somalimemo.netNairobi(Araweelo News Network) Tirada dadka ku dhintay weerarka xarunta ganacsi ee ku taal  caasimada dalka Kenya ee Nairobi ayaa sii kordhay. Sidoo kale waxa kordhay tirada dadka ku dhaawacmay weerarkaa, iyadoo dadka dhintay iyo kuwa dhintayba

 

somalimemo.net

ay ku jiraan dublamaasiyiin shisheeye iyo dad Kenyan ah.

Ciidamada dalka Kenya oo adeegsnaya diyaaradaha helekobtarada ayaa la tacaalaya weli koox Al-shabaab ah oo dhisme weyn oo ganacsi  weerar ku qaaday shalay  kadibna gudaha u galay , kuwaas oo ku haysta boqolaal qof, isla markaana tirada dadka dhintay ayaa lagu sheegay 59 qof, iyadoo 175 qof oo kale ku dhaawacmeen sida uu warbaahinta u sheegay wasiirka Arrimaha Gudaha dalka Kenya.

somalimemo.net

Madaxweynaha Dalka Kenya  Uhuru Kenyatta ayaa sheegay in qaar ka mid ah qoyskiisu ay ku jiraan dadka ku dhintay iyo kuwa  la layahay ee la rumaysan yahay in afduub loogu haysto maalintii labaad qaybo ka mid dhismahaa. Dalka Fransiiska ayaa sheegay in laba qof oo ka mid muwaadiniintooda lagu dilay goobtaa. Sidoo kale  dawlada Canada ayaa sheegtay in ay ku dhisteen weerarkaa laba qof oo u dhashay dalkeeda, kuwaas oo midkood ahaa  dublamaasi 29n jir ah.

somalimemo.net

Waxa kale dadka dhismahaa ku dhintay ka mid ah Haweenay u dhalatay dalka China sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee China.

Dhinaca kale Nin Soomaali ah iyo gabadh u dhalatay dalka India  ayaa ka mid ahaa dadkii ku dhintay weerarkaa, kuwaas oo maanta lagu aasay qabuuraha Muslimiinta ee Nairobi.

Sidoo kale hoghayaha arrimaha debeda  Maraykanka  John Kerry, ayaa canbaareeyay weerarkaa, wuxuuna sheegay inay dawlada Kenya ka caawinayaan sidii xal loogu heli lahaa mushkilada dadka weli lagu haysto dhismahaa, isagoo sheegay in muwaadiniin badan oo u dhashay Maraykanka ku jireen dadka ka adeeganayay dhsimahaa, isla markaana dadka u dhashay dalkooda eek u dhintay ay ka mid tahay Haweenay  dublamaasiyad ah oo u shaqaynaysay wakaaladda Horumarinta Caalamiga ah.

Xoghayaha arrimaha debeda Britain William Hague ayaa sidoo kale sheegay ilaa sadex qof oo ka mid muwaadiniintoodu inay ku dhinteen weerarkaa. Sidoo dad u dhashay dalka Israil ayaa ka mid ah dadka dukaamada ku lahaa dhismahaa, kuwaas oo la rumaysanyahay inay weli halkaa ku jiraan.

somalimemo.net

Dawlada Kenya ayaa sheegay in tirada laga badbaadiyay dhismahaa ay gaadhayaan ilaa 1,000 qof, balse aan la xaqiijin Karin dadka afduubka loogu haysto weli halkaa, iyadoo aan si cad loo oggayn tirada kooxda hubaysan ee gashay dhismahaa, kuwaas oo wararka qaar sheegayaan in ay qiyaastii ahaayeen 15 -20, balse warar kale ayaa sheegaya in aanay ka badnayn 10 – 15 qof.

Al-shababaab oo xidhiidh la leh ururweynaha Al-Qaeda ayaa sheegatay weerarkaa kooxda  hubaysani ay shalay ku  qabsadeen dhismahaa oo dhawr dabaq ah oo lagu magcaabo West Gate Mall oo  ku yaal  xarunta dalka Kenya ee Nairiobi, taas oo ah goob ganacsi oo isugu jirta dukaamo, huteelo laga cunteeyo iyo Banan.

somalimemo.net

Goobtaa oo ka mid ah meelaha ugu caansan ganacsiga oo xiliga kooxda dablayda ahi weerartay  ay  boqlaal qof ka dukaamaysanayeen, kuwo kalena ku sugnaayeen huteelada laga cunteeyo.

Weerarka oo shalay  dhacay ayaa ah weli mid aan xal loo helin, iyadoo ay weli ku sugan yihiin dhismahaa  oo lagu magcaabo Westgate Mall  kooxda dablayda ah ee qabsatay, kuwaas oo laga daawanayo Camaraddaha dhinaca amaanka ee k u xidhnaa dhismahaa, waxaana sawirada laga arkayay muujinayaan in kooxda hubaysan oo weli ku jira dhsimahaa ay dad  badan oo aan tiradooda la aqoonsan ku haystaan halkaa.

Waxaana gaaf wareegaya dhismayaashaa dadka lagu haysto ciidmada Milateriga Kenya, iyadoo diyaaradaha helekobtaradu dul wareegayaan dhsimahaa, waxayna ciidmada Kenya isku deyayaan inay badbaadiyaan dadka lagu haysto halkaa, iyadoo ay goobta tagtay laanqayrta cas ee caalamiga ah.

somalimemo.net

Dhinaca kale kooxda Al-shabaab ayaa sheegatay weerarkaa, waxayna sheegeen inay Ciidamada Kenya kula dagaalamayaan gudaha dalka Kenya, iyagoo sheegay Al-shabaab inay ku dileen dad gaadhaya 100 qof, sida ay kooxda Al-shabaab ku baahisay barta ay ku leedahay Twitterka.

Ciidamada dalka Kenya ayaa galay  gudaha dalka Somalia Oct, 2010, waxaana dagaal weyni dhexmaray kooxda Al-shabaab ee ka talinaysay inta badan Koonfurta Somalia, waxayna marar badan sheegtay in ay weerari doonaan dhismayaasha dhaadheer  ee Kenya haddii aanay ciidmadeeda kala bixin Somalia. Weerarkaa ayaa dadka Kenyanka ah xusuusiyay  weeraradii lagu  qaaday safaaraddaha  Maraykanka ee Nairobi 1998, kuwaas ay  oo ay ku dhinteen ilaa 200 qof.

jaamac132@gmail.com

info@araweelonews.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *