Hargeysa(ANN) Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud ayaa fadhi aan caadi ahayn oo deg deg ah ugu yeedhay inay isugu yimaadaan maalinta Sabtida 7August 2011. Kadib markii ay todobaadkan galeen fasaxa Bisha Ramadaan ee barakaysan. Qoraalka uu madaxweynuhu kaga dalbaday

 

inay kulan deg deg ah isugu yimaadaan oo uu shalay soo saaray, waxa uu ku sheegay inay golaha guurtidu kulankooda deg deg ah waajibkooda dastuuriga ah kaga gutaan xeerka axsaabta iyo Ururada siyaasada ee L/R 14 200, kaas oo golaha wakiiladu wax ka bedel ku sameeyeen dhowaan, isla markaana u gudbiyeen golahaa, iyagoo soo jeedintooda ku xusay in dib loo furo Ururada siyaasada iyo axsaabta.
Madaxweyne Siilaanyo ayaa dalabkiisa ku sababeeyay kadib markii ay deeq bixiyayaasha iyo komishanka doorashooyinku  u arkeen fasaxaa mid dabar ku ah nidaanka geedi socodka doorashooyinka ee Somaliland, maadaama uu golahaa hor yaal wax ka bedelka xeerka  axsaabta iyo Ururada siyaasada oo golahaa hor yaal, isla markaana loo baahan yahay inay go’aan ka gaadhaan.
Dhinaca kale soo jeedinta wax ka bedelka Xeer L/R 14  oo dhowaan golaha wakiiladu guda galeen dood ku saabsan wax ka bedel iyo kaabis  lagu sameeyay, iyadoo Mudanayaasha golaha wakiiladu dood ay ka yeesheen ka dib u codeeyay xeerkaa in dib loo furo uraradii siyaasada iyo axsaabta tobankii sanadoodba mar.
Hase yeeshee waxa soo jeedinta dib u furista Ururada siyaasada iyo axsaabta oo muran iyo khilaaf sharci oo soo noqnoqday, taas oo  hada soo jeedintaa golaha wakiilada ee wax ka bedelka xeerkaa lagu sameeyay hortaal golaha guurtida oo la filayo inay go,aan ka qaataan.
Iyadoo soo jeedin  wax ka bedel iyo kaabis 2005 lagu sameeyay xeerkaa ururada iyo axsaabta siyaasada  oo golihii hore ee kan ka horeeyay  ansixiyeen, balse ay golaha guurtidu waxba kama jiraan ka dhigeen.
Go”aan golaha Guurtida Somaliland soo saaray 5/4/2005. Kadib dood adag oo ay mudanaayshu ka yeesheen mooshin ku saabsan wax ka bedel lagu sameeyay xeer L/R 14 oo nuxurkiisu in dib loo furo Urarada Siyaasada iyo Axsaabta, kaas oo golahii wakiilada ee nidaam beeleedkii xilgaa u danbeeyay u gudbiyeen.  Kadib markii muran ka dhashay xeerka  doorashooyinka golaha wakiilada  oo waqtigaa dib u dhac badani ku yimi, isla markaana golihii xilgaa oo ujeedadooda ugu weyni ahayd inay jawaab uga dhigaan doodii xiligaa ee sadexda xisbi ku dhaliilayeen golaha wakiilada inay doonayaan inay sii fadhiyaan kuraasta, balse aanay doonayn in la sameeyo xeerkii doorashada ee golahaa, kaas oo markii ay labada gole ansixiyeen loo gudbiyay Maxkamadda Sare ee Somaliland, iyadoo  xukuumaddii Madaxweynihii hore u gudbisay ku guulaysatay in laga saaro xeerkaa doorashada waxyaabo ay sheegeen inay ka hor imanayaan dastuurka dalka oo ay dabar ku noqonayaan doorashada.
Golayaasha wakiilada iyo Guurtida  ayaa dib loogu soo celiyay xeerkaa oo Maxkamadda sare ee dastuuriga ahi tir tirtay.  Laakiin soo jeedintaa ka dib waxay golaha wakiiladu u gudbiyeen  golaha Guurtida xeer L/R 14 si dib loogu furo Ururada siyaasada, balse mooshinkaa ay golahii wakiilada ee xiligaa gudbiyeen golaha Guurtida .
Hase yeeshee Lifaaqaa wax ka bedelka  xeer L/R 14 ee xanbaarsanaa in dib loo furo Ururada siyaasada ama, xisbiyada waxa ka dooday 40 mudane oo ka tirsan golaha Guurtida Somaliland, kuwaas oo nuxurka doodoodu isugu soo ururtay inaan wax ka bedelka xeerkaa lagu dhisay wax faa”ido ah u lahayn qaranka oo soo kordhinay keliya  dib u dhac iyo khilaaf  siyaasadeed mooyee, isla markaana Xeer L/R 14 ee 2000. Uu soo baxay xili aan cidna Urur siyaasadeed iyo xisbi toona isugu tegin.
Go”aanka xilgaa 5/4/2005, kasoo baxay golaha Guurtida Somaliland oo shebekada Araweelonews soo ururisay ayaa nuxur ahaan u qornaa sidan:-“waxa jirtay fekred odhanaysa waxa loo baahanyahay in la ansixiyo wax ka bedelkaa  si looga baxo koobnaanta waqti  kastana doorashada dawladaha hoose loo helo Ururo cusub  oo ay tartaamaan, ama kuwii hore oo xejista  fekredaa oo aad u yar ma nqon karto mid meel mar ah.
Sidaa awgeed  40 ayaa doodaa wax ka bedelka xeer L/R 14 ee dib u furusahada  Ururada siyaasada iyo Xisbiyada   ka qaybqaatay, waxayna 61 Mudane  oo golaha guurtida ah ayaa ugu danbayntii diiday in la ansixiyo wax ka bedelkaa oo dib loo furo Ururadii siyaasada iyo axsaabta qaranka.
Waxaana ogolaaday hal mudane ayaa ogolaaday in la ansixiyo wax ka bedelka golaha wakiiladu usoo gudbiyeen Guurtida ee Xeer L/R ee 2000. Iyadoo aanu codayn gudoomiyuhu, mana jirin cid ka aamustay.
Golaha guurtida ayaa  u cuskaday go’aanka ay ku laaleen gebi ahaanba wax ka bedelka Xeerkaa  dhawr qodob oo ay go’aankooda ku cadeeyeen, kuwaas oo ahaa sidan:-
1- wuxuu horseedayaa oo abuurayaa khal khal iyo khilaaf siyaasadeed, nabadgelyo daro hor leh oo nqon doonta mid joogto ah. Aakhirkana sababi kara  in afar walba si qabiil u samaystaan Urur  dibna loogu noqonayo burburkii Soomaali halkaa dhigay.
2.  wuxuu horseedayaa koritaan la’aan axsaabta qaranka ah.
3. wuxuu burburinayaa tartankii iyo dedaalkii ay kusoo abuurmeen axsaabta qaranku.
4.wuxuu noqday soo jeedin leh dano gaar ah, maadaama la sameeyay xeer L/R 2000, iyadoon cidna sheeganayn Urur iyo xisbi toona.
5. wax ka bedelku wuxuu baalmarsan yahay hanaankii siyaasadeed ee dalka oo ku cad distoorka .
6. nuxur ahaan wuxuu xubnahaa ula muuqday  in aanu ahayn munaasib wax ka bedelkani  asbaabta loo cuskadayna aanay ahayn mid macquul ah oo lagu qanci karo . “ ayaa lagu yidhi go’aankaa golaha Guurtida oo aan wax saxeex ahi ka muuqan, balse lagu xardhay magaca Gudoomiyaha Golaha Guurtida Saleebaan Maxamuud Aadan.”
Maadaama golaha guurtidu shan sannadood ka hor waxba kama jiraan ka dhigeen soo jeedin wax ka bedel sidan oo kale golihii wakiilada ee ay iyagu bedeleen  golaha wakiilada ee maanta oo iyaguna  wax ka bedel ku sameeyay xeerkaa, kuwaas oo meel mariyay in dib ,loo furo uraradii siyaasadeed iyo axsaabtii, balse ay golaha guurtidu laaleen xiligaa. Laakiin lama garanayo inay golaha guurtidu laali doonaan sidii ay horeba u laaleen todoba sanadood ka hor iyo inay meel marin doonaan wax ka bedelka iyo kaabista xeerkaa L/R 14 ee 2000. Laakiin waxa  la eegayaa jawaabta ay golaha guurtidu ka bixiyaan wax ka bedelka iyo kaabista  xeerkaa hor yaala  oo ah kii ay hore u diideen 61 mudane oo golaha guurtida ah.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *