bre1Berbera(Araweelo News Network) Gaadhi Ambalaas  ah oo ay lahayd Wasaaradda Caafimaadka Somaliland ee Gobolka Sanaag ayaa Ciidamada Amaanku xidheen dhawr  todobaad ka hor. Kadib markii Gaadhigaa oo

 

sita Gt /Lambar 1144, laga qabtay Magaaladda Sheekh, isla markaana la geeyay Saldhiga Booliska ee Magaaladda Berbera.
Sarkaal ka tirsan Ciidanka Amaanka oo ka gaabsaday in magaciisa la xuso ayaa u sheegay Weriye ka tirsan Shebekadda wararka ee Arraweelo.com  in gaadhiga sita Taarikada 1144 ay Ciidanka Boolisku u qabteen sababo la xidhiidha dhinaca Amaanka. Kadib markii xiligii lagu jiray diyaargarawga munaasinada 22 guuradda  18 May  la helay warar sheegaya in la xaday  Taariko lambarada gaadiidka dawlada ee GT, kuwaas  oo tiradooda lagu sheegay inta u dhaxaysa 12- 13 gaadhi Lambaradooda, isla markaana looga cabsi qabay in falal ka dhan ah amaanka loo adeegsado maalmaha munaasibada 18 May, ama xiliyo kale.

Taliyaha Booliska Somaliland oo Weriyiha shebekadda wararka ee Arraweelo.com  isku deyey inuu wax ka weydiiyo ayaanay u suurta gelin. Kadib markii uu marar badan  oo  lagula xidhiidhay khadka Telefoonka jawaab ka bixin waayay si arrimahaa wax looga weydiiyo.

Hase yeeshee  sida uu xusay Sarkaalka ka tirsan ciidanka Amaanku  gaadhigaa Ambalaaska Gobolka Sanaag ayaa  ka mid ahaa gaadiidka Lambaradooda lagu siiyay saldhigyada iyo Kaantaroolada Taarka, waxaana  laga qabtay Degmada Sheekh mudo hada lag joogo laba todobaad horaantii Bisha May, balse markii gaadhigaa oo usii jeedey dhinaca Magaaladda Ceergaabo ee xarunta Gobolka Sanaag la geeyay Saldhiga Berbera waxa  gudaha la dhigay gaadhiga iyo dareewalkii watay oo keliya, iyadoo markaa ka dib lagu sameeyay baadhitaan, taas oo lagu oggaaday shixnad  Khamri ah oo laga helay gaadhiga.

“Booliska waxa amar lagu siiyay lambarada gaadiidka la doonayo in la qabto, balse lama cadayn in Lambaradu yihiin kuwo la xaday iyo inay yihiin kuwo ku xidhan gaadiidkii sitay Taarikada lamaradaa, waxayna Ciidanku iyagoo gudanaya waajibaadkooda qabteen Gaadhigaa oo ka mid ahaa kuwa Taarka lagu siiyay, laakiin markii gaadhiga la geeyay saldhiga waxa baadhitaan kadib laga helay shixnad Khamri ah, taas oo aan ahayn ujeedada loo xidhay markii hore.” ayuu yidhi Sarkaalka Ciidanka Amaanka ka tirsan ee ka gaabsaday in la xuso magaciisa.

Dhinaca kale Wasaaradda Caafiimaadka ayaan ka hadlin dhacdadaa iyo sababta Gaadhiga Ambalaaska ee ka tirsan gaadiidkooda iyo dareewalkii waday weli u xidhan yihiin, “waxa keliya oo aanu ognahay in gaadhigaa la qabtay  oo la xidhay isaga iyo dareewalkii  ku qornaa, isla markaana Khamri laga helay markii la geeyay Saldhiga, waxaana hadda hawsha gaadhiga iyo sidii loo soo deyn lahaa ku jira Agaasimaha wasaaradda Caafimaadka.” Sidaana waxa Weriyaha  ka socday Shebekadda wararka ee Arraweelo.com oo arrintaa daba socday u sheegay Sarkaal ka tirsan wasaaradda Caafimaadka oo ka gaabsaday in magaciisa la xuso.
Lama ogga ilaa hada inay Ciidanka Amaanku qabteen gaadiidka kale ee la raadinayay oo gaadhiga Ambalaaska gobolka Sanaag ka mid ahaa, sidoo kale ma cada in gaadiidka dhawr iyo tobanka ah ee la raadinayay laga xaday Lambarada iyo in Taarikadooda loo adeegsaday qaab Foojari ah, balse gaadhiga ay leedahay wasaaradda Caafimaadka ee la qabtay ayaa ujeedada loo qabtay markii hore la xidhiidhay arrimo dhinaca amaanka ah, balse waxa markii danbe soo baxay fadeexad kale kadib markii baadhitaan lagu sameeyay lagu ogaaday in gaadhigu sido shixnad Khamri ah.

Sidoo kale gaadiidka Lambaradooda lagu war geliyay Ciidanka Amaanka wax aka mid ahaa Taariko Lambar ay leedahay Wasaaradda Caafimaadku, kaas oo  sida ay sheegayaan wararka la xidhiidha arrimahaasi sheegayaan ku xidhnaa Gaadhi Bus Caasi ah oo ay wasaaraddu lahayd, iyadoo aan la ogayn in la xaday lambarkaa iyo inuu sidan oo kale ku xidhan yahay gaadhigii sitay.

Si kastaba ha ahaatee waxay dhacdadani fadeexad iyo ceeb  ku tahay wasaaradda caafimaadka iyo xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo in gaadiidkii dawlada ee la doonayay in loogu addeego bulshada loo adeegsado inay daabulaan shixnado Khamri ah,  iyadoo dadkii maanatada ahaa ee loogu addeegi lahaa sida Haweenka iyo dhalaanka ay dayacan yihiin.
Xigasho:  www.arraweelo.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *