Taageerayaasha Urur Siyaasadeedka Rays Oo Hafiyay Fagaarayaasha Hargeysa Iyo Muuqaalo Cajiib Ah Oo Ay  Kusoo Bandhigeen Magaalooyinka Kale

DSCN2813Hargeysa(ANN)Taageerayaasha Urur siyaasadeedka RAYS, ayaa maanta kusoo khatimay Ololaha doorashada golayaasha deegaanka fagaarayaasha magaalooyinka waaweyn ee Hargeysa, Burco, Ceergaabo, Boorama,

 

Laascaanood, Berbera, Caynaba iyo Gebilay, iyagoo kumanaan ka mid ah taageerayaasha Ururkaa , musharixiinta u tartamaya doorashada iyo masuuliyiintoodu si cad u muujiyeen cududooda iyo baaxada taageerada ururkooda.
sidoo kalena fagaarayaasha qaarkood kusoo bandhigay muuqaalo soo jiitay indhaha bulshada oo isugu jiray Awr lagu raray Aqal-soomaali ka turjumaya dhaqanka bulshada iyo ciyaaraha hidaha iyo dhaqanka.

DSCN3752
Fagaaraha Beerta xoriyada Hargeysa oo ay isugu soo baxeen kumanaan ka mid ah taageerayaasha Rays oo sitay astaamaha musharixiinta iyo calanka Ururka, kuwaas oo socod gaadiid iyo  lugba ku tegey fagaaraha. kadib markii ay jihooyinka xaafadaha magaalada hargeysa isaga yimaadeen.
Gudoomiha Gobolka Maroodi-Jeex Ee Urur Siyaasadeedka Rays C/risaaq Ismaaciil Maxamed (Kildhi) oo ka mid ahaa masuuliyiinta ka hadashay fagaaraha ayaa u mahad-naq  balaadhan u Jeediyay dhamaan taageerayaasha Ururka Rays, wuxuuna ku faanay oo si gaar ah ugu mahad-naqay  Murashixiinta Ururka Rays oo sida uu  sheegay aanay  la,aantood waxba suurto galeen, wuxuuna ku tilmaamay lugaha uu ku taaganyahay Ururku.
Mr. Kildhi wuxuu taageerayaasha ku dardaaray inay maalinta codbixinta muujiyaan taageerada ay u hayaan Ururka oo ay guulaystaan musharixiinta iyo Ururkuba, isla markaana ay ka dhabeeyaan himiladooda iyo guusha ay wada doonayaan.

DSCN2822
Gudoomiye ku Xigeenka 1-aad ee Ururka Rays, isla markaana ah musharax u taagan tartanka doorashada golayaasha deegaanka ee Hargeysa, wasiirkii hore ee Beeraha Aaden Axmed Cilmi (Dhoolayare) oo la hadlay taageerayaasha RAYS, ayaa  yidhi,  “RAYS, wuxuu u taaganyahay taageerada Danyarta, Bulshaweynta Somaliland Ilaahay Idankii waxaan rajaynaynaa Inuu Ururka Rays noqdo kii soo baxa, Ururka Rays waxa keliya ee Maanta u hadhay waa waqtiga oo keliya, wuu soo bixi doonaa oo xisbi ayuu noqonayaa haddii Illaahay idmo, waynu guulaysan doonaa Illaahay idinkii ” ayuu yidhi Aaden Dhoolayare.
DSCN2813
Qaar ka mid ah musharixiinta Ururka RAYS ee Hargeysa ayaa hadalo ka jeediyay halkaa. Mr: Cumar Goodaan oo kamida Murashixiinta Golaha Deegaanka Ee Caasimada Hargeysa uga Sharaxan Ururka Rays,  oo ka mid ahaa xubnaha ka hadlay fagaaraha ayaa  sheegay   inuu  metelayo bulshada Hargeysa, balse  uu si gaar ah u metelayo bulshada laga tiradabadanyahay, isagoo yidhi,  “Anigu waxaan matalaa Bulshada laga tirada badanyahay.  Laakiin Maanta Ma qabo taas ee  waxaan matalayaa Bulsho Tiro Badan Dhamaan Dadka halkan  Isugu baxay waa  bulshadaydii,  waa bulshada Codka isiin doonta, waxaana  leeyahay   Insha Allaah waynu guulaysanaynaa” Ayuu Yidhi. Musharax Cumar Goodaan.

Sidoo kale Ilhaan Faleenbo Oo Kamida Murashixiinta Urur Siyaasadeedka Rays Ugu tartamaya  Doorashooyinka Golaha Deegaanka Ee Caasimada Hargeysa oo ka mid ah haweenka ugu cad-cad ayaa sheegatay inay dhalinyaradu yihiin kuwa wax bedeli kara, iyadoo  “Anaga waxaa naloosoo xulay inaanu kamid noqono Murashixiinta nasiibka u helay inay kamid noqdaan kuwa u tartamaya Caasimada Hargeysa, run ahaantii Maanta Caasimada Hargeysi waxay u baahantahay daryeel iyo in la daryeelo, bilicdeeda, waana inaynu ka  kawada shaqayno, Aduunkan aad arkaysaan waxa bedelayna waa Dhalinyaro,  Dhalinyarada ayaa Hormood u noqota is bedelkasta, Anagoo Matalayna Dhalinyarada Caasimada Hargeysa ka sharaxan waxaanu ku rajo waynahay inay Bilicda Caasimada Hargeysi noqoto mid Lagusoo taamo oo caasimadaha  caalamka la talaabsatay” ayay tidhi Ilhaan Faleeno.

waxa kale oo fagaarahaa hadalo ka Jeediyey Murashixiinta Ururka Rays uga sharaxan Caasimada Hargeysa, kuwaas oo dhamaantood sheegay barnaamijyadooda iyo waxyaabaha ay doonayaan inay wax ka qabtaan, isla markaana ku dar-daaray taageerayaasha inay codkooda la garab istaagaan maalinta cod bixinta.
Sidoo kale Kumanaan ka mid ah taageerayaasha Ururka RAYS, ayaa maanta dhoolatuska kaanbaynka isugu soo baxay fagaaraha Burco, kaas oo ahaa kii ugu balaadhnaa ee ay sameeyaan mudadii uu socday ololaha kaanbaynku.
Gudoomiyaha RAYS Dr. Xasan Maxamed Cali (Gaafaadhi) iyo Afhayeenka RAYS Khaliif Maxmed Warsame(Khaliif Xiinwaal), ayaa kala qaybgalay taageerayaasha RAYS munaasibadaa.
Dr. Gaafaadhi, ayaa ugu baaqay Ururada hadha inay natiijada abalaan, wuxuuna isagoo la hadlaya kumanaan taageerayaasha Ururkiisa ah sheegay in ururada tartamaya sadex kasoo baxaayn. sidaa darteed aanay cadhoon Afarta hadhaa, isagoo yidhi, “RAYS ma noqonaya mid natiijada ka cadhooda, mana noqon doono mid madaxdiisu xamar tagaan marka natiijada la sheego haddii ay hadhaan ee way joogayaan, waxaan noon doonaa kuwa koowaad ee ku qanca natiijada mana tegi doono xamar iyo meel kale toona, waxaan idiin rajaynayaa guul insha Allaah waynu guulaysanaynaa” ayuu yidhi  Gaafaadhi.
Dr.Xasan Gaafaadhi, waxay taageerayaasha uga mahadnaqeen sida xamaasadda leh ee ay cududooda saaka u muujiyeen uguna soo gunaanadeen ololihii ay afarta jimce soo wadeen, waxay masuliyiintani sheegeen in ururka RAYS Degmooyinka iyo gobolada Dalka oo dhan sidan iyo si ka daran loogu soo baxay looguna soo bandhigay cududa taageerada RAYS oo uu sheegay inay cid walba ka yaabisay.

.
Sidoo kale Afhayeenka ururka RAYS Khaliif Maxmed Warsame(Khaliif Xiinwaal), ayaa la hadlay taageerayaasha baaxadda lehaa ee maanta qarqiyey fagaaraha khayriyadda Burco, iyadoo qaar ka mid ah Murashaxiinta Golaha deegaanka urursiyaasadeedka RAYS uga sharraxan Degmada Burco ka jeediyeen halkaa tilmaamo ay ka bixinayaan waxa ay doonayaan inay qabtaan iyo barnaamijkooda  geba gebadii waxay taageerayaasha RAYS socod ku mareen wadooyinka waaweyn ee magaalooyinkaa. iyadoo sidan oo kale isu soo baxyo waaweynay ka sameeyeen magaalooyinka Boorama, Ceergaabo,Laascaanood, Caynaba, Berbera iyo Gebilay, kuwaas oo ay kusoo khatimeen ololaha kaanbaynka doorashooyinka golayaasha deegaanka oo hada geba-gebo ku dhow, isla markaana maalinta Arbacada ee todobaadkan ay dadweynaha Somalialnd u dareerayaan cod bixinta doorashadaa.

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *