha Garsoorka, Gudoomiyihii Baanka iyo xubno kale oo mihiim ah, kuwaas oo ka tirsanaa nidaamkii Mubaarik, balse dadka taageerayay isbedelkii ka dhacay dalka ay hore u dalbanayeen talaabadaa.
Magaalada Askandariyah waxaa lagu gubay xafiiska Ururka Akhwaanka. sidoo kale   magaalada 6 October iyana waxaa lagu weeraray xarumo ay leeyihiin taageerayaasha Maxamed Mursi. laakiin ciidamada amaanka ayaa ku guulaystay inaanay debed baxayaasha oo doonayay inay u hoydaan xalay fagaaraha Taxriir aanay u suurta gelin.

Madaxweyne Mursi ayaa khamiistii lasoo dhaafay Eryay Qaadiga guud ee maxkamadaha  Masar wuxuuna ku dhawaaqay dastuur cusub oo ka duwan kii ay dejisay dowladdii hore ee Xusni Mubaarak, balse waxay mucaaradku ku tilmaameen arrintaa talaabo gef ah oo muujinay in nidaamkii lagu doortay sida dumuqraadiga ah uu isu bedelay digtaytarnimo iyo inuu samaysto awoodo dheeraad ah.

Laakiin xukuumadda ayaa Go’aanada  ku sheegtay  kuwo la doonayo in loogu adeegayo kacdoonkii Masar ka dhacay oo ujeedooyinkiisa ay kamid ahaayeen in la casilo dhammaan dadka muuqda ee lasoo shaqeeyay nidaamkii Mubaarak.

In kasta  oo shacabka dalka Masar intooda badan talaabooyinkaa go’aanka Mursi oo ay ku tilmaameen mid geesinimo leh, hadana  axsaabta mucaaridka Masar oo ay hogaaminayaan siyaasiyiin dhinaca reeg galbeedka u jan-jeedhaa, ayaa lagu tilmaamay inay hormood u yihiin debed baxyada socda, kuwaas oo doonaya inay gabood uga dhigtaan arrintan sidii xukunka looga tuuri lahaa Maxamed Mursi oo xisbigiisa Ikhwaanul muslimiintu hogaayaan dalka.

Dhinaca kale Bayaan kasoo baxay Ururka Akhwaanka ayaa lagu sheegay in madaxweyne Mursi uu fashiliyay qorshe halis ah oo lagu doonayay in lagu afgambiyo Thowradii Masar ka dhacday ee xukunka lagaga tuuray Xusni Mubaarak.

“Mu’aamaradu waxay u muuqatay mid lasii diyaarinayay bisha September ee sanadka soo socda waxaa la doonayay in garsoorayaasha qaar ay kala diraan golaha baarlamanka kadibna saraakiishii hore ee ciidanka ku dhawaaqaan marxalad cusub oo  meesha ka saaray  thowradii masar”ayaa lagu yidhi Bayaanka.

waxa muuqata in Sirdoonka Ikhwaanka ee dalka Masar ay heleen qorshe loo maleegayay xukuumadda uu hogaamiyo Maxamed  Mursi, iyadoo wargeysyada qaarkood sida Almisriyuun ee kasoo baxda  Qaahira ayaa baahisay in wadamada reer galbeedka ay qorshaha mucaaradka xagga danbe ka riixayaan,  iyagoo doonaya in awoodaha Garsoorka Masar aan lagu wareejin Ikhwaanka.

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *