geba-gebeeyay kadib markii ay aragtiyo kala duwan ka bixyeen xeerkaa oo si weyn rayal caamka Bulshudu u hadal hayo.
Gudoomiyaha Wakiilada Cabdiraxamaan Maxamed Cabdilaahin (Cirro) ayaa ku wargeliyay Xildhibaanada in lasoo gebagebeeyay dooda xeerka takaaliifta horumarinta wadooyinka dalka.
Mudanayaasha dooda ka qeyb qaatay ayaa aragtiyo kala duwan ka bixiyay dooda xeerkaa, kuwaas oo qaarkood soo jeediyeen in xeerkaasi aan loo baahnayn, maadaama uu yahay mid culays dhaqaale ku keenaya bulshada, halka kuwo kalena ku doodayeen in xeerkaasi yahay mid muhiim u ah dalka oo kaalin ka geysanaya horumarinta wadooyinka dalk.
Qaar kale oo ka mid ah mudanayaasha ayaa ku dooday in cashuurta laga dhimo ganacsatada dalka wax soo galisa, xoolaha nool iyo gaadiidka u kala goosha gobolada dalka, iyadoo la eegayo bulshada inteeda danyarta ah, taas oo xeerku tilmaamayo in lacago laga qaado, taas oo lagu sheegay xeerka in wax lagaga qabanayo horumarka dhinaca wadooyinka ee dalka oo u baahan in wax weyn laga qabto.
Maalamaha soo socda ayaa la filayaa in mudanayaashu go’aan ka gaadhaan , iyadoo dooda xeerkaa uu dhinac socday kaanbayn dhinaca xukuumadda ah oo ay ku doonayso in xeerkaa lagu meel mariyo, balse ma cada go’aanka ay goluhu ka qaadan doonaan xeerkaa iyo qaabka uu dhaqan gal u noqonayo ee bulshadu u aqbali doonto.
jaamac132@gmail.com
info@araweelonews.com