Hargeysa(ANN)Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa magcaabay xilal abaalmarin ah oo masuuliyiin isugu jira rag iyo Haween loogu kala magcaabay wakiilada Somaliland ee Lix wadan iyo safiirka wareega ee xafiisyada Somaliland ku leedahay dalalka

 

shisheeye.
Qoraal caawa cawayskii kasoo baxay qasriga Madaxtooyada oo uu ku saxeexanyahay af-hayeenka madaxtooyada  C/llaahi Daahir Cukuse ayaa u dhignaa sidan:-
“Madaxweynaha  Markuu Arkay:                          Qodobka 90aad, Faqradiisa 3aad, ee xarafka (r) ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;
Markuu Tixgeliyey:                    Ahmiyadda Wakiiladda Somaliland u fadhiya dalalka dibaddu u leeyihiin dhismaha Qaranka;
Markuu Arkay:                          In baahi loo qabo buuxinta jagooyinka Wakiilada Somaliland u fadhiya dalalka INGIRIISKA (UK), CANADA, NORWAY, FRANCE, SWEDEN, KENYA IYO iyo In baahi loo qabo buuxinta jagada Wakiilka Wareega ee Somaliland (Ambassador At Large);
Markuu Ka Fiirsaday:                Kartidooda, aqoontood iyo hufnaantooda shaqo;
Markuu ku qancay:                   In ay hanan karaan xilalkan loo magacaabay;
Wuxuu go’aansaday
1.          In Mudane, Cali Aadan Cawaale, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wakiilka Somaliland u fadhiya dalka Ingiriiska (United Kingdom).
2.      In Marwo, Luula A. J. Ismaan, laga bilaabo taariikhda maanta ay ahaato Wakiilka Somaliland u fadhiya dalka Canada.
3.      In Mudane, Sulub Warsame Xuseen, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wakiilka Somaliland u fadhiya dalka Norway.
4.      In Mudane, Cali Ismaaciil Xasan, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wakiilka Somaliland u fadhiya dalka France.
5.      In Marwo, Rooda Jaamac Cilmi, laga bilaabo taariikhda maanta ay ahaato Wakiilka Somaliland u fadhiya dalka Sweden.
6.      In Mudane, Maxamuud Cabdilaahi Jaamac (Sifir), laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wakiilka Somaliland u fadhiya dalka Kenya.
7.       In Mudane, Kaysar Cabdilaahi Maxamed, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wakiilka Wareega ee Somaliland (Ambassador At Large).”
Dhinaca kale November 2010, mudo yar ka dib markii ay xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo la wareegtay xilka, waxa  uu Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Debeda Somaliland soo saaray magcaabista Danjirayaasha Somaliland wakiilada  uga noqonaya wadamada Ethiopia,  Djibouti, Kenya, Yemen, Britain, France iyo USA, kuwaas oo magcaabistoodu  su’aalo  iyo doodo ka dhasheen, maadaama magcaabista danjirayaasha uu Dastuurku awood u siiyay Madaxweynaha,  balse bilihii lasoo dhaafay ayuu Madaxweyne Siilaanyo magcaabay wakiilka Somaliland ee South Sudan, iyadoo  ay mudooyinkaa soo baxeen fadeexado  uu daaha ka fayday Agaasimhii wasaaradda Arrimaha debeda Somaliland Maxamuud Raagge oo sheegay in xafiisyadii wadamo baddan ay ku lahayd Somaliland u xidhmeen dhaqaalle xumo ka dib markii sida uu sheegay Wasiirka arrimaha debedu lunsaday kharashkii loogu tala galay. Balse wasiirka ayaa waxba kama jiraan ka dhigay eedahaa.
Si kastaba ha ahaatee magacaabista ashkhaasta wakiiladda uu Madaxweyne Siilaanyo magcaabay ayaa u muuqda kuwo abaalmarin lagu siiyay xilalkaa, balse waxa calaamatu su’aal saarantahay sida ay xafiisyadaasi u shaqayn doonaan, iyadoo ay xafiisyadii horeba qaar badani u xidhmeen maamul xumo iyo musuq-maasuq kadib markii sida uu waqtigaa daaha ka fayday Agaasimihii hore ee wasaaradda arrimaha debeda oo waxyaabahaa iftiimiyay markuu iska casilay xilkii uu hayay, balse aanay garwaaqsan xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo fadeexadahaa  farta lagu fiiqay oo weli dul sudhan Wasaaradda arrimaha debeda Somaliland.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office   
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com

Araweelonews Mobile
Somaliland Office   
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *