westgetemallNairobi(Arraweelo News) Ciidamada dalka Kenya oo adeegsnaya diyaaradaha helekobtarada ayaa la tacaalaya weli koox Al-shabaab ah oo dhisme weyn oo ganacsi  weerar ku qaaday saaka kadibna gudaha u galay , kuwaas oo ku haysta boqolaal qof, isla markaana dhawr iyo labaatan qof ku dilay

 

tiro intaa ka badana ku dhaawacay.

Sida ay sheegayaann saraakiisha ciidanka Booliska Kenya ugu yaraan 20 qof ayaa dhintay ilaa 50 qof oo kalena waxa soo gaadhay dhaawacyo. Kadib markii koox hubaysan ay saaka qabsadeen dhisme dhawr dabaq ah oo ku yaala xarunta dalka Kenya ee Nairiobi, taas oo ah goob ganacsi oo isugu jirta dukaamo, huteelo laga cunteeyo iyo Banan.

Goobtaa oo ka mid ah meelaha ugu caansan ganacsiga oo xiliga kooxda dablayda ahi weerartay  ay  boqlaal qof ka dukaamaysanayeen, kuwo kalena ku sugnaayeen huteelada laga cunteeyo.

Weerarka oo saaka dhacay ayaa ah weli mid aan xal loo heliy, iyadoo ay weli ku sugan yihiin dhismahaa  oo lagu magcaabo Westgate Mall  kooxda dablayda ah ee qabsatay, kuwaas oo laga daawanayo Camaraddaha dhinaca amaanka ee k u xidhnaa dhismahaa, waxaana sawirada laga arkayay muujinayaan in kooxda hubaysan oo weli ku jira dhsimahaa ay dad  badan oo aan tiradooda la aqoonsan ku haystaan halkaa.

Waxaana gaaf wareegaya dhismayaashaa dadka lagu haysto ciidmada Milateriga Kenya, iyadoo diyaaradaha helekobtaradu dul wareegayaan dhsimahaa, waxayna ciidmada Kenya isku deyayaan inay badbaadiyaan dadka lagu haysto halkaa, iyadoo ay goobta tagtay laanqayrta cas ee caalamiga ah.

Dhinaca kale kooxda Al-shabaab ayaa sheegatay weerarkaa, waxayna sheegeen inay Ciidamada Kenya kula dagaalamayaan gudaha dalka Kenya, iyagoo sheegay Al-shabaab inay ku dileen dad gaadhaya 100 qof, sida ay kooxda Al-shabaab ku baahisay barta ay ku leedahay Twitterka.

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *