Gebilay(ANN)Xaruntii Maamulka Gobolka Gabiley oo ahaa fooq laba daqab ah oo dad shacab ahi laahayeen, ayaa shalay albaabada loo laabay, kadib markii maamulka gobolka muddo toban bilood ah kiradii guriga iska bixin waayeen, balse markii waanwaan lagaga galay arrintaas ayaa dib loo furay

xarunta.
Guddoomiye-ku-xigeenka Gobolka Gabiley, isla markaana ah ku-simaha Guddoomiyaha Mr. Cali Cabdi Cabdillaahi (Cali Case) iyo Guddoomiyihii xilka laga qaaday Mr. Rashiid Cumar Sheekh oo Jamhuuriya xalay la xidhiidhay si arrintan wax looga weydiiyo, ayaanay noo suurtogelin telefoonadooda gacanta oo xidhnaa awgeed, hasayeeshee sida weriyaha Jamhuuriya ee Gabiley ku soo waramay, galinkii hore ee shalay, ayaa albaabada loo laabay xarunta maamulka Gobolka Gabiley oo ahaa dhisme dad shacab ahi leeyihiin, iyada oo aanay wax kiro ah bixin mudadii ay xilka hayeen maamulka cusub ee madaxweyne Siilaanyo soo magacaabay xilka hayey.
Sida xalay lagu faafiyey shabakadda wararka Gabileynews, waxa xafiiska maamulka Gobolka Gabiley lagu yeeshay lacag gaadhaysa ilaa $4,000 doollar oo ah kiradii xafiiska maamulka muddo 10 bilood ah, iyada oo arrintana dhacday, kadib markii dadkii guriga iska lahaa ay maqleen in xilkii laga qaaday Guddoomiyihii Gobolka Mr. Rashiid Cumar Sheekh, isla markaana ay wax lacag ah ka waayeen maamulka Goboblka Gabiley. Waxayn arrintaasi sababtay in quful lagu jabiyo xarunta maamulka Gobolka Gabiley.
Dhismaha xarunta u ah maamulka Gobolka Gabiley oo si ku meel gaadh ah loogu kireeyay Xafiisyada Gobolka Gabiley wakhtigii uu Guddoomiyaha Gobolka ahaa Maxamed Axmed Aw Cabdi (Xabiib) ayaa waxaa ku yaala xafiisyo badan oo isugu jira xafiiska Badhasaabka Gobolka, xafiiska Badhasaab-ku-xigeenka. Xafiiska xogyaha gobolka, xafiiska diiwaan galinta hubka fudud, kuwaasi oo dhamaantood dusha laga xidhay albaabadana loo laabay markii ay kiradii bixin waayeen.
Xalay ilaa galinkii dambe ee shalay ayaa la sheegay in shaqo ka socotay xarunta maamulka Gobolka Gabiley, kadib markii dib loo furay, iyada oo qoyska iska leh guriga loo balanqaaday in kiradooda la siin doono, mana cadda in kiradii la siiyey in heshiis kale labada dhinaca isla gaadheen, arrintaasina waxay sumcad xumo iyo dhabar jab ku tahay Xukuumadii ummaddu soo dooratay oo iska bixin kari wayday kiradii guryaha shacabka ay kaga jirtay.
Arrintan ayaa fajac iyo amakaag ku noqotay dadwaynaha ku dhaqan Gobolka Gabiley markii albaabada laga xidhay maamulkii ugu sareeyay Gobolka ee ka wakiilka ahaa Xukuumada Somaliland iyada Gabiley ka mid tahay ilaha dhaqaalaha ugu badan ka soo hoydo, inkasta oo markii dambe dib loo furay xafiiska maamulka Gobolka Gabiley oo shaqadii si caadi ah uga socoto.
Xigasho Jamhuuriya

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *