Hargeysa (ANN)Xeer-Ilaaliyaha Guud ee Qaranka Xasan Axmed Aadan, ayaa jawaab sharciya u waayay xadhigga muddo-dhaafay ee Boqor Cismaan Buur-madow oo muddo boqol iyo labaatan habeen u xidhan fekerkiisa iyo rayigiisa, balse lagu eedeeyay inuu aflagaado u geystay
Madaxweynaha Somaliland iyo ereyadii laga bartay Siyaad bare ee ahaa qaran-dumisnimmo.
Laakiin Xeer-ilaaliyaha Guud oo oo u warramay Idacaadda BBC-da, ayaa sheegay in aanu garanayn inta uu xidhanyahay Boqor Buurmadaw, iyadoo sharcigu dhigayo muddo 45 cisho ah wax ka badan inaanu sharcigu dhigayn in xabsiga lagu sii hayo muwaadinka u dhashay Somaliland, sida uu dhigayo dastuurku. Haseyeeshee indhaha ka qarsaday xadhigga sharci-darada ah ee affarta billood ku dhawaadka uu u xidhanyahay Boqor Cismaan Buur0madow. Xeer-Ilaaliyaha Guud ee Qaranka Xasan Axmed Aadan wax laga weydiiyay asbaabaha uu u xidhanyahay Boqor Cismaan Buur-madow, ayaa sheegay inuu u xidhanyahay Been abuur iyo Khiyaammo qaran. “Waxa lagu dacwaynayaa dariiq sharciyaa loo xidhay, Qofobadda 215 iyo 212, waxay ka kala hadlayaan propogaandho been abuur ah ka fidiyay debedda oo qarannimadda iyo jiritaanak ummadda wax loogu dhimayo iyo inuu dalka gudihiisa ka fidiyay warar ummadda uu ku kicinayo oo uu doonayo in qaranka lagu burburinayo.”ayuu yidhi Xeer-Ilaaliyuhu. Laakiin qodobada uu soo qaatay xeer Ilaaliyuhu ayaa ahaa kuwo ay hore qareenada ugu dooday Boqor Buur-madaw u daadefeeyeen.
Maxamuud Raage Ibraahin oo hore isaga casilay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Debedda Somaliland, ayaa Madaxweyne Siilaanyo u soo jeediyay inuu xoriyaddiisa u soo celiyo Boqor Cismaan Buur-madow oo ku dhawaad affar bilood u xidhan fekerkiisa, isla markaana lagu eedeeyay inuu aflagaado u geystay Madaxweynaha iyo qarankaba, balse wax ay dacwad oogayaasha xeer ilaalinta qaranku ku guuldaraystay inay wax denbi ah u helaan.
Maxamuud Raage oo ku sugan magaalada London, isla markaana maanta u warranay Idaacada BBC-da ayaa sheeegay inuu sharci darro ku xidhanyahay Boqor Buur-madow iyo dad kale,wuxuuna ugu baaqay Madaxweyne Silaanyo inuu xorriyadiisa u soo celiyo Boqorka oo uu sheegay inaanu gelin dembi, islamarkaana uu xor u yahay muwaadin kastaa inuu fikirkiisa cabirro.
Maxmuud Raage oo ahaa Agaasimihii Wasaaradda Arrimaha Debeda Somaliland, waxa uu xilkaa iska casilay badhtamihii Feb 2012, isagoo xiliggaa warbaahinta kusoo bandhigay fadeexado muduq-maasuq oo uu ku eedeeyay Wasiirka Arrimaha debeda Dr, Maxamed C/llaahi.
Mr. Raagge oo ka hadlaya xiliggan caddaaladda xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo, wuxuu yidhi, “Waxkasta oo xiliggii aanu ahayn Mucaaridka Siilaanyo hogaaminayay ee KUlmiye nala xumaa hada way quruxbateen. Anigu waxan u hiilinayaa caddaaladda iyo garsoorka Somaliland oo aan Agaasime ka ahaa oo aan gudida caddaaladda xubin ka ahaa sharcigana waan garanayaa, markaa maaha in siyaasada laysugu Laakiin nasiibdaro anigaygan ayaa caddaaladdaradu igu dhacday oo markaan xilka iska casilay saddex bilood ayaa la yidhi dalka kama bixi kartid, maantana waxan ogahay dadka iska xidhan ee fekerkooda u xidhan, waxa ka mid ah Nin lagu xidhay gabay oo xabsiga ku jira wax maxkamad ahna aan la geyn, markaa waxaan leeyahay Madaxweynaha adigaa caddaaladda jeclaa ee dadku aday ku hoos hadhsanayaan ee cadaalad u samee.”
Sidoo kale Raagge, wuxuu sheegay in masuuliyiinta hore maxkamaddu ugu xukuntay musuq-maasuqa raashinka aanay ahayn waxa lagu eedeeyay ee lagu xkumay wax raad leh. Sidaa darteed wuxuu ugu baaqay Madaxweynaha Somaliland inuu eego caddaaladda, si aanay u lumin isku duubnida shacbiga Somaliland iyo nabadgelyadu.
Araweelonews Mobile
Somaliland Office
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com