Hargeysa (ANN) Guddoomiyaha Xisbiga  mucaaradka ah KULMIYE ee  Musharaxa  Jagada  Madaxweynaha  xisbigaa Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa shacabka Reer Somaliland uggu baaqay

 

 

 

 inay si nabadgelyo ah uga qaybqaataan hawsha codaynta doorashada madaxtooyadda ee maalinta berito ah looga dareerayo guud ahaan gobollada Somaliland.

 

 

 

 

 

Axmed Siilaanyo, oo maanta shir jaraa’id ku qabtay aqalkiisa, ayaa shacabka Somaliland ugu baaqay inay si xilkasnimmo ah uga qaybqaataan codaynta, isagoo dhanka kalena ciidammada u soo jeediyey inay dhex ka ahaadaan hawsha loo igmaday.

Axmed Siilaanyo oo ugu horeyn Hambalyo u direy Shacbi weynaha Reer Somaliland, ayaa hadalkiisu waxa uu u dhignaa sidan,

 “Waxaan shirkan jaraa’id aan isugu kiin yeedhay inaan Ummada Reer Somaliland ee berito u dareeraysa Doorashadii inaan u diro Hambalyo oo aynu Rajeyno in Ilaahey ka dhigo doorashadeenan mid si Nabadgalyo ah inoogu dhamaata  oo aynu kuligeen iswada hareero taagno Ciidamada Nabadgalyada, kuwaas oo aynu ka dalbaneyno anaga oo la wada shaqeyneyna iney dhex ahadaan Doorashadana ay waajibka ka saaran ay sidaa uga soo baxaan,  Ummadda waxaan u rajeynayaa qaran ahaan weynu ogeyn intii aynu u soo halgameyney,intii aynu dhibaato u soo marney,intii aynu khilaaf u soo marney,intii aynu sugayney,intii aynu mudahaaraad u soo marney Dhibaato walibana inaga soo gaadhey si aynu u hirgalino Dimuquraadiyadeena waajibkaa ina saaran qof waloba waa inaad si xilkasnimo leh ula soo baxdaa.

 

Anagu hadaanu nahay Xisbiga KULMIYE  musharixii Madaxweynaha aan ahay Waxaan Ummadda u ballanqaadayaa in Wixii ka Soo baxa Doorashadaa aan u hogaansamayo sida Waajibka iyo Sharcigu yahay Dimuquraadiyaduna ay noqoto mid dadkeena iyo dalkeena meel fiican gaadhsiisa.

 

Markaas sidaa daraadeed ayaan jecelahay inaan mar kale ku celiyo ineynu kuligeen Madax iyo Shacbiba si xilkasnimo leh ugu dareerno Doorashada ulana shaqeyno Ciidanka Nabadgelyada iyaguna ay dhex ahaadaan oo ay shacbiga dhawraan”.

 

Intaa ka dib, waxa musharaxa  la weydiiyey dhawr su’aalood. oo ku saabsan hawsha doorashada iyo arrimo kale, waxayna su’aalaha iyo  jawaabii uu ka bixiyay u dhaceen sidan;-

 

S:Guddoomiye hadaan ku weydiiyo su’aasheyda iigu horeysa Waxaa laga soo gudbey  21 maalmood oo Olole socdey isla markaana waxaad soo martey Gobolada intooda badan xaaladihii aad ku soo martey Deegaamadii aad soo marteen ma noo sheegi kartaa ?

 

J:Deegaamadii aan u soo mareney waxaanu marwalbana ku arkayney marka ugu horeysa Dad aad iyo aad ugu baahan isbadel  dhinac kasta oo laga eego In baahiyihiisii aasaasiga ahaa aan waxba laga qaban waxaaney ahaayeen dad u jeelan Dimuquraadiyad,dad u jeelan in wax loo qabto,dad doonaya inuu isbadel yimaado,dad u jeelan dawlad xaq iyo cadaalad lagu maamulo oo waxqabad dhab ah dadka iyo dalakaba u qabata ayaanu ku soo arageney.

 

S: Guddoomiye Madaxweynuhu wuxuu ka dhawaajiyey wasiiro iska casiley Xukumadiisa iney ka danbeeyaan dad Ganacsato ah  Arrintaasi Maxaad ka leedahay?

 

J: Horta Wasiirada is Casiley Wasiiradiisiibey ahayeen intii horana wasiiradiisii bey ahaayeen  intii danbana wixii shacbigu arkeen ayey Wasiiradiisuna arkeen,dadkani waxey arken iney UDUB u dhamaatey,in nidaamkii daahir Rayaale u dhamaatey markaa Ganacsatana kama danbeyso iyagaa kuligood iska ka tagey markaa maaha inuu ganacsato saaro  eeda

 

S: Waxaa jirta markan aad ka hadleyso isbadel ka Xisbi ahaan Waddanka waa la ogyahay Dadka,Nolosha ,Caafimaadka,Waxbarashada Dhibaatooyin fara badan ayaa waddanka ka jira Isbadel Markaad Dooneysaana waxaa loo baahan yahay inaad Arrimahaas  oo dhan in aad wax ka qabataan bal Awooda hadaad talada dalka ku guuleysataan aad wax ka ka qabaneysaan mudada intaa leeg in shan sanno oo kaliya lagaga saari karo duruufahaas?

 

J: Xilka aanu qabaaneyno waxaanu ku caddeyney Barnaamijkayaga,waana laga yabaa baahiyaha Ummadda oo qudha in aan muddo qudha lagu wada qaban  laakiin wax waliba waxey leeyihiin bilow kala mudnaanbey leeyihiin Ahmiyadu waxaa weeyaan in aan Ummadda wax laga dhicinee Maalin walba wax loo kordhiyo maalin walba wax laga qabto dariiqaa cad baanu mareynaa baahiyahaa jirana ee la wada arkayana  ee wada muuqdana aanu ka war hayno shacbiguna ka war qabo sidaanu wax uga qaban laheyn waxaanaanu ku dadaaleynaa inaanu isbadelka dhabta ah ee loo baahan yahay aanu keeno

 

S: Madaxda ugu badan ee ka soo baxda Axsaabta kale waxey intooda badan ku soo biiraan Xisbiga KULMIYE sideed u aragtaa Arrintaa Gudoomiye Adigu ?

 

J:  Horta midi wey iska muuqtaayoo dadka ku soo biiraya Xisbiga KULMIYE  calaamad bey u tahay in meesha ay arkayaan  oo ay is leeyihiin guushu wey ku jirtaa  in ay tahay Xisbiga KULMIYE dadka is leh Ummada aad wax u qabataan ee aayaha ummadda ka talinayana ay is leeyihiin danta shacbigu waxey ku jirtaa Xisbiga KULMIYE oo ay codkooda ugu deeqayaan koleyna taasi waxey calaamad u tahay shacbiga somaliland in Xisbiga KULMIYE kalsooni ka haysto Shacbiga  ummaduna ay fileyso in Xisbiga Guuleysnayaa yahay Xisbiga KULMIYE.

 

By,  Carraale  M. Jama  Freelance Journalist and Human Rights Activist 

Araweelonews Hargeysa Office                  

E-mail; Info@araweelonews.com/ jaamac132@gmail.com/ shalcaw2@hotmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *