Hargeysa(ANN)Hantidhawrka Guud ee Qaranka, ayaa xabsiga dhigay shalay Xoghayihii Fulinta Dawladda Hoose ee magaalada Burco Mr. Cabdiraxaman Maxamuud Xasan, kadib markii lagu helay fadeexado la xidhiidha musuqmaasuq iyo lunsi hanta qaran.

 

Tallaabadan lagu xidhay xoghaya fulinta, ayaa sida la sheegay waxa ay ka dambaysay hawlgal baadhitaanno culus ah oo Hantidhawrka Guud badhtamihii toddobaadkii hore ka bilaabay xarunta dawladda hoose ee Burco, iyadoo laba maalmood ka horna xabsiga loo taxaabay khasnajigii dawladda hoose ee magaaladaas, sidoo kalena shaqada laga joojiyey xisaabiyihii guud iyo sarkaalkii madaxda ka ahaa hantidhawrka guud ee dawladda hoose ee Burco.
Ma jiro war rasmi ah oo ilaa hadda laga soo saaray xadhigga sarkalkaas, hase ahaatee sida ilo xogogaal ah Jamhuuriya u xaqiijiyeen waxa tallaabadani ka dambaysay markii baadhitaannada Hantidhawrka Guud lagu soo faqay xatooyo xoolo dadweyne ku foorarsaday xoghayaha xabsiga la dhigay oo sida la sheegay lahaa awood fulineed oo u dhiganta ta maayarka Burco oo sida ilahaasi xuseen uu xataa mararka qaarkood magaca duqa ku saxeexi jiray bixinta iyo isticmaalka dakhliga dawladda hoose ee Burco.
Waxa kale oo ilo-waredyadaasi tilmaameen in hantida loo haysto sarkaalkaasi u badan tahay lacago uu bixintooda u isticmaalay magaca maayarka, isla markaana haystay awood xad-dhaaf ah oo aanay la waadagin xoghayayaasha dhiggiisa ah ee magaalooyinka kale ee Somaliland.
Haseyeeshee, warku ma caddayn xaddiga hantida ka maqan xoghayaha fulinta dawladda hoose ee Burco oo gelinkii dambe ee shalay ciidammada ammaanku xidheen iyo sifaha loo lunsaday toona, iyada oo Hanti-dhawrka Guud ee Qaranku dawladda Hoose ee Burco ka wado baadhitaano culus oo laga yaabo in fadeexado musuqmaasuq lagu soo foqo.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *