Hargeysa(ANN) Telefoonada shirkada ugu weyn Isgaadhsiinta Somaliland ee Telesom iyo Adeega loo isticmaalo Mobileka ee Zaad ayaa maalintii labaad Khal-khal galay. Kadib markii ay waqti kooban hawada ka maqanayd maanta barqadii, taas oo keentay inay dadka isticmaala

Mobillada shirkadaa  oo ah ta ugu badan dhinaca Telefoonada Somaliland dadku sitaan , isla markaana ay dad badani isticmaalaan Adeega Zaad ee ay dhowaan soo kordhisay Shirakadu ka cadhoodaan hakadka ku yimi isgaadhsiinta Telefoonada Mobillka.
Hakadka maalintii labaad galay isticmaalka telefoonada gacanata ee Shirkada Telesom ayaa kusoo beegmay. Kadib markii ay  maalintii shalay qadar saacado ah gebi ahaanba hawada ka bexeen Telefoonada shirkada Telesom, taas oo keentay inuu shaqayn waayo Adeega Zaad oo ay dad badani ku macaamilaan, isla markaana wax ku kala iibsadaan, balse ay saamaynta ugu weyn  ku yeelatay baahiyaha adeegyada  ay dadka Zaad isticmaalaa xiligaa doonayeen inay kaga adeegtaan suuqa, waqtigaa oo ku beegnaa xiliga ay dadku shaqooyinka ka yimaadaan ee suuqyada maqaaxiyaha cuntada iyo goobaha qaadka lagu iibiyaa camairan yihiin. Arintaa ayaa keentay inay dad badan oo xiligaa doonayay inay ka adeegtaan suuqyadu ka cadhoodaan khal-khalka ku yimi isgaadhsiinta Telefoonada ee Telesom, maadaama ay qaybo badan oo ka mid ah Bulshadu ku macaamilaan oo ay wax ku kala iibsadaan Adeega Zaad.
Lama garanayo sababta rasmiga ah ee ay hawada uga maqnaayeen Teleefoonada shirkada iyo adeega kale ee ay dadku isticmaalaan, balse shirkada ayaa fariimo ay saacado danbe xalay kusoo dirtay Mobile-ka kaga cudurdaaratay hakadkaa ku yimi shalay, kaas oo ay ku sheegeen inuu ahaa waqtigii ay hawada ka maqnaayeen xili laga shaqaynayay sistamka. Hase yeeshee waxa jira tibaaxo iyo xogo laga helay dad ku dhow dhow shirkada oo sheegaya in sababta uu khadku maalintii shalay saacadaha badan u maqnaa ay la xidhiidho kha-khal ku yimi sistamka Adeega Zaad oo aan mobile-ka la;aantii shaqayn  Karin, kaas oo sida ay xigahaasi tibaaxayaan lagaga xaday shirkada lacag qadarkeeda lagu sheegay ku dhowaad $ 100, 0000 (boqol kun) oo dollar, taas oo si tuuga ah loogu xaday khadka Adeega Zaad. Laakiin ma jiraan warar kasoo baxay dhinaca masuuliyiinta shirkada oo xaqiijinaya jiritaanka warka sheegaya in laga dhacay shirkada lacagtaa, iyadoo ay hadalhaynta waraka sheegaya in cilada ku timi isgaadhsiinta shirkaadaa iyo lacagta laga dhacay ee Zaad si weyn maanta usoo baxday hadal haynteedu. Kadib markii ay subaxnimadii saaka mar kale soo noqotay cilada ku timi isgaadhsiinta Telesom.
Dadka isticmaala isgaadhsinta Telesom ee Telefoonada iyo bulshada kaleba lama yaabin cilada ku timi Mobileka, balse waxa dad badan  wer wer ku abuuray baahida  waxyaabihii ay doonayeen inay adeegtaan oo ku xidhnaa Adeega ay wax ku iibsadaan ee Zaad oo ah mid ku shaqaynaya Telefoonada mobile-ka ee gacanta, iyadoo ay jiraan warar sheegaya inay  dad badan oo lacagtii ugu jirtay khadka adeega Zaad wax iska dhimeen markii ay kha-khashay, taas oo aanay ogayn sida ay uga maqnaatay  lacagtaasi
Si kastaba ha haatee maaha markii ugu horaysay ee telefoonada hawada ka baxaan, ama ay ciladi ku timaado, balse adeega cusub ee Zaad  oo wax lagu kala iibsado ayaa noqonaya  markii ugu horaysay lagu arkay cilada noocan ah oo mudo saacado ah uu xanibnaa, isla markaana maalintii labaad mar kale ay soo noqoto ciladii, taas oo si weyn u shaki gelisay dadka isticmaala inay ku kalsoonaadaan, isla markaana waxa suurta gal ah inay ciladani dhaawac u geysato kalsoonida dad badni ku qabeen isticmaalka adeega Zaad.
By,  Carraale  M. Jama  Freelance Journalist and Human Rights Activist 
Araweelonews Somaliland Office  
E-mail; Info@araweelonews.com
 jaamac132@gmail.com
 shalcaw2@hotmail.com

+252 2 442 5380

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *