Dacwada Loo Haysto Boqor Buur-madaw Oo Markii U Horaysay La Dhegeystay,Dooddii  Qareenada  Difaacayay Iyo Dareenkii Ku Xeernaa Hargeysa (ANN)Xeer-Ilaaliyaha Guud ee Qaranka Xasan Axmed Aadan, ayaa jawaab sharciya u waayay xadhigga muddo-dhaafay ee Boqor Cismaan Buur-madow oo muddo boqol iyo labaatan habeen  u xidhan fekerkiisa iyo rayigiisa, balse lagu eedeeyay inuu aflagaado u geystay

 

Madaxweynaha Somaliland iyo ereyadii laga bartay Siyaad bare ee ahaa qaran-dumisnimmo.
Laakiin Xeer-ilaaliyaha Guud oo oo u warramay Idacaadda BBC-da, ayaa sheegay in aanu garanayn inta uu xidhanyahay Boqor Buurmadaw, iyadoo   sharcigu dhigayo muddo 45 cisho ah wax ka badan inaanu sharcigu dhigayn in xabsiga lagu sii hayo muwaadinka u dhashay Somaliland, sida uu dhigayo dastuurku.  Haseyeeshee indhaha ka qarsaday xadhigga sharci-darada ah ee affarta billood ku dhawaadka uu u xidhanyahay Boqor Cismaan Buur0madow.  Xeer-Ilaaliyaha Guud ee Qaranka Xasan Axmed Aadan  wax laga weydiiyay asbaabaha uu u xidhanyahay Boqor Cismaan Buur-madow, ayaa sheegay inuu u xidhanyahay Been abuur iyo Khiyaammo qaran. “Waxa lagu dacwaynayaa dariiq sharciyaa loo xidhay, Qofobadda 215 iyo 212, waxay ka kala hadlayaan propogaandho been abuur ah ka fidiyay debedda  oo qarannimadda iyo jiritaanak ummadda wax loogu dhimayo iyo  inuu dalka gudihiisa ka fidiyay warar ummadda uu ku kicinayo oo uu doonayo in qaranka lagu burburinayo.”ayuu yidhi Xeer-Ilaaliyuhu. Laakiin qodobada uu soo qaatay xeer Ilaaliyuhu ayaa ahaa kuwo ay hore qareenada ugu dooday Boqor Buur-madaw u daadefeeyeen.
Maxamuud Raage Ibraahin oo hore isaga casilay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Debedda Somaliland, ayaa Madaxweyne Siilaanyo u soo jeediyay inuu xoriyaddiisa u soo celiyo Boqor Cismaan Buur-madow oo ku dhawaad affar bilood u xidhan fekerkiisa, isla markaana lagu  eedeeyay inuu aflagaado u geystay Madaxweynaha iyo qarankaba, balse wax ay dacwad oogayaasha xeer ilaalinta qaranku ku guuldaraystay inay wax denbi ah u helaan.
Maxamuud Raage oo ku sugan magaalada London, isla markaana maanta u warranay Idaacada  BBC-da ayaa sheeegay inuu sharci darro ku xidhanyahay Boqor Buur-madow iyo dad kale,wuxuuna  ugu baaqay Madaxweyne Silaanyo inuu xorriyadiisa u soo celiyo Boqorka oo uu sheegay inaanu gelin dembi, islamarkaana uu xor u yahay muwaadin kastaa inuu fikirkiisa cabirro.
Maxmuud Raage oo ahaa Agaasimihii Wasaaradda Arrimaha Debeda Somaliland, waxa uu xilkaa iska casilay badhtamihii Feb 2012, isagoo xiliggaa warbaahinta kusoo bandhigay fadeexado muduq-maasuq oo uu ku  eedeeyay Wasiirka Arrimaha debeda Dr, Maxamed C/llaahi.
Mr. Raagge oo ka hadlaya xiliggan caddaaladda xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo, wuxuu yidhi, “Waxkasta oo xiliggii aanu ahayn Mucaaridka Siilaanyo hogaaminayay ee KUlmiye nala xumaa hada way quruxbateen. Anigu waxan u hiilinayaa caddaaladda iyo garsoorka Somaliland oo aan Agaasime ka ahaa oo aan gudida caddaaladda xubin ka ahaa sharcigana waan garanayaa, markaa maaha in siyaasada laysugu  Laakiin nasiibdaro anigaygan ayaa caddaaladdaradu igu dhacday oo markaan xilka iska casilay saddex bilood ayaa la yidhi dalka kama bixi kartid, maantana waxan ogahay dadka iska xidhan ee fekerkooda u xidhan, waxa ka mid ah Nin lagu xidhay gabay oo xabsiga ku jira wax maxkamad ahna aan la geyn, markaa waxaan leeyahay Madaxweynaha  adigaa caddaaladda jeclaa ee dadku aday ku hoos hadhsanayaan ee cadaalad u samee.”
Sidoo kale Raagge, wuxuu sheegay in masuuliyiinta hore maxkamaddu ugu xukuntay musuq-maasuqa raashinka aanay ahayn waxa lagu eedeeyay ee lagu xkumay wax raad leh. Sidaa darteed wuxuu ugu baaqay Madaxweynaha Somaliland inuu eego caddaaladda, si aanay u lumin isku duubnida shacbiga Somaliland iyo nabadgelyadu.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *