Hargeysa(ANN) Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Silaanyo) waxa uu maanta digreeto ku magacaabay Guddoomiye xigeenka Baanka Dhexe ee Somaliland.Sida lagu
 

 
faafiyay war-saxaafadeed ka soo baxay madaxtooyadda Somaliland, kaas oo u qornaa sidan;-
 
“Madaxweynaha JSL Mudane: Axmed Maxamed  Maxamuud (Siilaanyo) waxa uu Digreeto Madaxweyne ku Magacaabay  Gudoomiye ku xigeenka Baanka Dhexe. Waxaanu Madaxweynuhu Digreetadaa ku yidhi:-
 Markaan Arkay:            Qodobka 90-aad ee Distoorka Qaranka  JSL.
 Markaan tixgeliyey:       Ahmiyadda uu Baanka Dhexe u leeyahay Dhismaha Qaranka. Markaan Arkay:  In baahi loo qabo buuxinta jagadan,
 
 Markaan ka Fiirsaday:   kartidiisa, Aqoontiisa iyo hufnaantiisa shaqo
 Markaan ku qancay:      Inuu hanan karo xilkan loo magacaabay
 Waxaan go’aansaday In mudane, Cumar Yuusuf Buux  ‘Gaws’, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado, Gudoomiye ku xigeenka Baanka Dhexe ‘ Central Banka’ ee JSL.”
 

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *