Hargeysa(ANN)Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa xilkii ka qaaday Guddoomiyihii Gobolka Salal Maxamed Muuse Bucul, isla markaana xilkaa u magcaabay Nuur Cismaan Guuleed. Xil ka qaadista uu Madaxweyne Siilaanyo
ku sameeyay masuulkaa uma cuskan wax eeddo ah oo uu sameeyay, balse masuulka xilka laga qaaday ayaa ahaa   xudunta  khilaafka dublamaasiyadeed ee sababay hakadka ku yimi xidhiidhka labada dal ee Somaliland iyo Djibouti. Kadib markii wefdi ka socday dalka Djibouti loo diiday  inay soo galaan gudaha Somaliland Khamiistii lasoo dhaafay.
Talaabadaa ayaa keentay murug dhinaca dublamaasiyada ah oo soo kala dhexgalay cilaaqaadka labada dal, balse Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland, ayaa socdaal kedis ah  Jimcihii doraad ugu baxay dalka Djibauti. Si loo xaliyo arrintaa, waxaana soo baxday in Badhasaabka xilka laga qaaday ee gobolka Salal uu keligii watay qorshaha wefdigaa oo aanu waxba kala socodsiin xukuumadda, taas oo sababtay markii ay xukuumadda Somaliland ka war heshay wefdigaa in dib loogu celyo dalkooda. Iyadoo Markii Badhasaabka xilka laga qaaday uu Wasiirka Arrimaha Debeda Somaliland booqasho ugu baxay dalka Djibouti.
Badhasaabka Salal ee xilka laga qaaday, wuxuu u muuqday nin rumaysan in gobolka uu xukuumadda Somaliland uga wakiilka yahay ka tirsan yahay Djibouti, waana sababta uu ugu dhaqaaqay talaabadaa, iyadoo Masuuliyiinta dawladda Djibouti ee socdaalka booqashadooda aan weli la fahmin ujeedadeedana lasoo xidhiidheen keligii, halkii ay la xidhiidhi lahaayeen wasaaradda arrimaha dibada sida xidhiidhka iyo nidaamka Dublamaasiyadeed dhigayo ee waajibinayo.
Si kastaba ha ahaatee masuulka Madaxweyne Siilaanyo xilka ka qaaday ee talaabooyinka uu qaaday ee khaldani sababeen inuu murgo xidhiidhka dublamaasiyadeed ee labada dal, may ahayn oo keliya in xilka laga qaado ee waxay ahayd in la mariyo sharciga oo talaabo waajib ah laga qaado, maadaama uu galaafan gaadhay xidhiidhka dublamaasiyadeed  iyo derisnimada labada  dal ee Somaliland iyo Djibouti.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office   
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *