Hargeysa(ANN)- Xarunta Wadahadalka iyo dumuqraadiyada ayaa markii labaad soo saartay daraasad lagu saadaalinayo natiijada codbixinta doorashada madaxtooyada Somaliland ee maanta cod bxinteedu ka socotay

 

gebi ahaanba gobolada iyo degmooyinka Somaliland.

 

 

Daraasada ay xaruntu soo saartay oo ah tii labaad ee todobaadkan gudihiisa ayaa kusoo beegantay iyadoo ay cod bixinta doorashada ka hadhan tahay wax ka yar Afar iyo labaatan saacadood.

Waxayna daraasadaa ay xaruntu ku saadaalinay oo qaab cilmiyaysan  loogu shaxayay garaaf, isla markaana lagu muujiyay dadkii la waraystay iyo natiijada kasoo baxday oo shbekada Araweelo loo soo diray  u qornayd sida;-

“Xarunta CfDD ayaa samaysay saadaashii labaad ee la xidhiidha doorashada Somaliland ee dhici doonta 26ka bishan Juun 2010. Waxaa xog ururintan ka qaybgalay xubno aqoonyahano ah iyo qaar ka mid ah ardayda Jaamacadaha Somaliland. Codbixintan waxa la qaaday saddexdii cisho ee ugu danbaysay ololaha doorashada ee saddexda xisbi u kala lahaayeen – 21/22/23kii Juun 2010.

 

Habkii loo maray hawshan:

Si la mid sidii rayi ururintii hore ayaa tanna loo galay saddex qaybood. Qaybta hore waxaa dadka wax lagu waydiiyay tiiyoo la isticmaalayo telefoon, qaybta labaad waxa lagu waydiiyay tiiyoo la isticmaalayo habka emailka ee fariimaha la iskugu gudbiyo, halka qaybta saddexaadna ay ahayd waraysi toos ah. Dadka la waraystay waxay ka koobnaayeen dhamaan qaybaha kale duwan ee bulshada iyo heerarkeeda kala duwan. Saadaashan danbe dadka la  waraystay waxa ku jira dadweyne ku sugan tuulooyinka qaarkood iyo degmooyinka waaweyn oo dhan. Dadka la waraystay da’doodu waxay u dhaxaysay 17sano ilaa 83sano waxaanay ka koobnaayeen rag iyo dumarba.

 

Natiijadii soo baxday.

Isku gayn 750 qof ayaa ka qaybgalay rayi ururintan. Taas oo ka badan tiradii qaybtii hore ee sahaminta ka qaybgashayhore ee markii hore la waydiiyay suaalaha. 420 qof  oo uu dhigma 56 waxay ahaayeen rag halka 330 qof una dhigma 44% ay ahaayeen dumar  Dhinaca da’da 205ka mid ah una dhigma 27% waxay ka yaraayeen 25sano. 330 qof una dhigma 44% waxay da’doodu u dhaxaysay 25-45sano. Halka 215 qof una dhigma 28% ay da’doodu ka waynayd 45sano.

 

Dhinaca aqoonta 285 qof oo ka mid ah dadka la waraystay una dhigma 38% may galin iskuul ama may gaadhin dugsi sare. 308 qof una dhigma 41% ayaa heerka aqoontoodu gaadhsiisnaa ilaa dugsi sare. Halka 157 qof oo ka mid ah dadka hawshan ka qaybgalay una dhigma 21%ay aqoontoodu gaadhsiisnayd ilaa heer jaamacadeed.

 

Dhinaca codbixinta:

357 qof oo u dhigma 48% ayaa sheegay inay codkooda siinayaan xisbiga mucaaridka ah ee KULMIYE. 208 qof una dhigma 27% ayaa sheegeay inay codkooda siin doonaan xisbiga xukuumiga ah ee UDUB, halka 185 qof una dhigma 25%  ay ka sheegeen inay codkooda siin doonaan xisbiga mucaaridka ah ee UCID, “

 

Ka eeg shaxdan sida dadweynaha goboladu u kala dhiibteen ra’yigooda.

 

Sidoo kale 280 qof una dhigma 37% ayaa sheegay inay xisbiga ay codka siinayaan ku doorteen barnaamijkiisa siyaasadeed. 216 qof una dhigma 29% ayaa sheegay inay ku doorteen xisbiga ay codka siinayaan khibradda musharixiintiisa. 34 qof una dhigma 31% ayaa iyaguna sheegay inay ku doorteen xisbiga ay codka siinayaan si uu isbeddel u dhaco. Halka 21 qof una dhigma 3% ay sheegeen inay xisbiga ay u codaynayaan ku doorteen qabyaalad.

 

Dhinace kale 457 qof oo ka mid ah dadka la waraystay una dhigma 61%  ayaa sheegay inay jecel yihiin in xisbiga ay u codaynayaan soo dhiso xukuumad kooban oo tayo leh, tiro ahaana aan ka badnay 14 wasiir iyo wasaaradood aan laguna salayn qabiil qaybsiga wasaaradahan. 225 qof una dhigma 30% ayaa iyagu sheegay inay jecelyihiin xukuumad ka kooban 14-30 wasiir iyo wasaaradood lana tixgeliyo in qabaa’ilku ka wada dhex muuqdaan laakiin tayada aan laga tagin. Halka 68 qof una dhigma 9% sheegeen inay rabaan xukuumad ka badan 32 wasiir/wasaaradood isla markaana lagu saleeyo hab-qaybsiga beelaha si la iskaga wada dhex arko.

 

Dhinaca saxnimada natiijada codbixintan waxay aqoonyahanadi ku darsadeen in 5% ay noqon karto mid ku darsanta ama ka dhimanta wadarta guud ee natiijada soo baxday.

 

Gabagabo:

Saadaashan iyo tii ka horreysay ee ay xaruntani soo bandhigtay waxay soo saareen tirooyin isku dhaw. Xisbiga KULMIYE ayaa labada tirakooba ugu horreeya. Wuxuuna tan ka hormaray saadaashii ka horeysay hal dhibic. Xisbiga UCID oo markii hore ku jiray kaalinta labaad ayaa haatan noqday ka saddexaad inkasta oo ay aad iskugu dhowyihiin xisbul xaakimka UDUB.

Guud ahaan dadka ka qaybgalay r’ayi ururintan oo laga tilmaan qaadan karo inay dhinac walba ka meteli karaan bulshada Somaliland, waxay bannaanka soo dhigeen laba qodob oo muhiim.

 

v   In xisbiga haysta taageerada ugu badan ee dadweynaha Somaliland inuu yahay KULMIYE kaasi oo ay u badan tahay inuu ku guulaysto doorashadan codod badan.

v   Fariinta labaad ee muhiimka ah ee ka soo baxday dadweynaha ayaa ah, in ay dadku u ooman yihiin dawlad kooban oo tayo leh kana duwan kuwan haatan jira ee nidaamka reeraha u dhisan.

 

Waxaanu mar labaad ku adkaynaynaa inay dadweynaha Somaliland codkooda u dhiibtaan si nabadgelyo ah, iyagoo ka faa’iidaysanaya awoodda uu dastuurku u siiyay inay coddeeyaan doortaana xisbiga ay iyagu u arkaan inuu wado danta dalka iyo dadka.

 

Waxaanu u mahadnaqaynaa dhamaan intii nagala qaybgashay hawshan iyo intii wakhtigooda qaaliga ah u hurtay inay noo dhamaystiraan su’aalaha aanu waydiinay.

 

Waxaanu idiin rajaynaynaa dhamaan doorasho nabadgelyo inoogu dhacda.”.

 

 

By,  Carraale  M. Jama  Freelance Journalist and Human Rights Activist 

Araweelonews Hargeysa Office                  

E-mail; Info@araweelonews.com/ jaamac132@gmail.com/ shalcaw2@hotmail.com

 

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *