Hargeysa(ANN)Guddoomiyaha xisbiga tallada dalka haya ee KULMIYE  Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta Suxufiga weyn ee Xasan Siciid Yuusuf u magacaabay Xoghayaha Guud ee xisbigaasi ka dib markii uu dhawaan geeriyooday Alle ha u naxariistee Xoghiyihii hore Marxuum Kayse Xasan Cigge.

Muuse Biixi waxa uu sidaasi ku sheegay warsaxaafadeed uu maanta soo saaray oo uu ku magacaabay Xasan Siciid Yuusuf inuu noqdo Xoghayaha guud ee xisbiga KULMIYE ee ku meel gaadhka ah, waxaanu qoraalkaasi u dhignaa sidan:-

“Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE markii uu la tashaday Hoggaanka xisbiga, gudida fulinta iyo odayaasha xisbiga KULMIYE isagoo raacaya Qodobka 31-aad ee xeerka xisbiga waxa uu u magacaabay Xasan Siciid Yuusuf inuu noqdo Xoghayaha Guud xisbiga KULMIYE ee ku meel gaadhka ah.”
ayaa lagu yidhi qoraalka Gudoomiyaha xisbiga Kulmiye.
Xasan Siciid Yuusuf oo ah suxufi caan ah, isla markaana  ah suxufigii ugu xadhiga badnaa suxufiyiinta Somaliland, wuxuu ahaa suxufiyiinta seeskaa u dhigay xoriyada saxaafada Somaliland, isagoo ka mid ah mulkiilayaasha wargeyska ugu da’ada weyn Somliland ee Jamhuuriya oo uu Tafaftire ka ahaa. Xasan  Siciid Yuusuf mudadii uu ku jiray halganka xoriyada saxaafada wuxuu kala kulmay xukuumadihii kala danbeeyay ee marxuum Cigaal iyo Rayaale  xadhig iyo tacadi fara badan iyadoo mararka qaar loo geystay hadidaad iyo cagajuglayn si loogu cabsi geliyo inuu ka leexdo xaqiiqooyinka dhacdooyinka iyo wararka uu waqtiyadaa keliga ku ahaa wargeyska jamhuuriya. waxaana xabsiga loo taxaabay in ka badan 18 jeer oo xiliyo kala duwan iyo xukuno kala duwan lagu riday.

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *