Riyad(ANN)Dawlada Sucuudiga aya sheegtay inay gacanta ku dhigtay 18 qof oo aha baasaasiin u adeegayay cadaw shisheeye oo ku sugnaa dalkeeda.

Afhayeen u hadlay Wasaaradda Arrimaha Gudaha dalka Sucuudiga oo lagu magcaabo Mansuur Al-Turki, aya u sheegay Telefishanka qaranka inay xidheen 18 qof oo isugu jira hal qof oo u dhashay dalka Iran, Mid Lubnaan u dhashay iyo 16 Sucuudiyaan ah, kuwaas oo la qabtay afar maalmood ka hor. Kadib markii la ogaaday inay hawlo basaasnimo ku jiraan.

 

“Waxay aad u danaynayeen Hawlo Basaasnimo oo ay ku jireen, waxayna ahaayeen shebekad isku xidhan oo u shaqaynaysay dal shisheeye.” Ayuu yidhi Al- Turki, isagoo xusay inay kooxdaasi urursanayeen macluumaad meelo gar ah oo dalka ka mid ah, isla markaana ay daba socdeen arrinta sirdoonka Boqortooyada Sucuudigu, balse Af-hayeenka u hadlay wasaaradda arrimaha gudaha Sucuudig ma sheegin wadanka ay kooxdaasi u shaqaynayeen ka uu yahay, wuxuuna sheegay in hada dadkaa kiiskooda gacanta lagu hayo  ay ku socoto baadhis ay ku hayaan ciidamada denbi badhistu.

Arrintan ayaa kusoo beegantay iyadoo dalalka Khaliijka ay soo waajahday cabsi ay ka qabaan in madaxda dalalkaa xukunka laga tuuro, wixii ka danbeeyay kacdoonadii laba sandood ka hor ka bilaabmay wadamada Carabta qaarkood oo sababay in higaamiyayaal caan ah gacanta loola tago, kuwo kalena weli liiq liiqanayaan, isla markaana Sucuudiga Iyo Iran ayaa isku maandhaafay kacdoon la doonayay in xukunka lagaga tuuro boqortooyada Baxrayn, iyadoo Sucuudigu dalkaa u diray ciidamadiisa si aan meesha looga saarin qoyska xukuma Baxrayn oo ah dal yar oo shiicadu doonayso inay xukunka la wareegto.

Dawlada Sucuudigu waxay cabsi weyn ka qabtaa dawlada Shiicada ee Iran, taas oo ay cilaaqaadka kala qaateen  1979 kadib kacdoonkii Islaamiga ahaa ee lagu afgenbiyay Shaahii Iran.

Dhinaca kalena dhawr bilood ka hor ayay dawlada Imaraadka oo ka cabsi qabtay inay soo gadhaan dabaylaha isbedel doonka ee duufaanka siyaasadeed  xabsiga  u taxaabay in ka badan 90 qof oo u badan Masaari kooxda xukunka dalka Masar la wareegtay xidhiidh la leh, kuwaas oo shaqooyin kala duwan oo mihiim ah ka waday Imaraadka, balse looga shakiyay inay wadeen qorshe la doonayo in xukunka lagaga tuuro madaxda dalka Isutaga Imaaraadka Carabta.

By,  Carraale  M. Jama  Freelance Journalist and Human Rights Activist
Araweelonews Somaliland Office
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *