Telesom xarunta Zaad1Hargeysa(Araweelo News Network) Xarunta Xafiisyadda Shirkadda Isgaadhsiinta  Telesom ee laga maamulo adeegyada Lacagaha Zaad iyo isgaadhsiinta  ee ku taal badhtamaha Suuqa Magaaladda Hargeysa ayaa dab qabsaday galabta casarkii, iyadoo ay

xiliggaa ka socdaan hawlaha iyo adeegyada xafiisyadaa oo inta badsan saxmad ah.

 

Gaadiidka dabdamiska ayaa durbadii soo gaadhay goobta, iyadoo ay kusoo urureen boqolaal qof, waxaana lagu guulaystay in la baqtiiyo dabkaa , dad goob joog ah ayaa u sheegay weriye ka socday shebekkadda wararka ee Arraweelo.com in ay arkeen qiiq ka baxay mid ka mid ah xadhkaha Laydha ee mara dhismaha hortiisa.

Dabdamiska1Ma jiro war rasmi ah oo ay shirkadda Telesom  kasoo saartay khasaaraha ka dhashay dabkaa iyo sababta keentay, balse Sarkaal ka tirsan Shirkadda Telesom oo ka gaabsaday in magaciisa la sheego ayaa sheegay in aanu jirin khasaare ka dhashay dabkaa oo ay markiiba gurmad ka heleen Dawlada Hoose ee Hargeysa, iyadoo uu goobta yimi Gaadhiga Dabdamiska iyo dadweynaha oo usoo gurmaday sidaana lagu hakiyay dabkii inuu u gudbo gudaha dhismaha xafiisyadda  xaruntaa.
Dabka ayaa la rumaysan yahay inuu ka dhashay xadhkaha khatarta badan ee Telefoonada iyo laydhka sugadhan shaaracyada iyo xaafadaha magaalada, kuwaas oo khatar weyn  iyo cabsi ku haya bulshada.

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *