Hargeysa(ANN)Madaxweynaha Somaliland  Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa maanta magacaabay Guddida komishanka tacliinta sare ee Somaliland.Sidaana

waxa lagu sheegay war saxaafadeed kasoo baxay qasriga Madaxtooyada Somaliland, kaas oo uu soo saxeexan yahay Af-hayeenka Madaxtooyada  C/llaahi Maxamed Daahir (Cukuse). Qoraalka madaxweynuhu ku magcaabay gudida tacliinta sare   ayaa  u dhignaan sidan:-

“Madaxweynaha JSL, Mudane Axmed Maxamed Maxamuud ( Siilaanyo) waxa uu Digreeto Madaxweyne ku Magacaabay Guddiga Tacliinta Sare ee JSL (Higher Education Commission) oo baahi weyn loo qabay Gudiddan oo aan hore u jirin.

Madaxweynuhu waxa uu digreetadiisa ku yidhi:-

Markuu Arkay: Qodobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland,

Markuu Arkay: Qoraalka Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee MOE&HE/01/176-217/11 kuna taariikhaysan 21/07/2011,

Markuu Ka Baaraandegey: Xeer Hoosaadka Guddida Tacliinta Sare ee JSL,

Markuu Tixgeliyey: Ahmiyadda Tacliinta Sare (Higher Education) u leedahaya dhismaha Qaranka,

Markuu Arkay: In baahi loo qabo buuxinta Xubnaha Guddida Tacliinta Sare ee JSL,

Wuxuu go’aansaday

In uu magacaabao Guddiga Tacliinta Sare ee JSL (Higher Education Commission), Guddigaas oo ka kooban 11 xubnood oo ah Guddiga Guud (The Commission) iyo 4
xubnood oo ah Maamulka Fulinta (Executive Secretariat), waana sidan hoos ku xusan:

A. Guddiga Guud (The Commission):

1. Zamzam Cabdi Aden Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada (Chairperson)
2. Saleebaan Axmed Guleed Gudoomiyaha Jaamacadda Camuud (Vice Chairperson)
3. Siciid Axmed Xasan Gudoomiyaha Jaamacadda Golis
4. Cabdiraxmaan Jaamac Ducaale Gudoomiyaha Jaamacadda Burco
5. Edna Aden Ismaaciil Gudoomiyaha Jaamacadda Edna Hospital
6. Xasan Cabdi Madar Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada JSL
7. Jaamac Axmed Maxamed Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda
8. Khadar Axmed Diriye Agaasimaha Guud ee Tacliinta Sare ee W/ Waxbarashada
9. Cabdirashiid Axmed Guleed Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Qorshaynta Qaranka
10. Sucaad Ibraahim Cabdi
11. Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir

B. Guddiga Guud (Executive Secretariat):

1. Xuseen Xaaji Xasan Guleed Chairman
2. Maxamed Xaashi Dhamac Vice Chairman
3. Aden Xaaji Baxnaan
4. Siciid M. Daahir

Guddigu waxay xilkooda u gudanaysaa si waafaqsan xeerarka iyo shuruucda dalka ayaa laga yidhi qoraalkaa.

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *