Mombasa (ANN)Saraakiisha Booliiska Dalka Kenya ayaa sheegay in gacanta ku dhigeen Labo Nin oo u dhashay Dalka Iiraan,  kuwaas oo lagu eedeeyay inay ka tirsanyihiin

Dagaalyahanada Xarakada Al-Shabaab ee ka dagaalama  gudaha Soomaaliya.
Madaxa booliska magaalada xeebta ah ee Mombasa Mr. Aggrey Adoli,  ayaa sheegay jimcihii shalay  in labada Nin oo ay ciidamada amaanku  xidheen  ay u dhasheen Dalka Iiraan, kuwaas oo  lagu  qabtay Magaalada Nairobi ee Caasimada Dalkaasi xili ay ku dhuumaaleesanayeen.
Aggrey Adoli ayaa intaa ku daray in mid kamid ah Raga la qabtay ee u Dhashay Dalka Iiraan uu Al-Shabaab u qaabilsanaa fulinta howlgallada magaalo xeebeedka mambaasa ee dalka Kenya, isla markaana laga helay 15 kgr oo ah waxyabaaha loo adeegsado qaraxyada ee budada ah.
Sidoo kale sarkaalka booliska ah ee lagu magcaabo  Aggrey Adoli,  ayaa sheegay  in labadaa  Nin ay hada ku xidhanyihiin Xabsi ku yaala Magaalada Nairobi,  isla markaana ay damacsanaayeen in ay qaraxyo ka geestaan gudaha Kenya.
Safaarada Maraykanka ee Kenya, ayaa jimcihii heshay digniino sheegaya weero aragagixiso, taas oo sababtay inay dawladda Maraykanku uga digtay dadkeeda inay tagaan magaalada xeebta ku taal ee Mombasa.
Kenya ayaa dagaal culus kula jirta Al-Shabaab. kadib markii ciidamada Kenya galeen gudaha Somalia Oct, 2011,  waxayna ciidamada amaanka Kenya  xabsiyada dhigeen tan iyo waqtigaa dad badan oo la sheegay in ay xidhiidh la leeyihiin Xarakada Al-Shabaab oo qaraxyo kala duwan oo ay ku sheegeen aargoosi ka fulisay  gudaha dalka Kenya.
Araweelonews Mobile
Somaliland Office   
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *