Hargeysa(ANN) Golaha Wakiilada Somaliland, ayaa markii u horeeyay la horgeeyay heshiisyo ay xukuumadda Somaliland gashay, kuwaas oo saamayn ku leh mustaqbalka siyaasada Somaliland.Fadhigii golaha ee maanta

oo uu shir gudoominayey Gudoomiye ku Xigeenka Koowaad ee Golaha wakiilada Somaliland Mudane Baashe Maxamed Faarax,  ayaa Xildhibaanada loogu qaybiyey lifaaqa uu ka kooban yihiin heshiisyadii ay jamhuuriyada Somaliland iyo Dawlada ku meel gaadhka ah ee Somalia ku wada gaadheen dalalka Britain  Iyo Isu tagga Imaaraatka carabta.
Lifaaqyada ka soo baxay labadaasi kulan ee ay wada yeesheen labada   Dal,   ayaa ka dambeeyey soo jeedintii beesha caalamka ee shirweynihii London 23 Feb, 2012  iyo  sidoo kale Stanbul ee lagu go’aamiyey inay  Somaliland iyo Somalia ka wada hadlaan mustaqbalkooda.
Kulankii labada dhinac ee ka dhacay 20-kii ilaa 21-kii June Caasimadda dalka Britain ee london waxuu ahaa mid heer farsamo ah, halka Kulankii kale ee 28 June ka qabsoomay dalka isu tagga imaaraatka isla markaana ay ku wada kulmeen Madaxweynaha dawladda Ku meelgaadhka ah ee Somalia iyo Madaxweynaha JSL laga soo saaray go’aankii Dubai, kaas oo labada Madaxweyne si wadajir ah u wada saxeexeen
Heshiiskaa oo noqonaya  kii ugu horeeyay ee noociisa ah ee la horgeeyo golaha wakiilada, waxay Xildhibaanada golaha wakiiladu ku samaynayaan falanqayn labadaa heshiis ee ay labada dhinac ee Somaliland iyo Somalia wada yeesheen.
Dhanka kale fadhiga maanta ee golaha oo la filayay  inay  Xildhibnada Golahaasi kaga doodaan  sidii  Kooto Dumarka loogu sameeyn lahaa doorashooyinka  Golayaasha Deeganka, ayaa baaqatay,  iyada oo Haween Badanina ka soo qaybgaleen Fadhigaa, kuwaas oo  danaynayay inay  dhegeystan Dooda Xildhibanada goluhu  kaga doodayaan Kootada la  doonayo in loo sameyo haweenka.
.
Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *