Hargeysa(Araweelo News Network) Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa si adag uga jawaabay dhawaaq Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Maxamuud Culusow (Xasan Gur-guurte) ka soo yeedhay xuskii

 

loogu dabaal degayay 18-kii May, kaas  oo uu ku sheegay in ay caadifad tahay dabaal degii 22-guuradii ka soo wareegtay gooni isku taaga Somaliland.

 

Madaxweyne Siilaanyo waxa uu sidaa ku sheegay khudbad  uu ka jeediyay munaasibad lagu xusayay 53-guurada ka soo wareegtay markii ay Somaliland xornimadeeda ka qaadatay maxmiyadii Ingiriiska 26-kii bishii June sanadkii 1960-kii, taas oo xalay lagu qabtay xarunta madaxtooyada, waxaanu sheegay in aanu gooni isku taaga Somaliland ku dhisnayn caadifad, balse uu yahay mid ku fadhiya wax ay ummada Somaliland muddo dheer u soo adkaysanayeen isla markaana ay hal-gan iyo dagaal adag u soo mareen.

 

“Madaxweynaha Soomaaliya waxa uu yidhi caadifad iyo cadho ayay ku fadhidaa Somaliland, waxaanu leenahay caadifad kuma fadhido ee waxay ku fadhidaa wax ay ummada Somaliland muddo dheer u soo adkaysanayeen oo ay ka dagaalameen, oo ay u soo hal-gameen oo ay maanta ku guulaysteen ayay ku fadhidaa, waxaanu leenahay ummada reer Somaliland madaxbanaanideedii ayay haysataa, dad u soo hal-gamay oo soo dhacsaday oo dimuqraadiyad leh oo nabadgeliyo ka jirto, oo dadkiisa iyo ummadiisa u shaqaynaya oo dunida la shaqaysa, oo ay dunidu la macaamisho weey” ayuu yidhi madaxwayne Siilaanyo.

Madaxweyne Siilaanyo  waxa kale oo uu sheegay in mar uun la gaadhi doono ictiraafka ay ummada Somaliand hiigsanayso, waxaanu dawlada Soomaaliya u soo jeediyay in jiritaanka Somaliland uu yahay muqadas isla markaana sababta ay Somaliland uga go’day Soomaaliya ay tahay dhibaatadii loo gaystay shacabka reer Somaliland. Waxaanu yidhi “Insha Allaalahu tacaalaa maalin maalmaha ka mid ah ayaynu gaadhi doonaa waxa aynu hiigsanayno oo ah madaxbanaani iyo ictiraaf aynu dunida ka helno, waanan gaadhi doonaa maalin aan fogayn, bal se mar walba waxaynu sheegaynaa oo aan walaalahayaga Soomaaliya u sheegaynaa in Somaliand jiritaankeedu yahay muqadas, oo aanay cadho iyo xumaan naga ahayn ee waxa na kexeeyay taa aan ka waramayay ay tahay, ee ah in ay iyadu Soomaaliya isku sar-goysay wixii ummada ka dhexeeyay”.

 

Madaxweyne Siilaanyo waxa kale oo uu ka waramay taariikhda maalinta 26-ka June markii ay Somaliland xoriyadeeda ka qaadatay gumaystihii Ingiriiska sanadkii 1960-kii iyo sidii iyada oo aan laga fiirsan loogu biiray koonfurta Soomaaliya iyo dhibaatadii ka soo gaadhay ummada Somaliland. Isaga oo arrimahaas ka ahdlayana waxa uu yidhi “53-kaa sano ee ka danbeeyay waa wax qiimo iyo qaayo wayn inoogu fadhiya, dalkan Somaliland haddii aynu nahay, markii aynu xoriyada qaadanay inaga oo ku fikiraynay himiladii umadda Soomaaliyeed meel ay joogtaba ay rabtay ee ahayd in Soomaali la isku keeno ayaynu xoriyadeenii la deg-degnay oo aynu koonfur gaynay. maanta oo ay mudadaa dheeri ka soo wareegtay waxaa ka horeeyay hal-gan aad iyo aad u dheer oo la soo galay, maalintii is-raaciina waxa dhacay in aan wax qaybsi ah oo ay Somaliland iyo Soomaaliya qaybsadeen aanu jirin, haddii ay tahay mansabyadii dawlada ee jiray, haday madaxweyne tahay, haday raysal wasaare tahay, haday saraakiil kale tahay iyo nooc kasta oo ay tahayba, wax Alla wax Somaliland loogu talo galay meeshaa kama ay muuqan, Soomaaliya ayaa isku taxday”.

 

Sidoo kale madaxwayne Siilaanyo waxa uu sheegay in aanay beesha caalamka gaar ahaana dawlada Britian aanay raali ka ahayn in Somaliland ay Soamaaliya ku biirto ka dib markii ay Somaliland xornimadeeda qaadatay 1960-kii isla markaana ay dawlada Ingiriisku kula talisay in marka hore la wada hadlo bal se ay arrintaasi Somaliland ku gacan saydhay oo ay si bilaa shuruud ah calankeedii u gaysay koonfurta Soomaaliya. “Dunidii markaa jirtay raali kamay wada ahayn in la isku biiro, laakiin himilo umadda Soomaaliyeed mar walba ay hiigsanaysay ayay ahayd, waxaan xasuusanaa markii Ingiriisku ina siinayay madaxbanaanideena wuxuu ku taliyay in aan marka hore iska hubsano oo marka hore la wada hadlo, inaguna xamaasadii ina haysay ayaynu nidhi wax alla wax loo fiirsanayaa ma jirto ee waa lagu shubayaa, waan ku shubnay wixii inaga qabsadayna waynu ogayn, markaa waxaan leeyahay maanta xoriyadeedii waan la soo noqonay, dagaal ayaanan kula soo noqonay, madaxbanaani ayaynu haysanaa, cidna ugu habran mayno” ayuu yidhi madaxwayne Siilaanyo.

 

Dhinaca kale Axmed Siilaanyo ayaa kula dar-daarmay umada reer Somaliland in aanay ka daalayn gooni isku taaga iyo raadinta ictiraafka isla markaana dunida ay Somaliland la macaamishaa ay mar uun garwaaqsan doonaan gooni isku taaga Somaliland. Waxaanu yidhi “Waxaan rejaynayaa dunida inala macaamishaana qadiyadeena maalinba maalinta ka danbaysa way sii fahmi mayaan, waanay sii ogaan doontaa, inaguna ka hadhi mayno, ictiraafkuna wuu iman doonaa wakhti kasta haynagu qaatee”.

 

Madaxwayne Axmed Maxamed Maxamuud (siilaanyo), ayaa umada Somaliland meel kasta oo ay joogaanba ugu hanbalyeeyay dabaal dega xuska munaasibada 26-ka June, 53 guurada ka soo wareegtay markii ay Somaliland madaxbanaanideeda ka qaadatay maxmiyadii Ingiriiska sanadkii 1960.“Dadweynaha reer Somaliland ee halkan iskugu yimid iyo inta dibada joogta, waxaan idinku salaamayaa salaanta islaamka, xafladan aan u dabaal degayno ee 26-ka June 1960 markii aynu xoriyadeena ka qaadanay isticmaarkii Ingiriiska. umada reer Somaliland waxaan leeyahay meel kasta oo ay joogaanba hanbalyo, hanbalyo” ayuu yidhi Md. siilaanyo.

 

Munaasibadan lagu xusayay 53-guurada ka soo wareegtay markii ay Somaliland madaxbanaanideeda ka qaadatay gumaystihii Ingiriiska 26-kii bishii June sanadkii 1960-kii ee xalay lagu qabtay xarunta madaxtooyada Somaliland, waxa ka soo qaybgalay madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (siilaanyo), marwada koowaad ee madaxweynaha Aamina Sh. Maxamed Jirde (Aamina Weris) madaxweyne ku xigeenka C/raxmaan C/laahi Ismaaciil (Saylici) shirguddoonka labada gole ee guurtida iyo wakiilada,  hogaamiyayaasha axsaabta, xubno ka mid ah golaha wasiirada iyo xildhibaano ka tirsan baarlamaanka.

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *