Muqdisho(ANN)Madaxweynaha Dowladda Federaalka Somalia Xasan Sheekh Maxamuud ayaa iska fogeeyay in uu lug leeyahay dhaqdhaaqyada islaamiga ee ka jira caalamka, ama uu ka mid yahay

kooxaha islaamiyiinta  ee Soomaaliya.
Xasan Sheekh Maxamuud oo lagu wareystay barnaamijka Kulanka Gaarka ah ee Telefeshinka Aljazeera ka baxa ayaa ka jawaabay su’aal ay weydiisay gabadh wariye ah oo wareysanaysay, taas oo weydiisay in uu kamid yahay Kooxda Damul Jadiid ee Xarakada Al-islaax ka goosatay, balse wuxuu Madaxweynaha Somalia  Xasan Sheekh si adag u beeniyay oo ganafka ugu dhiftay ka mid ahaanshaha kooxdaa, isagoo yidhi, “weligay kama mid noqon Xarako islaami ah,  arrinkaas waxaa igu eedeeya siyaasiyiin dowladda ku jira oo dano gaar ah leh, maya maya anigu waxaan ahay Akaadeemi wax lug ah kuma lahaan Urur islaami ah” ayuu yidhi Xasan Sheekh oo gebi ahaanba inkiray inuu wax lug ah ku leeyahay kooxahaa, taas oo ahayd su’aal marar badan oo kala duwan warbaahint aduunka iyo dadka wax ka qora arrimaha Somalia la xidhiidhiyeen inuu qayb ka yahay kooxahaa.

 

Madaxweynaha Somalia waxa sidoo kale wax laga weydiiyay weerarada is xig-xiga ee xarakada Al-shabaab ku qaado magaalada Muqdisho gaar ahaan agagaaraha Villa Somaliya wuxuuna sheegay in sugidda ammaanka ay tahay arrin adag.

Mar uu Xasan Sheekh ka Jawaabayay  su’aal la weydiiyay oo ku saabsanayd in xukuumadiisu aanay  wax muuqda qaban, wuxuu yidhi, ” Saxiix,saxiix waa wax jira dowladaydu wax muuqda ma qaban,  marka laga reebo in ay heshay aqoonsiga mareykanka, laakin wax aan ka badneyn 180 maalmood ayay xukuumadeydu jirtaa, markaa  soo lama dhihi karo waqti aan wax ku qaban karno ayaa noo harsan”ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Xukuumadda Somalia ee uu hogamiyo Xasan Sheekh, waxa mudooyinkii u danbeeyay soo waajahay dhaleecayn kaga imanaysay beesha caalamka iyo Hay’addaha xuquuqda aadamaha, taas oo ka dhalatay kadib markii ay soo bexeen kooxo dhalinayaro ah oo dhowaan wadooyinka Magaalada Muqdisho maydadkooda lagu daadiyay, kuwaas oo ku jiray xabsiyada ay dawladu Maamusho. Arrimahaa oo sii xoojiyay xadgudubyo ka dhan ah xuquuqda aadamaha  sida dilal, lagula kacay weriyayaasha, xadhig,  Kufsi, dhac iyo arrimo kale oo si weyn loogu canbareeyay xukuumadda Xasan Sheekh, wuxuuna mar ay gabdha  wariyiha ah ee waraysanaysay weydiisay arrimahaa kufsiga  Kufsiga iyo xad gudubyada xuquuqul insaanka heerka ay xukuumaddiisu ka taagantahay?.

Madaxweyne Xasan oo arrintaa ka jawaabaya, wuxuu yidhi, “aad baan udhibsadaa marka wax layga weydiiyo kufsiga ciidankeenu geystaan iyo isbaarooyinka sharci darada ah ee magaalada yiilay,xaqiiqda waxay tahay in kufsigu jiro.  laakin in kabadan 60 Jidgooyo oo sharci dara ah ayay xukuumadeydu ka qaaday gudaha Muqdisho”Xasan Sheekh Maxamuud Madaxweynaha Somalia.

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *