Xeer-Ilaaliyaha Guud Ee Qaranka Oo Ku Hanjabay Inay Qareenada Ka Baxay Dacwada Boqor Buur-madaw Ku Keceen Khiyaamo Qaran, Sharaxaadna Ka Bixiyay Muranka Hadheeyay Dacwadaa Iyo Arrimo Kale

Hargeysa(ANN) Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland Mr. Xasan Axmed Aadan, ayaa ku hanjabay inay talaabo ka qaadayaan gudida Cadaaladdu qareenada difaacayay Boqor Cismaan Aw Maxamuud Buur-madaw ee ka baxay maxkamadda, iyadoo aanu jirin sabab

 

macquul ah oo ku khasbaysa, kuwaas oo uu sheegay inay meel ka dhac  iyo khiyaamo weyn ku sameeyeen anshaxa garsoorka, isla markaana doonayeen oo keliya inay u muujiyaan garsoorka mid aan dhex ahayn si ay indhaha caalamka ugu soo jeediyaan Somaliland.
Sidoo kale wuxuu ku dooday inay  meel ka dhac ku sameeyeen eedaysanaha ay qareenada u ahaayee, oo ay la mid yihiin dhakhaatiir qaliin ku jiray oo qofkii ay qalayeen halkii ay ku qalayeen kaga dhaqaaqay, taas oo uu ku sheegay xeer Ilaaliyuhu mid anshaxa garsoorka iyo xeerkaba baal marsan oo ay waajib ahayd in labadaa qareen  oo kala ahaa Maxamed Jaamac  iyo Maxamed Siciid la xidho markii ay talaabadaa ku kaceen, hadana aan lagaga hadhayn arrintaa. Wuxuuna tusaale usoo qaatay qodobo uu sheegay inay waajibinayaan marka sidaa oo kale dhacdo.
Xeer Ilaaliyaha Guud
Mr. Xasan Axmed Aadan oo waraysi khaas ah xafiiskiisa magaalada Hargeysa maanta  ku siiyey suxufiyiin ka socday wargeyska Jamhuuriya iyo shabakadda wararka ee Araweelonews.com, wuxuu soo qaatay qodobo ka hadlaya arrimahaa, isagoo ku dooday inaanay xukuumaddu wax fara gelin ah ku hayn garsoorka oo haddii ay taasi dhacdo uu xilka iska casili doono.
Laakiin garsoorka Somaliland haysto madaxbannaani buuxda, isla markaana dadka gacanta ku haya hawlaha garsoorka aanay ahay kuwo lagu xaman karo inay u nugul yihiin dhinaca xukuumadda, isagoo xeer-ilaaliyuhu xusay in Boqor Buurmadaw maxkamadda la horkeeni doono, iyadoo laga codsan doono inuu qabsado looyaro, inkastoo uu carabka ku dhiftay  in arrimahaasi yihiin kuwo u yaal maxkamadda shaqada ku leh.
Waraysiga lala yeeshay Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka oo aad u dheeraa, isla markaana aannu ka soo qaadanayey qaybo uu kaga hadlayo dacwada Boqor Buurmadaw, waxa sharcigu ka qabo qareennada kiisa boqorka bannaanka uga baxay,  saamaynta ay arrintaasi ku yeelatay kalsoonidii garsoorka, sida laga yeelayo dacwadii iyo qaababka lagu jabin karo ama,  lagu hor-joogsan karo dacwad maxkamad ka socota. Sidoo kale wuxuu wayasigaa kaga jawaabay su’aalo laga weydiiyay qaabkii loo maray xil-ka-qaadistii maayirka Boorama oo lagu eeddeeyey musuq-maasuqa iyo waxa la yeelayo haddii xildhibaannada Golaha Deegaanku diidaan inay xasaannada ka qaadaan maayirka. Waraysigan oo faahfaahsana waxa uu u dhacay sidan:-
Su’aal: Waxa jirta in qareennadii Boqor Buurmadaw ay ka baxeen difaacida kiiskiisa, kadib markay xeer-ilaalinta ku eedeeyeen in amaradii maxkamadda u hoggaansami wayeen, sidoo kalena boqorku wuxuu sheegay inaannu maxkamadda ku soo noqon doonin in inta garsoor caddaaladda la helayo. Xeer-ilaalin ahaan idinkaa kiiskaas gacanta ku haya ee bal war-bixin naga sii siday wax u dhaceen?
Xeer-ilaayaha Guud: Dacwadaas  waa run oo waa la horkeenay markii labaad, dib-u-dhacuna waxa uu ka yimi dhinaca qareennada, sababtoo ah maxkamadda maalintii hore, iyaga oo cuskanaya qodobka 105 ee Xeerka Habka Ciqaabta waxay ka keeneen is-hortaag dacwada, qodobkaasna kuma jirto eedaynta aannu samaynay wax lagu horjoogsado oo is-hortaaga, taana garsooruhu wuxuu yidhi go’aan baan ka gadhayaa, maadaama is-hortaag la soo jeediyey, waxaannu u arkay inaanay la xidhiidhin arrintan oo aanay ahayn wax lagu hor-joogsan karo, waayo qodob baa la cuskanaya, sababaha dacwad loo horjoogsan karana waxa ka mid ah; iyagoo yidhaahda dacwada horaa loo qaaday is-hortaag baanay ku keeni kareen intaan lagu odhan dacwada nuxurkeeda ma qabtaa iyo ma qabo kiiska intaannu odhan, sababtoo ah qobku waa qof waalan, waa ilmo yar, xeer-ilaalintaa dacwadan hore u xidhan, cafis baa laga sameeyey, maxkamaddu maaha maxkamadii ikhtisaaska amma awoodda qaadista dacwadan u lahayd, asbaabahaas baa dacwad loo hor-joogsan karayaa, iyagoo qodob cuskanaya.
Eedaynta haddii laga hadlayo waxa iska leh qiimaynteeda garsooraha oo kaliya, waa loo gudbiyaa dhinacna wuu iska difacaa, maxkamadduna wax amar ah oo ay na siisay oo aannu diidnay ma jirto,  laba qodob baannu ku dacwoonay oo  kala ah 212 iyo 215 xeerka ciqaabta, 212 waxa uu sheegayaa muwaadin dalka dibadiisa kaga fidiya borobagaanto dhan ka ah qaranka, isagoo doonaya inuu sharafta iyo karaamada ummadda wiiqo, isagoo ka been-sheegaaya xaalada dhabta ah ee dalka ka jirta, qodobka kale 215 waa kicin la kiciyo dadka gudaha, iyadoo laga horkeenayo hay’adaha qaranka oo warar borobagando ah oo been ah lagu kicinayo, laguna duminayo qaranka, ha noqoto xukuumadda amma hay’adaha kale ee dastuuriga ah, labada arrimoodba hadaladii uu ku hadlay, falalkii uu ku kacay, ayaannu nidhi sidaas iyo sidaasu sameeyey, taariikhdaasna wuu ku kacay qodobadaasna waannu u cuskanay, caddayntuna waxay saaran tahay xafiiska xeer-ilaalinta, waxaana weeyaan inaad xagga qodobka ka doodo, soona bandhigto, xagga dhacdada inaannu soo bandhigno, labadaasna kiiska loo galaa, labadaasnay qareenadu jebin kari lahaayen marka dooda la galo inaanay qodobkan iyo waxa aannu wadnaa is lahayn. Tusaale ahaan, haddaad ka hadlayso dil oo aad ninka ku dacwayso kufsi waa laba qodob oon is galin, marka gudaha laga hadlayo nuxurkaa kala qaadmaya oo la odhanayo waxaad ninka ku dacwaysay iyo waxani is ma laha, dacwada gudaheedaanay ku baaba’aysaa waxaad u socotaa, waxa kaliya ee uu qareenku jebiyaa waa marka gudaha dacwada la galo, waxaanay noqon lahayd mid tiisa loo xukumo oo ninkii la sii daayo amma intaayada la raaco oo annaga naloo xukumo, caddaymihiina aannu soo bandhigno.
Su’aal: Qareennadu doodii ugu horraysay ee la galay waxay yidhaahdeen eedaha Boqor Cismaan loo jeediyey iyo dacwadu isma waafaqsana, maxkamadduna waxay tidhi qaraar baannu ka soo saaraynaa, qaraarkay soo saartay ee ahaa inay xeer-ilaalintu eedaha iyo dacwada isa soo waafajiso, maxay xeer-ilaalintu u fulin wayday?
Jawaab: Maxkamaddu qaraar ay soo saartay haddaannu fulin wayno, garsooruhu mabuu oggolaadeen, manuu yidhaahdeen dacwadu way soconaysaa, haddaannu diidana anagay dacwadu naga jabi lahayd, qaraar uu garsooruhu soo saaray ma jiro, waayo meel qaraar laga soo saara oo qodobka 105 ee xeerka habka ciqaabta waafaqsani ma jirto, eeduna waa taayadii, eedan beddelana waxa ka horeeya horta eedayada ha la jebiyo, garsooruhuna wuu ku qanacsan yahay intuu qaraar ka soo saaro aannu odhan karin sidaa, waayo dulucda maba khusayso, waana wax tirsan wax qodobkaas la cuskan karaa, dacwada waxaana la galaa oo eedaysana loo akhriyaa xaashida eeda oo la yidhaa dambigaas ma gashay, waxaanna u furan inuu bixiyo saddex jawaabood oo kala ah, ma qabo, waan qabaa, dood baan ka qabaa, waa saddexdaas  waxa kuu furan, ma qabo hadii uu yidhaahdo, waxay noqonaysaa caddayn keena xeer-ilaalintaay, waan qabaa eedahaas haduu yidhaahdana uma baahna dood, laakiin hadduu yidhaah dood baan ka qabaa, waxa la waydiinayaa doodaad ka qabtaa maxay tahay, wuxuu qofku odhan karaa dacwadan bari horaa la igu xukumay, waa ilmo yar oo maxkamadba lama saari karayo, ikhtisaaska maxkamadaba maaha, dambigan horaa looga cafiyey oo waa lagu xukumay, markaa looyaradd boqorka difaacayaa arrimahaas ay tirinayaan kuma jirto oo dacwadba lama gelin.
Su’aal: Qareennadii difaacaayey Boqor Cismaan waxay ku doodeen in xukuumaddu faragelin ku samaysay garsoorka, xeer-ilaalintuna aanay  u hoggaansamin awaartii maxkamadda, arrintaas maxaad kaga jawaabaysaa Xeer-ilaalin ahaan?
Jawaab:
Garsoorkeena waa la ogyahay oo cida masuulka ka ahi maaha  cid lagu xamanayo xukuumad bay u nuglaadeen, Guddoomiyaha Maxkamadda Sare qareennaddu ka soo baxay, saaxiibadiina weeyaan labadaa nin ee iminka difaacaya Boqorka, anigu qareennadaan guddoomiye u ahaa oo iyagaan ka soo dhex baxay, waxaannu ka simanahay in caddaaladda la hagaajiyo oo aan garsoorka lagu tuman ama la farageliyo, haddii garsoorka lagu tuntana aniga daaqada ka baxaya oo is-casilaaya, waxaannu saxaynaa dhaqanno hore oo jiray, xukuumaddu aniga way ila hadli kartaa oo eeda dacwadoodaan oogayaa, laakiin garsoorka uma talawdo, garsoorkuna waxa uu u xisaabsan yahay oo uu ka cabsadaa guddida caddaaladda, guddiduna toban nin baa jooga, haddii la doonayo in ninkaa laga qaado iyo in kale ciday u mari kartaa ma jirto, raggana waa ragga iminka ugu roon ee loo soo saaray garsoorka dalka, ummadduna markhaati ka tahay, annana waannu ku dhawrnaa inay shaqadooda nadiif ku noqdaan, culays ma saarno, laakiin caddaaladda annagu dhinac baannu nahoo waannu ilaashanaynaa.
Waxa jira hay’addo badan oo iminka inaga caawiya xagga garsoorka sida UNDP, UNODC iyo hay’addo badan oo kale, xukun cadliya inuu dhaco ayaa mar walba la doonayaa, waxaannu tababarada u samaynayno, waxaannu ardayda jaamacadaha u keenayno waa inay hurguri meesha ka baxo oo dad aqoon iyo xirfad leh yimadaan, garsoorkaannu hinjinayno ee sare u qaadaynaa waa kaas ee caddaalada la doonaynaa.
Qareennadan boqorka u doodaayey, waxay ku kaceen dambi xun oo khiyaamo ah, midi waa xildhibaan ismaba galaan shaqadiisa iyo qareennimadu, xeerkana way ku cadahay, haddana wuxuu falkaas (ka bixida difaacii Buurmadaw) kaga hor kacaya maxkamadda horteeda, waxaannu muujinayaa inaan garsoor caddaali ahi Somaliland ka jirin, iyadoo uu ka jiro oo xukunba lama gaadhin, xukunka haddii lagu rido oonu kaga garyeelano, waxa u furan racfaan inay ka qaataan, Maxkamadda Sare ayey la tegi karaan, dib u eegis buu samaysan karaa, bal inta xaaladood ee dad kala duwan iyo garsoor kala duwan galayaan eeg, gartu maaha inta aad bannaankaaga iska sii dhigato aad wax ku aasato, mararka qaarkood aqoon-darraba jirta, is-hortaaga iminka lala soo boodayaana meeshaba kuma jiro. Dacwadaada iyo eedu isma waafaqsana waa wax cilmiyeysan oonu u soo bandhigi doono niman aqoonyahanno ah cid alle cidaad doontaan ka keena intaannu kulan ka qabo, waxa xeer-ilaalinta hortaal caddeeya waxan aad boqorka ku eedayseen,  gab gab iyo waxan dadka lagu wareerinayo ee soke ahna waa in dadka caddaaladda laga leexiyo, waxaanay u leexiyeen kiiska (Buurmadaw) arrin siyaasiya, mana ah, waayo ninkan muwaadinka ah dambiga waa lagu heli lahaa amma waa lagu waayi lahaa, muwaadiniinta kale ee maalin walba la xukumayo ee dil iyo adduun iyo wax kale lagu xukumayo ayuun buu la mid yahay, nin sharciga ka sarreeyana ma jiro. Si waafaqsan xeerka ciqaabta waxay ahayd in la xidho labada qareen, waayo waxay sameeyeen ooy ku gafeen qodobadda 299 iyo 300, marka loo eego xeerka ciqaabteena, waana caddaaladdii oo ay dayaceen, nimankana waa saraakiil dawladeed oo sidaan anigu sarkaal dawladeed u ahay ee masuuliyadi ii saaran tahay ayey u yihiin saraakiil dawladeed oo masuuliyadi u saaran tahay, sida ku cad qodobka 240 xeerka ciqaabta qaybtiisa dambe, waxay ina tusaysaa in dadka danta guud ka shaqeeyaa yihiin  xirfadyahanno anshax u baahan, caddaaladdana annaga wada dhisna, qareennaduna intay si fudud qofka waqtiga ka lumiyeen oo intaasoo cisho uu xidhnaa inuu maalintii u dambaysay halkaa kaga dhaqaaqo waa dambi cad oo uu ka galay ummadda, dambigana boqor Cismaan oo qudha kamay gelin ee xataa caddaaladda ayey ka galeen, ha ogolaado Buurmadow amma yaannu ogolaan inuu maxkamadda yimaad, danta caddaaladdaanannu ilaalinaa, maalintii dhawayd ee telefishannada loo diidaayey waxaan idhi waar laba ka mid ah ha yimadaan, waayo waxaannu haysano ee meesha ku hayno ayaa og, ha soo galaan, ha eegaan inay dhinacyadii joogaan, in qareenadiisi joogaan, inaan eheladiisi meesha loo diidin, markaa waxa weeyaan nimankaas looyarada ahi cambaar xun oo dhabarka kaga taalay caddaaladda Somalilandbay la doonayaan. Waxayna la mid yihiin Dhakhaatiir qof bukaan ah qalaysay oo isagoo qalan halkii kaga dhaqaaqay, waana arrin foolxun oo aan laga hadhayn, waxay sameeyeen.
Su’aal: Xeer-ilaaliye, haddii qareennadu arkeen siday ku doodayaan inaan garsoorku dhex ahayn, miyaanay iyagoo ilaalinaaya sharaftooda, anshaxa iyo karaamadii qofka ay difacayaan, xaq u lahayd inay yidhaahdaan ma difaaci karno oo arrintii waannu ka baxnay?
Jawaab:
Qareennada adduunku waxay difacaan qofka ay u doodayaan iyadoo caddaadis la saarayo, iyadoo isaga (eedaysana) la handidayo, iminka may odhan anaga nala handiday, iyadoo iyaga la xidhay amma la leeyahay haddaad kiiskaa gasho waannu ku xidhi doonaa oo dawladdo kaligood taliyayaali jiraan ayey qareennadu wax difacaan. Inagoo maanta dimuqraadiyad ku socona iyo nidaam dhex dhexaad ah, iyagoon maanta kaga cabanayn cidaas amma xukuumadda waxa noola timi may ahayn inay kiiska ka baxaan, iyadoo dil socdo oo loo hanjabayo ayey jaraa’idka iyo qareennadu u shaqaynayaan danta guud ee caamka.
Su’aal: Is-casilaada qareennada Boqorku waxay ku soo beegantay xili uu Wasiirka Madaxtooyadu yidhi; waxa uu ku eedaysan yahay  dambiile qaran, xukuna markaa muu dhicin, waxaana isku beegan jawaabta wasiirka iyo ka bixista qareenada, dadkuna arrintaa aad bay wax iskaga waydiiyeen, miyaan la odhan karin horebaa loo soo xukumay, se qof eedaysanaa masuul qaran siduu u odhan karaa waa dambiile?
Jawaab:
Xukuumad baa hadashay oo wasiirku ka mid yahay oo horta anaga nama hortaalo, anagu caddaaladii baannu nahay, kolay hadal shacbi ah ha iskaga hadlo, ilayn ninku maaha nin sharciyaqaane, siduu doonuu u hadlayaa, waxaana weeyaan dambiile waa gaar, lamana odhan karo waa dambiile ilaa qofka la xukumo, balse wasiirku wuxuu u jeedaa ninkani dambi buu naga galay, taasina waa eedayn oo kama dhigna wax la xukumay oo maxkamadi xukuntay.
Su’aal: Qareennadii waxay sheegeen inay kiiska ka baxeen, ninkii eedaysanaha ahaana wuxuu sheegay inaannu maxkamadda ku soo noqon doonin ilaa uu helayo garsoor caddaali ah, arrintan markaad dhinac ka eegto sawirkii garsoorka laga haystay dhaawac ma u geysanaysaa, qaabkeese loo geli karaa, maadaama qareennadii ka baxeen, isna uu yidhi ma imanayo?
Jawaab
: Ninka marka dambi lagu eedaynayo wuu iska galgalanayaa amma dhinac siyaasadeed ha u dhigo amma dhinac kale ha u dhigo, garsoorkeenana maalin uu ka fiican yahay oo lagaga aamin baxo ma jirto, go’aanka maxkamaduna isagoo sidaa u hadlay ayuu ku dhici karaa, markaa ma caddaalad-darraa, waayo waxa la keenay caddaymo amma wuu ku baraxmi karaa oo bilaa dambi buu noqon karaa, mana odhanayno wuu ku baraxmayaa oo annagu dhinacii eedaynayey baannu nahay, caddaynta iyo dacwadu haddaanay noo dhisnayn mabanaan hor nimaadneen maxkamadda.
Markan uu leeyahay maxkamadda ma imanayo waxa laga yeelayo waxay u taal Maxkamada oo in maxkamadda la horkeeno oo caddaaladda la mariyaana waa khasab, wuxuu isagu odhan karayo maaha, waana in la horkeenaa maxkamadda, Boqor Cismaan waxanaan leenahay qareen qabso, hadduu qabsan waayo, waa loo qabanayaa inkastoo kiiskiisu aanay ahayn mid qareen loo qabto, sababta oo ah dastuurku xaaladdu sheegaya in loo qabto, xaaladahay qasabka tahay waa xaalad gaar ah, xaaladahaasna kuma jiro, hadduu qabsan waayana waa loo qabanayaa, Legal Clinic baa jooga, ururro kala jooga, dawladda u qaban karta oo iyada dakhligeeda oo caddaaladda la odhan karaa bixi, hadday maxkamaddu go’aamiso qareen la’aan iyada xidhi karta.
Su’aal: Marka dacwada Boqor Buur-madow laga yimaado, waxa jira dacwado kale oo idinka iyo Hantidhawrka Guud ee Qaranku iska kaashateen oo ay u dambaysay Maayirkii Dawladda Hoose ee Boorama, laakiin Wasaaradda Arrimaha Guduhu tidhi waxa iska kaashaday Xeer-ilaaliyaha Guud iyo Hantidhawrka Guud oo waraaq u qaaday, yidhina xasaanada ka qaada, arrintaasina waxay ka soo horjeedaa Xeerka dawladda hoose, waxaanay ahayd in iyagu si gaar ah xasaanada uga qadaan, walina arrintaa laguma guulaysay oo wali maayirkii wuu jiraa, bal arrimaha musuqmaasuqa ee xafiiskiina soo mara war-bixin naga sii.?
Jawaab:
Arrimaha musuqmaasuqa Xeer-ilaalinta, Hantidhawrka iyo hay’adda la-dagaalanka musuqmaausaqa iyo hay’addo badan oo kale ayaa ka wada shaqeeya, ilaa baadhitaanka CID-da ayaa soo gasha markaannu u baahano, kiisaska Boorama way jiraan, kuwo kale oo badana way jiraan, kiiskaas la xidhiidha maayirka Boorama Xeer-ilaaliyahayaga Gobolka Awdal iyo Hantidhawraha Guud ayey ka dhacday, runtii nidaam ahaan waa la dhaliilay, aniguna dalka waan ka maqnaa, marka la doonayo in la eedeeyanaya waa in Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranku go’aan ka gaadho, ma la eedeeyaa, mise lama eedeeyo, kadibna uu u gudbiyaa Wasiirka Wasaaradda Daakhiliga oonu nidhaahnaa Badhasaabkuna goob-joog ka ha noqdo, sidii aannu Gabileyba samaynay (xil-ka-qaadistii maayirkii hore ee Gabiley), xil-wareejintana xukuumadda dhexe waa halkay ku leedahaye ka soo qaybgasha, markaa nidaamkaasi lama marin oo waxa jiray dhaawacyo, taasna waa la joojiyey ninkaasina (maayirka xilkiisa lagu muransan yahay ee  Boorama) xil ma hayo, kiiskiisana waa nala horkeenay, xil uu hayaana ma jirto ha ku magacawnaadee oo kiis baa ku socda, rag kalena way xidhan yihiin, tana wali may dhammaan, dacwadiisana waa la kala saaraya oo guddi ka socda xeer-ilaalinta ayaan u saaray in dacwadiisa iyo  waxa loo haystaa sax tahay, haddii dacwadaasi noqoto mid lugo ku taagan waa la dhaqaajinaya, haddii kalena waa la iska dayn.
Su’aal: Haddii xildhibaannadu diidaan inay xasaannada ka qadaan oo yidhaahdaan waa maayirkayagii, sharci ahaan qaabkee loo marayaa?
Jawaab:
Nidaamka sharci ayaa loo marayaa, waxay qawadaan uunbay ku xidhan tahay, horaanay uga qaadeen xasaanada, iminkana nidaamkaa la saxayaa, kiiskuna markuu soo dhammaystirmo nidaamka sharci ayuu marayaa.
La soco caddadka beri qaybo xiiso badan oo Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranku kaga hadlay shakiga dadku ka qabaan xafiiska xeer-ilaalinta, awoodaha shaqo ee ay kala leeyihii Garyaqaanka Guud ee Qaranka iyo Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranku, sida xafiiska xeer-ilaalintu ugu dhiirado in qof dhan oo nool ay yidhaahdaan dil halagu xukumo  iyo doorka jawaabo uu ka bixiyay Somaliland ee la-dagaalanka budhcad-badeeda.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office   
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com

 

Published
Categorised as Warar

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *