Hargeysa (ANN)-Goobaha codbixinta ee degmooyinka iyo gebolada dalka ayaa gebi ahaanba albaabada loo xidhay xiligii loo qorsheeyay ee makhribkii caawa. Ka dib markii ay codbixinta oo ilaa saaka socotay

 

ku dhamaatay si nabadgelyo ah, marka laga reebo arbush ka dhacay deegaanka kala Baydh ee koonfur hawd kaga beegan magaalada Laascaanood, halkaas oo koox dablay ahi jidgooyo u galeen mid ka mid ah gaadiidka ay saarnaayeen sanaaduuq ilaa saddex ah iyo hawlwadeenadii komishanka ee goobahaa.

 

 

 

 

 

 

Sidoo kale ilaa sideed goobood oo ka tirsan Buuhoodle ayaanay ka dhcin maanta codbixintu. Sida uu xaqiijiyay gudoomiyaha gudida doorashada ayaa xaqiijiyay in goobaha gobolka Sool oo ahaa  90 goobood aanay 21 goobood keliya ka dhcin. Balse gobolada iyo degmooyinka kale ee dalka oo dhan ayay maanta si nabadgelyo ah uga dhacday codbixinta doorashada madaxtooyada Somaliland

  

 

 

Hawlwadeenada komishanka ee maamulayay goobaha ayaa si deg deg ah u bilaabay tirinta codadka, markii ay dhamaatay codbixintii ilaa saaka subaxnimadii ay dadku u taagnaayeen safafka dhaadheer. Weriyayaal ka socday Shebekada araweelo news oo kormeer ku marayay ilaa subaxnimadii goobo badan oo jihooyinka kala duwan ee  magaalada Hargeysa ah ayaa galabnimadii kormeerkooda kusoo gebagebeeyay goobo ka mid ah xaafada New Hargeysa.

 

 

 

Waxayna halkaa kula kulmeen gudoomiyayaasha goobaha A1 A2 ee sheekh Yusuf, waxayna hawlwadeenadu u sheegeen inay codbixintii si fiican ugu dhacday, isla markaana aanay la kulmin wax mushkilad ah, wixii hada ka danbeeyana ay bilaabayaan tirinta cododka.

Weriyayaasha ka socday  shebekada araweelo ayaa lagu war geliyay inay jiraan goobo muran ka taagnyahay xiligii la xidhayay,  kuwaas oo ahaa laba ilaa saddex goobood oo ku yaala xaafada news hargeysa sida goobta ku taalay Dugsiga Rays ee dhinaca Koonfur ka xiga saldhiga News hargeysa iyo laba goobood oo kale oo ku yaala xaafada Daami. Laakiin gudoomiyaha waaxda gacan libaax ee komishanka ayaa u sheegay Araweelo news in markii xiligii xidhitaanka loo baqay saddexdaa goobood ay komishanka qaranka ka dalbadeen in loo diro ciidan xoojiya, taas oo markiiba laga aqbalay, “hada waxa keliya ee aanu sugaynaa in lasoo xereeyo sanaaduuqda, wayna dhamaatay cabsidii goobahaa laga qabay.” Ayuu yidhi gudoomiyaha gacan Libaax Mr, Aadan.

Subaxnimadii hore waxa la arkayay safafka dhaadheer ee goobaha codbixinta magaalada Hargeysa, balse waxay inta badan duhurkii ilaa casarkii qaar badan oo ka mid ah goobahaasi aad u yaraadeen safafkii dhaadheeraa, taas oo keentay inay goobo badan codbixintii dhamaato ka hor inta aan la gaadhin xiligii komishanka qaranku u qorsheeyeen.

 

 

 

Goobaha saaka sida weyndadka indhohoodu u qabanayeen waxa ka mid ahaa goobta Khayriyada oo laga dhigay markii kumanaan qof safaf dhaadheer dhinacwalba ka soo galeen  ilaa 11 goobood, taas oo yaraysay saxmadii ka jirtay halkaa, waxaana jiray inay goobaha dadka qaarkood is maamulayeen iyagoo danaynaya codbixintan oo si weyn loo dareemayay inay dadku usoo baxeen marka loo eego doorashooyinkii hore ee dalka.

 

 

 

 

 

Sidoo kale waxa jiray sida ay dadku u ixtiraameen awaamiirta komishanka qaranka, iyadoo aanay jirun gaadiid soconayay marka laga reebo tiro kooban oo sidata waraaqaha dhaqdhaqaaqa, waxyaabaha muujinayay inay dadku danaynayaan doorashada iyo codbixinta maanta, marka laga yimaado sida ay cadceeda iyo kayuuga u xamileen, waxa  kale oo loo soo qaadan karaa masaafada ay dadka qaarkood u lugaynayeen si ay codkooda uga soo bixiyaan goobta ay hore isaga diiwaan geliyeen. “Waxanu u nimi halkan inaanu codayno, waxaanu soo baxnay saaka oo aanu gurayahayagii kasoo lugaynay, waana ku faraxsanahay inaanu codkayagii si nabadgelyo ah u dhiibano” sidaa waxa yidhi laba hablood oo ka tegey xaafada Jigjiga yare e mhagaalada hargeysa oo aan kula kulanay kaantaroolka Buurta kala jeexan ee maagalada Hargeysa oo qiyaastii 10kmt u jira magaalada oo ay ka codaynayeen mudadii aanu ku jiray kormeerka.

Maaha kuwaa oo keliya ee waxa jiray qaybo badan oo ka mid ah dadka xaafadaha magaalada oo meelo durugsan oo ka fog guryohooha ka soo codeeyay, “waxan deganahay sheedaha, waxaana xalay saqdhii dhexe imi khayriyada magaalada hargeysa oo aan ku qornaa waana soo codeeyay illaahay mahadii inkasta oo aan maanta oo dhan taagnaa waadigaa arka waxaan socdaa duhur, Basna ma jiro ee waan iska lugaynayna.” Sidaa waxa iyana tidhi haweenay markaa kasoo baxday goobta ay ku qornayd inay codkeeda ka dhiibato.  

 

Dhinaca kale gebi ahaanba gobolada iyo degmooyinka dalka ayaa sidaa oo kale caawa fiidkii lasoo gabagebeeyay codbixintii. Kadib markii ay socotay ilaa subaxnimadii hore ee saaka, iyadoo ay hawlwadeenada komishanka ee goobahu ku hawlan yihiin tirinta codadka si loogu wareejiyo xarumaha komishanka ee degmooyinka iyo  gobolada dalka, isla markaana natiijada ay komishanka qaranku usoo saaran todobaad gudihii.

Haseyeeshee Afhayeenka Komishanka qaranka Md. Maxamed Axmed Xirsi (Geelle),oo caawa caweyskii saxaafada la hadlay ayaa xaqiijiyay in lasoo gebagebeeyay hawshii codbixinta goobaha dalka oo dhan, balse waxa uu cabasho ka muujiyay xisbiyada oo sida uu sheegay faragelin ku samaynaya tirinta codadka, wuxuuna isagoo arrintaa ka hadlaya yidhi  “Xisbiyada qaar ayaa goobuhu ay ka soo cowdeen inay culays badan ku hayaan, waxaan xisbiyada ka codsanaynaa inay joojiyaan culayska ay ku hayaan goobaha codbixinta doorashada ee wali sii shaqaynaya ee imika la soo gabo gebogebeynayo,” sidaa waxa yidhi Afhayeenka Komishanka Md. Maxamed Axmed Xirsi (Geelle), oo caawa ku dhawaaqay in gebi ahaanba dalka Somaliland ay si rasmiya uga soo gebogebowdey Codbixinta Doorashada Madaxtooyadda ee looga daareeray maanta gebi ahaan dalka oo dhan.

 

Wuxuuna intaa ku daray oo uu u mahad celiyay  dadweynaha, isagoo yidhi,   “Waxaan ugu mahad celinayaa shacbiga Somaliland ee nabadgelyada jecel ee sida fiican u coddeeyay nidaamkana u ilaalinayay, waxa kale oo aan u mahad celinaynaa Hawl wadeenada Komishanka ee u dulqaadanayay culayska illaa maanta ku dhacayay.”

Afhayeenku waxa uu saxaafadda Somaliland usoo jeediyay  inay ka feejignaadaan qaybinta natiijooyin mala-awaala oo ay umadda u gudbiyaan inta aanay soo saarin natiijada codbixinta, isago arrimahaa ka hadlayana waxa uu yidhi “Waxa kale, oo aan sheegaynaa maadaama oo waxa kaliya ee la filaa ay tahay natiijadii in Waxaanu ka dardaaraynaa Saxaafadda inaanayy bixin waraaq malo awaal ah oo ay natiijada doorashada cida ku horaysa kaga hadlayaan.”

 

By,  Carraale  M. Jama  Freelance Journalist and Human Rights Activist 

Araweelonews Hargeysa Office                  

E-mail; Info@araweelonews.com/ jaamac132@gmail.com/ shalcaw2@hotmail.com

 

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *