Hargeysa(Araweelo News Network) Golaha Wakiiladda Somaliland oo maalmihii u danbeeyay ku guda jiray  dooda xeerka Wadooyinka oo muran iyo buuq ka abuuray mudanayaasha dhexdooda, isla markaana sababay in xildhibanada qaarkood gacanta isula tagaan, ayaa lasoo

geba-gebeeyay  kadib markii ay aragtiyo  kala duwan ka bixyeen xeerkaa oo si weyn rayal caamka Bulshudu u hadal hayo.

Gudoomiyaha Wakiilada Cabdiraxamaan Maxamed Cabdilaahin (Cirro) ayaa ku wargeliyay Xildhibaanada in lasoo gebagebeeyay dooda xeerka takaaliifta horumarinta wadooyinka dalka.

 

Mudanayaasha dooda ka qeyb qaatay  ayaa  aragtiyo kala  duwan ka bixiyay dooda xeerkaa, kuwaas oo qaarkood soo jeediyeen in xeerkaasi  aan loo baahnayn, maadaama uu yahay mid culays dhaqaale ku keenaya bulshada, halka kuwo kalena ku doodayeen in xeerkaasi yahay mid muhiim u ah dalka  oo kaalin ka geysanaya horumarinta wadooyinka dalk.

Qaar kale oo ka mid ah mudanayaasha ayaa ku dooday in cashuurta laga dhimo ganacsatada dalka wax soo galisa, xoolaha nool iyo gaadiidka u kala goosha gobolada dalka, iyadoo la eegayo bulshada inteeda danyarta ah, taas oo xeerku tilmaamayo in lacago laga qaado, taas oo lagu sheegay xeerka in wax lagaga qabanayo horumarka dhinaca wadooyinka ee dalka oo u baahan in wax weyn laga qabto.

Maalamaha soo socda ayaa la filayaa in mudanayaashu go’aan ka gaadhaan , iyadoo dooda xeerkaa uu dhinac socday kaanbayn dhinaca xukuumadda ah oo ay ku doonayso in xeerkaa lagu meel mariyo, balse ma cada go’aanka ay goluhu ka qaadan doonaan xeerkaa iyo qaabka uu dhaqan gal u noqonayo ee bulshadu u aqbali doonto.

jaamac132@gmail.com

info@araweelonews.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *