Hargeysa (ANN)Afhayeenka xisbiga mucaaridka ee UDUB Cali Maxamed Yuusuf (Cali-Guray), ayaa si kulul u weeraray dhaqanka Wasiiradda  Madaxtooyad Xirsi Xaaji Cali iyo Wasiirka Arrimaha Gudaha Maxamed Nuur Carraale (Duur), wuxuuna ku tilmaamay dhaqankooda

 

wuxuu ugu yeedhay “Gaaniyayn iyo Moorganayn”, magacyadaa oo ahaa Taliyayaashii xiligii Talsikii Maxamed Siyaad Barre ka taliyay goboladii Woqooyi oo hada noqday jamhuuriyada Somaliland, isla maraakana sabab u ahaa xasuuq iyo tacadiyo xiligaa loo geystay shacbiga Somaliland.
Sidoo kale Muj. Cali Guray, wuxuu weedho kulul ku weeraray xisbiga talada dalka haya ee Kulmiye, isagoo ku tilmaamay madaxdiisa kuwo aan abaal lahayn. sidaa awgeed aanay iyagu aqbakli doonin wixii cadaadlad darro ah oo ay  farta ku fiiqayaan, iyagoo aan cidna ka cabsanayn.
Muj. Cali Guray, waxa uu sidaa ka sheegay  munaasibad ay isaga iyo saraakiil uu  ka mid ahaa oo ka socotay xisbiyada muraaradka iyo Ururada siyaasada oo maanta madaarka magaalada Hargeysa kusoo dhoweeyay Dr. C/raxmaan C/qaadir oo kusoo laabtay dalka kadib markii uu dhakhtar loo geeyay Britain dhaawac kasoo gaadhay shirweynihii Kulmiye ee banaanka looga saaray April 2012.
“Waxaan is lahaa C/raxmaan C/Qaadir malaa saaxiibadiisii KULMIYE qaar ka mid ah ayaa halkan iman doona,  iyagoo iskaba iloobay wixii maalintii aynu garanayno dhacay, ugu yaraan saaxiibtinimadu waa wax gaar ahe’e waxaan filayay rag ka mid ahi inay halkan kusoo dhaweeyaan. Laakiin abaal li’idu waa mid u gooniya KULMIYE,”ayuu yidhi Cali Guray.
Wuxuuna isagoo sharaxaya sababta ay saaxiibada mudada dheer ay soo wada halgameen C/raxmaan ay u iman waayeen yidhi,  “Ragga aan halkan  ka filayay inay saaxiibkoodii ay dhabarka ka jabiyeen soo dhaweeyaan oo sasabaan waxay ka baqayaan Wasiirka Madaxtooyada iyo Wasiirka arrimaha gudaha oo markay is hortaagaan sidii inan gashaanti ah ay  luquntooda  hoos u rogaan,”ayuu yidhi Cali Guray.
Afhayeenka UDUB Muj. Cali Guray, wuxuu isagoo sharaxaya dhaqanka labadaa Wasiir  ee  Madaxtooyadda Xirsi  iyo Daakhiliga Duur, wuxuu   yidhi,  “Maanta waxyaabaha ay wadaan Wasiirradda Madaxtooyadda iyo Arrimaha guduhu anigu waxaan u aqaanaa Gaaniyayn iyo Moorganayn, ummaddana taas way kasoo dagaalantay mana aqbalayso.
Ciidamadii loogu tallo galay in argagixisada lagaga hor tago oo amniga dalka  sugo  Maanta muwaadiniinta guryahooda ayaa  loo adeegsadaa oo ay lugu  daataan. Waxa ciidamada maanta loo adeegsadaa kuwa ugu karaamada  baddan Bulshadda.”
Sidoo kale wuxuu xisbiga muxaafidka ah ee Kulmiye ku eedeeyay kuwo wax kasta oo xiliggii ay mucaaradka ahaayeen la fool xukmaayeen hada la qurux bateen, isagoo yidhi,   ‘Waxa cad in wixii KULMIYE ay fool-xumada yaqaaneen inay maanta qurux indhahooda u yihiin oo ay ku faanayaan, dhammaan wixii ay quruxda u yaqaaneen ee ay ka mid ahaayeen madax-banaanida Saxaafada, xoriyatul qawlaka iyo  cadaaladu ka mid ahayd, waxyaabahaa  oo dhami waa wax ku fool xun indhahooda maanta Kulmiye”ayuu yidhi Cali Guray.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *