Hargeysa(Araweeelo News Network) Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo sii wada magcaabis iyo xil ka qaadis ku wajaahan xukuumaddiisa, kadib marii uu habeen hore saqbadhkii soo saaray

digreeto isku bedelkii iyo magcaabistii ugu balaadhnayd ee uu sameeyo mudadii uu xilka hayay, ayaa  ka daba keenay tiradaa magcaabista masuul horleh.

Masuulkaa oo xil loo magcaabay yahay Wasiirul dawle cusub oo loo sameeyay Wasaaradda Xanaanadda Xoolaha Somaliland.

 

Sidaanaa waxa lagu sheegay war-saxaafadeed kasoo baxay qasriga Madaxtooyadda Somaliland saaka, oo kaas u dhignaa sidan:- “Madaxweynaha JSL, Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Silaanyo) waxa uu digreeto madaxweyne oo sumadeedu tahay JSL/M/XERM/249-1854/062013 ku magacaabay Wasiiru-dawlaha Wasaaradda Xannaanada Xoolaha ee Jamhuuriyadda Somaliland.

 

MADAXWEYNUHU:-Markuu Arkay:Qodobka 90aad, Faqradiisa 2aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;Markuu Tixgeliyey:Ahmiyadda weyn ay Wasaaraduhu u leeyihiin Dalka iyo Dhismaha Qaranka;

 

Markuu Arkay: In baahi loo qabo buuxinta jagada Wasiiru-dawlaha Wasaaradda Xannaanada Xoolaha ee JSL; Markuu Ka Fiirsaday: Kartidiisa, aqoontiisa iyo hufnaantiisa shaqo; Markuu ku Qancay In uu hanan karo xilkan loo magacaabay; Wuxuu go’aansaday In Mudane, Cabdiraxmaan Jaamac Cabdalle, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiiru-dawlaha Wasaaradda Xannaanada Xoolaha ee Jamhuuriyadda Somaliland.” Ayaa lagu ydhi War Saxaafadeeka.

 

Dhinaca kale magcaabista masuulka cusub ayaa laga daba keenay saacado ka dib markii Madaxweyne Siilaanyo golihiisa wasiiradda ku sameeyay isku shandhayntii ugu balaadhnayd ee uu sameeyo tan iyo markii uu xilka la wareegay 2010. Waxaana ka dhashay isku shaandhayntaa oo ahayd mid mudo dheer loo dhegtaagayay dareeno kala duwan oo shacbiga bulshadu ku waajahday, iyadoo dhinaca kalena wasiiradda xilka laga qaaday qaarkood shaki ka galay in meel kale loo bedelay iyo in sidaa lagaga saaray daaqada.

marka laga yimaado tirada xad-dhaafka ah ee xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo oo magcaabistani u muujisay dawladii Sal-balaadh ee hogaamiye kooxeedyada koonfurta Somalia ka samyn jireen, waxa Xubnaha ku jaahwareeray isku shaandhayntaa wax aka mid ah Wasiirkii kaluumaysiga C/llaahi Geel-jire. Kadib marki sadex derejo oo lagu shaxeeyay Digreetada Madaxweynaha oo kala ah Magacais xilal, Masuuliyiinta Xilalkii ay hayeen laga bedelay iyo derejada sadexaad oo ah Masuuliyiin xilalkii ay hayeen laga nasiyay.

Balse Wasiirkii Hore ee Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda C/llaahi Geel-jire ayaa lagu daray Liiska Masuuliyiinta xilkooda loo bedelay, isagoo liiskaa shaxda ee digreetada kaga jira 6, isla markaana aanay jirin meel loo magcaabay. Kadibna uu ku hungoobay liiskaa.

 

Arrintaa waxa dhashay doodo iyo dareeno kala duwan, waxayna dad badani is weydiiyeen sababta keentay qabyada digreetada madaxweynaha ee magcaabista iyo isku shaandhaynta xukuumaddiisa oo mudo sanad ku dhow si weyn loo hadal hayay, isla markaana hadal haynteedu kusoo noqo noqonaysay raysal caamka bulshada, balse waxay dhacdada noocan ah dadka qaarkood ku tilmaameen maamulxumo iyo habacsanaan ka jirta qasriga madaxtooyadda oo sawir xun ka bixinay haykalka iyo nidaamka dawladnimo.

 

Mana aha markii u horaysay ee qoraalada tayada daran ee kasoo baxa qasriga madaxtooyada khaladaad sidan oo kale ah kasoo baxaan, balse tan iyo markii madaxweyne Siilaanyo la wareegay talada dalka waxay digreetooyinka kasoo bayay ahaayeen kuwo saluug weyni ka muuqday, iyadoo ay sidan oo kale marar badan dhacday  in masuuliyiin la magcaabay iyadoo aan kuwii hore laga qaadin xilalkii ay hayeen.

 

Arrimahaa ayaa noqoday kuwo aan ku cusbayn digreetooyinka qabyada badan ee Madaxtooyadda, iyadoo bulshadu si weyn u filaysay in qoraalada kasoo baxa qasriga madaxtooyada wax iska bedeli doonaan markii uu xukunka la wareegay madaxweyne Siilaanyo sadex sandood ka hor, isla markaana ay noqon doonaan kuwo si weyn uga tayo badnaanaya kuwii xiligii xukuumaddii Daahir Rayaale kasoo bixi jiray qasriga Madaxtooyadda, balse qoraalada digreetooyinka kasoo baxa qasriga Madaxtooyada ee xukuumadda Siilaanyo ayaa noqday kuwo iftiiminaya sawirka  dhabta ah ee madaxtooyadda muuqaalka ay xanbaarsan yihiin digreetooyinka kasoo baxa qasriga Madaxtooyadda.

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *