Hargeysa(ANN) “Xeerka Xadidaada mushaharooyinka Madaxweynaha, Madaxweyne-ku- xigeenka  iyo mudanayaasha xeer dejinta, waa  xeer muddo toban sanadood ka badan yaalay golaha oo ay ka socon waayay  xukuumaddii hore ee jirtay,  samayntiisuna waa  qodob dastuurku sheegayo. Laakiin

 maaha sida loo dhigayo ee la leeyahay mushaharooyin ayay goluhu kordhisanayaan oo arrintaa waa la siyaasadeeyay, waxaana borabagaandhadaa sameeyay oo siyaasadeeyay shirgudoonka golaha iyo laba mudane  oo ka tirsan gudida dhaqaalaha.”
Sidaa waxa yidhi Mudane Axmed Ducaale Bulaale oo maanta waraysi kooban oo ku saabsan mooshinka buuqa iyo sawaxanka dhaliyay ee golaha wakiilada horyaala siiyay shebekada wararka ee Araweelonews. Mudane Axmed Ducaale waxa uu sheegay in aanay jirin sabab loogu baahdo inay mudanayaashu dalbadaan in mushaharooyinka loo kordhiyo, isagoo yidhi, “Markii hore waxay yidhaahdeen xukuumaddaa la ridayadaa, balse madaxweynaha iyo golihii wasiirrada ee aanu arrintaa uga waranay way fahmeen oo waxay yidhaahdeen hawshiina wata, wasiirka maaliyadana waanu ka wada soconaa hawshaa, markii taa la beeniyana waxay yidhaahdeen mushaharkii shaqaalaha iyo ciidamadaa la diidanyahay. Waxaana golahayaga yaala mooshin ku saabsan mushar kordhinta ciidamada iyo shaqaalaha dawladda. Markaa ka dib waxaanu is aragnay wasiirka Maaliyada oo noo sheegay in 15 Nov 2010, aanu isla meeldhigi karo xadiga la kordhin karo mushaharooyinka.
Sidaa awgeed xeerkani maaha mid mushaharooyin lagu korodhsanayo. Laakiin waxa loo baahanyahay inuu jiro xeer cadaynaya waxaan mushahaar u qaadanayo (mudane ahaan), markaa xeerkani waa mid xadidaya mushaharooyinka Madaxweynaha, Madaxweyne- xigeenka guddoomiyeyaasha golayaasha (guurtida iyo wakiillada) iyo ku- xigeenadooda . sidoo  kale wasiirrada ayaa ku jira in la cadeeyo mushaharooyinkooda. Inta aanu isleenahay kordhiya miisaaniyada golahayaga oo aanu ku jaangoyno ayaa ku filan, miisaaniyadaa oo waxay ku baxado aan la garanayn ayaanu leenahay aan sharciyayno si aanu musuq-maasuqa meesha uga saaro oo uga takhalusno. Ragga borobagaandada xeerka ku wadaana waa kuwa miisaaniyada ceedhinka ku qaata oo aan ogolayn in la sharciyeeyo, kuwii ayaana si qaldan u turjumaya oo xeerka siyaasadeeyay, arrinatana madaxweynaha waa lagu qanciyay oo si fiican ayuu ula socdaa, xukuumadana waa lagu qanciyay .”
Mudane Axmed Ducaale oo la weydiiyay mar hadii mudanaayashu badankoodu xeerkaa raali ka yihiin sida uu sheegay inay  suurta gal tahay  in xeerkaa goluhu anisixyo, wuxuuna isagoo arrintaa ka hadlaya yidhi, “Xeerka waxa wata aqlabiyada mudanayaasha, waxaana ka soo horjeeda shirgudoonka iyo labada mudane ee sameeyay borobagaandada oo kala ah Duur iyo Cali Mareexaan, sabatuna waxa weeye miisaaniyadda golaha ayay ceedhinka ku qaadan jireen, mana rabo inaan intaa u dhaafo arrintaa.”
Mar la weydiiyay maadaama xeerka golaha intiisa badi wataan sida ay u suurta gashay in dadka loogu sheego inay mudanayaashu kordhisanayaan mushaharooyinka, wuxuuna isagoo ka jawaabaya su’aashaa yidhi, “Anagu xeer golaha iska horyaala ayuun baanu u arkaynay oo kamaanu hadlin, iyaguna si borobagaando ah oo ay doonayeen inay xukuumadda iyo golaha isku dhiftaan ayay suuqa u geliyeen. Dadkuna waxay akhiriyaan suuqa iyo waxa jaraa’idku qoro, iminkana dadka waxa soo celindoona oo ay ku qanci doonaan dooda xeerka ee golaha ka socota masraxa golaha wakiillada taas ayaana soo celindoonta dadka oo ay xaqiiqda ku ogaandoonaan, waxaana cadaynayaa in aanu jirin mushahar la kordhinayaa oo golahayaga ah. Laakiin waa inaan aqaanaa waxaan mushahaarka u qaadanayo. Haddii kale sidaa ragga qaarkii ayaan noqonayaa kuwa dhaameelka qaata(Laaluushka) eek u jira golahayaga. Marka  ay noqoto mushahar kordhin waxaa  golahayaga mudnaanta ka leh ciidamada iyo shaqaalaha dawlada in loo kordhiyo.”  
 By,  Carraale  M. Jama  Freelance Journalist and Human Rights Activist 
Araweelonews Somaliland Office  
E-mail; Info@araweelonews.com
 jaamac132@gmail.com
 shalcaw2@hotmail.com

+252 2 442 5380

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *