Djibouti (ANN) Kumanaan qof ayaa maanta isugu soo baxay bannaanbaxyo bilaw u ah sidii xukunka looga tuuri lahaa Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geele, waxaana debedbaxayaashu ka dalbadeen Madaxweynaha Djibouti inuu xukunka iskaga dego. Xisbiyada mucaaradka aan awooda baddan lahayn

ee dalka Djibouti ayaa abaabulay banaanbaxyada maanta ay sameeyeen kumanaan shacbiga Djibouti, waxayna isu soo baxa ballaadhan ku dalbanayaan inuu iscasilo madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle.
Mucaaradka taagta daran ee Djibouti  ayaa ku tilmaama  xukuumadda Madaxweyne Geelle inay tahay mid madax adag oo digtaytar ah, isla markaana aan dhagaysan shacabkeeda.
guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ee PDP Xasan Maxamed, ayaa sheegay in ay sii wadi doonaan bannaan baxyada ilaa inta ay iska casilay xukuumadda Madaxweyne Ismaaciil cumar   Geele.
Dhinaca kale, wasiirka arrimaha gudaha ee dalka Djibouti  Yaasiin Cilmi Buux oo u warramay idaacada VOA-da  ayaa sheegay in mucaaradka iyo shacabka dalka Djibouti ay xor u yihiin inay afkaartooda bixiyaan, dowladduna u oggolaatay inay bannaanbax sameeyaan.
Mudaharaadayaasha ayaa sitay boodhadh ay ku qoran yihiin wuu dhamaaday waqtigii keli taliyuhu iyo ereyo kale, waxayna sheegeen inay sii wadayaan bannaan baxyada ilaa ay ujeedooyinka ay leeyihiin gaadhayaan. Mucaaridka ayaa hore u sheegay doorashada la filayo inay dalkaa ka qabsoonto inay ka qayb gelayaan, iyagoo ku dooday inuu ku shubanayyo madaxweyne Geele.
Laba todobaad ka hor ayay sidan oo kale boqolaal qof isugu soo baxeen mudaharaad. Laakiin waxa u awood sheegtay ciidamada amaanka.waxaana xiligaa xabsiga loo taxaabay qaar ka mid ah mudaharaadayaasha iyo dadkii soo abaabulay. Laakiin hada waxa muuqata inay dadku kusoo dhiiranayaan sidii ay u muujin lahaayeen awoodooda iyo waxa ay xaq u leeyihiin.
Mudaharaadka dalka Djibouti ayaa kusoo beegmay iyadoo ay kacdoono isu soobaxyo xukunka lagaga tuurayo hogaamiyayaal digtaytaro ah ka socdaan dunida carabta, kuwaas oo galaaftay madaxweynayaashii Tuuniisiya iyo Masar, iyadoo ay hada dalka liibiya, Yemen, Bahrain iyo meelo kale.
Madaxweyne Qadaafi ayaa isagu durba ku baaqay inuu qabanayo shirweyne qaran, taas oo uu jawaab uga dhigayo inuu debecsanaan u muujiyo mawjadaha quluqulaya ee mudaharaadyada lagaga soo horjeedo xukunkiisa. Sidoo kale Amiirka dalka Bahrain ayaa bilawgii mudaharaadyada ku baaqay inuu isbedel samaynayo, balse taasi jawaab ku filan uma noqon dadka mudaharaadaya, kuwaas oo sii watay isu soo bixii ay wadeen.     
By, Araweelonews Mobile
Djibouti Office
E-mail info@araweelonews.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *