Cadaaddo(Araweelo News Network) Sheekh Xasan Daahir Aways oo si qarsoodi ah uga baxay deegaanada ay xukunto Al-shabaab, ayaa la xaqiijiyay inuu ku suganyahay Magaalada Cadaado ee xarunta u ah maamulka Ximan iyo Xeeb ee

badhtamaha Somalia, kadib Safar dhinaca badda ah oo uu ku tegey halkaa xalay saacadihii danbe.

 

Afhayeen u hadlay maamulkaa oo lagu magcaabo Maxamed Cumar Hagafey ayaa sheegay  in ay qabteen Sheekh Xasan Daahir Aways iyo dhowr sarkaal oo la socoday, kuwaas oo ku gaadhay deegaankaa Doon ay wateen oo dhinaca BadweyntaHindia usii jeeda. Kadibna ay halkaaa gaadheen saqdii dhexe ee xalay.

Afhayeenka Ximan iyo Xeeb ayaa sheegay Maamulkiisu mid hoos taga Dawlada Federaalka Somalia, wuxuuna sidaa ku sheegay Wareysi ay Idaacada VOA la yeelatay oo uu ku sheegay in hadda Xasan Daahir Aweys uu ku jiro gacanta Madaxweynaha Maamulka Ximin iyo  Xeeb Cabdullaahi Cali Maxamed (Baarleex).

Sarkaalka u hadlay maamulkaa waxa uu sheegay in aan wax dagaal ahi ka dhicin markii uu hogaamiyaha Xisbul Islaam usoo gacan galay Maamulkooda, wuxuuna xusay in wadahadlo dhexmaray Sheekh Xasan Daahir iyo Maamulka ka dib lagu wareejiyay Sheekh Xasan iyo saraakiisha la socota Madaxweynaha Maamulka deegaanka Ximan iyo Xeeb C/llaahi Cali Maxmed (Baarleex), isla markaana ay amaankiisa la wareegeen ilaalada Madaxweynaha maamulkaa.

Afhayeenka ayaa ka gaabsaday inuu sharaxaad ka bixiyo sida laga yeelayo Sheekh Xasan Daahir Aways oo ka mid ah wadaadada Maraykanku malaayiinka dolar ku baadi doonayo, balse Wararka qaar  ayaa sheegaya in Madaxweynaha Maamulka Ximan iyo Xeeb uu Sheekh Xasan Daahir kulan la qaatay inkasta oo aan la ogeyn wixii kulankaa kasoo baxay, sidoo kale wararka qaar aya sheegaya in ay  magaalada Cadaado ku sugan yihiin Saraakiil hore uga tirsanaan jiray ururkii Xisbul Islaam,  kuwaas oo qayb ka ah wadahadalka u socda Sheekh Xasan Daahir Aways  iyo maamulka Ximan iyo Xeeb.

Hase yeeshee  Wararka qaar ayaa sheegay in Maamulka Ximan iyo Xeeb uu ku kala qaybsanyahay sidii laga yeeli lahaa Sheekh Xasan Daahir, iyadoo qaar ka mid ah maamulka ay ku doodayaan in Sheekh Aways fursad loo siiyo inuu diyaarad ka raaco garoonka Cadaaddo si ay suurta gal ugu noqoto inuu uga gudbo meeshii kale ee uu doonayo, halka qaar kalena ay ku adkaysanayaan in Sheekh Aways  loo dhiibo Dawlada Somalia ee Xasan Sheekh  iyo Ciidamada AMISOM.

Ila wareedyo  kale ayaa sheegaya in Sheekh Xasan Daahir Aways doonayo inuu safar ugu baxao dalka Qadar ee xaruntiisu tahay magaalada Dooxa. Kadib markii magangelyo siyaasadeed uu ka helay dalkaa.

Dhinaca kale socdaalka u muuqda firxadka ee Sheekh Xasan Daahir Aways ayaa kusoo beegmay kadib markii todobaadkii u danbeeyay ay soo baxeen warar sheegaya in khilaaf mudo soo jiitamayay oo ka taagna gudaha madaxda iyo saraakiisha Al-shabaab uu sababay dagaal maalmihii lasoo dhaafay ku dhexmaray kooxda uu hogaaminayay Sheekh Xasan Daahir oo ay weheliyaan saraakiil sare oo caan ah oo ka tirsan kooxdaa  iyo Amiirka Al-shabaab Axmed Cabdi Goddane Abu Subayr, taas oo keentay khasaare dhimasho iyo dhaawac ah.

Iyadoo wararka la xidhiidha arrimahaasi sheegayaan in hogaamiyaha al-shabaab gacanta ku dhigay saraakiil sare oo ay ka mid yihiin Ibraahin Afgani oo (Abuubakar Al-seylici) iyo saraakiil kale, isla markaana ay firxadeen saraakiil kale oo ay isku mawqif ahaayeen Sheekh Xasan Daahir Aways, kuwaas oo wararku sheegayaan inay ka mid yihiin Sheekh Muqtaar Rooboow oo dhinaca Bay iyo Bakool u firxaday, Shafiiq Hammami oo loo yaqaan Mansoor Al-ameriki oo marar badan sheegay inuu ka cabsi qabo weerar kaga yimaada hogaamiyaha Al-shabaab Abu Subayr.

Sidoo kale waxay xoggaha iyo wararka la xidhiidha arrimahaasi sheegayaan in dagaalka dhexmaray labada dhinac ee Al-shabaab ay soo dedejiyeen kadib markii Hogaamiyaha Al-shabaab ka war helay inay kooxda Sheekh Xasan Daahir qorshaynay wadahadalo ay la galaan dawlada Somalia, kuwaas oo ay dawlada Qadar dhawr sanadood dabada ka waday, isla markaana ku doonayeen inay is horfadhiisiyaan madaxda dawlada federaalka iyo hogaamiyayaasha Al-shabaab ee dagaalka kula jira dawlada Somalia iyo ciidamada AMISOM ee ku sugan Somalia.

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *