Xukuumadda Somaliland ayaa heshiisyo dhinaca Shidaalka ah la gashay ashkhaas iyo shirkado xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo ku  tilmaamay inay yihiin kuwo soo saaraya shidaalka dalka oo mudo ka badan Nus qarni Bulshadu ku taamaysay

inay mar uun rumawdo riyooyinka iyo sheekeeyinka la xidhiidha khayraadka dihin iyo shidaalka ee geyiga Somaliland.

Hase yeeshee dhowaan ayaa lagu war helay dhaq-dhaqaaqyo ay xukuumaddu ku sheegtay inay yihiin shirkaddo shidaal sahamin ka bilaabaya dalka, kuwaas oo muran iyo xiisado ka horyimaadeen kadib markii saluug weyn dadka deegaanku ka muujiyeen qaabka loo maamulay qandaraasyada dhinaca shirkaddaha shidaalka ee la doonayay inay deegaamada Bariga ka bilaabaan hawshaa sahaminta shidaalka.

Dareenka iyo saluuga ka dhashay qandaraasyada shirkaddaha shidaalka ayaa sii xoojiyay calaamatu su’aal saarnayd nooca ay yihiin heshiisyada lala galay shirkadaha doonaya inay Somaliland ka bilaabaan hawlaha shidaalka, kuwaas oo aan heshiisyadooda la geyn golaha wakiiladda ee dastuueku awooda u siiyay inay maraan heshiisyada noocaa ah ee ay xukuumaddu gasho.

Sidoo kale hawlaha dhinaca shidaalka iyo maalgashiga ayaan weli la hayn  wadiiqooyinkii dhinaca sharciga ee loo baahnaa ka hor in la sameeyo, iyadoo aanu jirin xeerka Maalgashiga dalka oo si cad u tilmaami lahaa wax badan oo mad-madaw iyo muran siyaasadeed abuuray, isla markaana lagu iftiimin lahaa sida loo wadaagayo khayraadka dalka.

Balse dhamaan wadooyinka sharciga iyo tilmaamaha dastuurka ee waajibka ku ah xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo waxay u aragtay in aan loo baahnayn, iyadoo Madaxweyne Siilaanyo khilaafka iyo cabashooyinkaka dhashay arrimaha shidaalka ee bulshada deegaanku kaga hadashay in la waafajiyo cadaaladda qandaraasyada shidaalka kaga jawaabay wareegto kasoo baxday xafiiskiisa, taas oo la doonayay inay bedesho xeerkii maalgashiga iyo in golaha wakiiladda ay xukuumaddu u gudbiso heshiisyada ay la gashay shirkaddaha shidaalka.

La soco qaybo kale
By, Carraale M. Jama Freelance Journalist and Human rights Activist.
E-mail Jaamac132@gmail.com
www.arraweelo.com
www.araweelonews.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *