-
Published On: Fri, Feb 18th, 2011

Xasillooni Darrada Bariga Dhexe, Mudaharaadyada Xukunka Lagaga Tuurayo Digtaytarada Iyo Cabsida Reer galbeedka

Smiley face
Share This
Tags

Labo bilood oo keliya ayaa ka soo wareegtay markii muddaharaadkii ugu horreeyay uu ka bilawday dalka Tunisia. Wiil dhallinyaro ah oo noloshu aad ugu adkaatay ayaa dhintay kaddib markii uu is-gubay sababtoo ah police-ka ayaa u diiday inuu khudaar iyo furuuto iibiyo. Wixii markaas

 

ka dambeeyay madaxweynayaashii Tunisia iyo Masar ayay u dhammaatay. Dadka muddaharaadaya waxay barteen in haddii ay riixaan, haddii ay ka adkaadaan cabsida ay police-ka ka qabaan ay markaasi dhici karaan waxyaabo wanaagsan. Mid ka mid ah hoggaamiyeyaasha dadka muddaharaadayay magaalada Qaahira waxaa uu sheegay in wixii ka horreeyay muddaharaadkoodii ugu horreeyay ee 25-kii bishii Jannaayo uu u maleynayay inay socon doonaan shan daqiiqo oo keliya kaddibna ay police-ku qab-qaban doonaan.

Waxba kama qabo inaan qirto in maalintii xigtay markii aan Qaahira u soo baxay ay ila ahayd inay dadkaas ku adkaan doonto xaaladda madaxweyne Mubaarak. Laakiin kuma adkayn, ayuu yiri weriyuhu, haatanna waxaa caddaan ah in hoggaamiye Carbeed uusan ku dhicin in uu dareemo inuu nabadgelayo. Waxaana sidoo kale muddaharaadyo ka bilawdeen dalka Iran.
Maamulayaasha Iran, iyo kuwa Carabta ee dalalka Yemen, Libya, Algeria iyo Bahrain waxay ku jiraan wax iska dhicin. Hoggaamiyeyaal kale, iyo police-kooda qarsoodiga ah, waxay ka fekerayaan goorta ay waddammadooda ka bilaaban doonto.

Dhammaantood waxay leeyihiin sababo dalalkooda ka dhashay oo carada keenay. Hase ahaatee waxay wadaagaan dabeecado qaarkood ay ka dhexeeyaan.
Waxaa ka mid ah dowlad dadka cabburisa taasi ama ha badnaato ama ha yaraato. Mid kale waxay tahay niyadjabka haysta dhallinyarada oo tiradooduna sii kordhayso, kuwaas oo dunida dibadda kala socda wax ka badan intii ay jiilashii iyaga ka horreeyay kala socdeen.

Ra’yiga dadweynaha ee Carabta bariga dhexe waxaa keliya oo dhab ahaantii uu soo baxay konton sano iyo wax la mid ah kahor, iyadoo laga dhegaysan jiray raadiyeyaal la dhigi jiray meelaha kafeega laga cabbo iyo tuulooyin isku-wareeg ah taasoo inta badan lagu toosin jiray idaacado aad dhinac u jira oo laga sii deyn jiray magaaalda Qaahira. Hoggaamiyeyaashu waxay iska dhaadhiciyeen inay dadka siday rabaan ka yeeli karaan.

Taasi waa dhammaatay hadda. Television Carabtu leedahay ayaa jeex-jeexayay waxyaabihii lama taabtaanka ahaa ee ku saabsanaa waxa laga doodi karo laga soo bilaabo sanadkii 1990-yadii. Haatanna warbaahinta bulshada waxaa macnaheedu yahay in qof kasta uu ku biiri karo. Waddammadu hadda kaddib kalama xirna. Laakiin xukumayaashoodu waxay inta badan ku sii socdaan inay u dhaqmaan sidii in weli la joogo sanadkii 1960kii.

Waxaa hadda indho badani ay eegayaan dalka Baxreyn. Muddo sannado ah, qoyska boqortooyada Sunniga ah waxay isku deyayeen inay adkeeyaan xukunka ay ku hayaan dadweynaha dalkaas oo 70% shiico ah. Waxay keeneen dad kale oo sunni ah oo waddammo kale ay ka soo qaateen si ay isugu dayaan inay beddelaan isu-dheellitirka tirada dadweynaha. Waxay dadkaasi siiyeen baasaboorro iyo waxyaabo kale oo lagu soo jiito oo ay ka mid tahay shaqooyin ciidammada ammaanka laga siiyo.

Baxreyn waxay ku dheggan tahay gobolka bariga ee dalka Sacuudiga. Xasillooni darro ka dhex dhacda shiicada Baxreyn waxay dhibaato ku tahay qoyska boqortooyada Sacuudiga. Gobolka bariga Sacuudiga, oo ah meesha ay siliidda badankeedu taallo, waxaa ku badan shiicada. Waxaa loo haystaa inay shan oday ka tirsadaan shiicada xukunta dalka Inran, walow aan taas caddeyn badan loo hayn.

Waxaa laga yaabaa in qoyska boqortooyada Sacuudigu ay caro dareemaan. Boqorka iyo ninka dhaxalka boqortooyada leh labaduba waa duqoobeen waana jirran yihiin. Kahor intii aysan muddaharaadyadu waddammada Carabta ka bilaaban Sacuudigu waxaa uu ka walaacsanaa awood ku wareejinta amiirrada jiilka dambe.

Haddiina ay Sacuudigu walaacsan yihiin, qiyaas xisaabtanka ka dhacaya magaalooyinka Washington, London iyo caasimado kale oo reer galbeedka ah. Sannado badan waddammo ku faanayay dimoqraadiyad iyo dhowrista xuquuqda aadanaha ayaa taageerayay xukuumado dimoqraadiyaddu ku yar tahay oo heerar kala duwan dadkooda cadaadiya. Waxay ahayd qayb faa’iido leh ee munaafaqnimo diplomacy-adeed.

Hase ahaatee hadda waddammada reer galbeedku waa inay la macaamilaan gobolka bariga dhexe ee cusub. Cidina waqti xaadirkan wax fikrad ah kama haysato waxa ka soo bixi doona dhaqanka cusub ee bariga dhexe.
Xigasho BBc Somali

 

About the Author

-

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>