baankaHargeysa(ANN) Guddoomiyaha Baanka Dhexe ee Somaliland Cabdi Dirir Cabdi, ayaa sheegay in aanay awood u lahayn inay wax ka qabtaan qiimaha sarifka dollarka oo kor u kacay suuqyada Somaliland iyo

sidoo kale saamaynta ay arrintaasi ku yelatay maceeshada.
Gudoomiyaha Baanka Dhexe Cabdi Dirir, oo maanta saxaafadda la hadlay, wuxuu ku dooday in kor u kaca qiimaha sarifka dollarka Suuqyada Somaliland oo sababay  kor u kac ku yimi maceeshada ay  sabab u yihiin sadex arrimood oo kala ah Dhoofkii Xoolaha oo aan jirin, Dhaqdhaqaaqa Dekedda Berbera oo hoos u dhac ku yimi iyo Sarriflayaasha maamula suuqa ugu weyn sarifka dollarka oo sida ay doonaan qiimaha u dhiga.

Dr. Cabdi Dirir Guddoomiyaha Banka Dhexe, wuxuu isagoo arrintaa sharaxaad ka bixinaya yidhi, “ waxay ku xidhan tahay hoos u dhiciisa iyo kor u kiciisu lacagta ku jirta Suuqa oo marka ay Somaliland Suuqa ka yaraato qiima yeelata oo Doolarka ayaa hoos u dhaca marka ay ku badatana qiimaheeda ayaa hoos u dhaca oo Dollarka ayaa kaca” ayuu yidhi gudoomiyaha Baanka Dhexe ee Somaliland.

Sidoo kale Cabdi Dirir wuxuu ku dooday inay arrintaa saamayn ku yelatay dhoofka Xoolaha Nool oo aan jirin iyo sidoo kale dhaqdhaqaaqa badeecadaha ganacsiga ee Dekedda Berbera oo yaraaday, wuxuuna isagoo arrimahaa ka hadlaya  yidhi,  “ waxa kale oo jirta in dhaqdhaqaaqa dhoofka Xoolaha oo marka aynu xoolo dhoofinayno uu soo bato Dollarku  oo qiimihiisa ayaa hoos u dhaca, imika xoolo ma dhoofinayno Doolarku wuu yar yahay,  taasaa keenta inii kor u kaco, Waxa iyana jirta in Dekedda dhaqdhaqaaqeedu uu  iyana ku xidhan yahay  oo badeecado marka ay ka soo degayaan waxa Suuqa soo gala lacag Dollar ah oo la sarifo oo lagu soo cashuuro markaa qiimaha Doolarka ayaa jaba. Laakiin  imika wax ma dhoofino Dekedda Berberana dhaqadhaqaaq hagaagsani kama jiro, markaas oo kale anagu waxaanu samaynaa suuqaanu lacag gelinaa si aanu ugu ilaalino sarifka” ayuu yidhi.

Gudoomiyaha Baanka Dhexe ee Somaliland , waxa kaloo uu sheegay in mashaakilka sixir bararka ee dhinaca Badeecadaha ay ganacsatadu sabab u yihiin oo ay mar walba oo qiimaha sarifka wax iska bedelaan ay qiimaha maceeshada kordhiyaan, taas oo sida uu sheegay saamayn ku yeelata nolosha malaayiin qoys, wuxuuna isagoo arrintaa ka hadlaya yidhi,   “ marka uu Dollarku dhaco iyo marka uu kacaba wuxuu abuuraa Sicir barar dadka dan yarta ah saameeya ganacsataduna qiimaha Ma dhinto marka uu hoos u dhaco qiimaha Dolarku” ayuu yidhi Dr. Cabdi Dirir.

Gudoomiyaha Baanka oo la weydiiyay inay mushkilada taagan xal u hayaan, ayaa ku dooday inay wadaan qorshe sadex geesood ah oo ay wadaan Baanka Dhexe, Wasaaradda Maaliyadda iyo Gudida Dhaqaalaha ee golaha wakiilada, kaas oo sida uu xusay ay ku doonayaan inay sameeyaan qorshe cad oo sarifka Dollarka lagu fadhiisinayo qiime rasmi ah, wuxuuna sheegay  in aanay Hay’ad ahaan Baanku awood u lahayn inay xakameeyaan sarifka dollarka oo ay sida ay doonaan u maamulaan sariflayaashu, isagoo yidhi,  “ anagu lacagta aanu haynaa waa Shiling Somaliland, Doolarka nimanka hayaa waa Sarriflayaasha, iyagaana Maamula, anagu waanu xakamayn karnaa laakiin Suuqeena iyo Ganacsigeenu waa Xor taas baa saamayn ku yeelatay markaa anagu waa inaanu ku ilaalinaa uun” ayuu yidhi

Gudoomiyaha Baanka Dhexe ee Somaliland oola weydiiyay in Adeega  Zaad oo si weyn loo isticmaalo uu saamayn ku yeeshay kor u kaca doolarka iyo sixir bararka ku yimi suuqyada sarifka iyo Badeecadaha, waxa  yidhi,  “ Zaad ku wax badan kuma keeni karo Sicirka Sarrifka, waa macquul inay siyaabo kale u keeni karo laakiin ma badna.”

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *