Hargeysa(ANN)Weftigii uu hoggaaminayay Wasiirka Wasaarada Arrimaha dibada Somaliland Dr. Maxamed Cabdilaahi Cumaree Arbacadii Magaalada Nairobi ee dalka Kenya kulanka kula yeeshay Guddi ka tirsan Golaha Ammaanka iyo nabadgelyada ee qaramada midoobay ayaa maanta dalka ku soo laabtay.

Weftigan oo ay xubno ka ahaayeen Wasiirrada Gaashaan-dhiga, Macdanta iyo Biyaha, Shaqada iyo arrimaha Bulshada iyo Guddoomiyaha Guddi hoosaadka arrimaha dibada ee golaha wakiilada ayaa ka hadlay waxyaabaha ay kala kulmeen kulankii golaha amaanka ee Qaramada Midoobay.

Dr. Maxamed Cabdilaahi Cumar oo saxaafada kula hadlay Madaarka Cigaal international Airport waxa uu isagoo ka hadlaya shirkaa ay ka qaybgaleen  yidhi,  “Waxa markii u horaysay noo suurto gashay inaanu Gudi ka socota golaha ammaanka jimciyada quruumaha ka dhaxaysa oo aanay waligeed qadiyadeennu gaadhin aanu la yeelanay kulan fool ka fool ah oo aanay cid kale nagu wehelin marka laga reebo safiiro iyo dublamaamisiyiin reer galbeed ah.waa horumar weyn oo Somaliland gashay waana arrin weyn iyo horumar ay Somaliland ka gaadhay dhinaca siyaasada dibada iyo aqoonsigaba. waxaana aanu uga mahad celinaynaa wadamada aanu saaxiibka nahay ee gacanta naga siiyay kulankan waayo ma aha wax fudud.”
Wasiirku waxa uu sheegay in Xukuumadda Somaliland ay dedaal ugu jirto himilada shacbiga ee ku wajahan inay maalin uun noqoto qaran madax banaan oo ka mid ah bulshada caalamka.
Wasiirka Wasaarada Arrimaha Dibadu waxa uu sheegay in weftigiisu ay magaalada Nairobi kulan kula yeesheen Tobaneeye safiir oo ka mid ah danjireyaasha wadamada reer galbeedka u fadhiya Kenya.
“Weftigani waxa kale oo uu kula kulmay magaalada Nairobi tobaneeye safiir oo ka mid ah dublamaasiyiinta reer galbeedka u fadhiya wadamada Ingiriiska, Norway, Jarmalka iyo qaar kale oo dhammaantoodba danaynaya Somaliland,”ayuu yidhi Wasiirka Wasaarada Arrimaha Dibadda Md. Maxamed Cabdilaahi Cumar.
Wasiirku waxa uu ku dooday in Golaha Ammaanku ay Somaliland ku ammaaneen dawladnimada, dimuqraadiyada iyo horumarka ka tisqaaday.
Wasiirku waxa uu u mahad celiyay Jaaliyada Somaliland ee wadanka Kenya oo uu tilmaamay inay si weyn u soo dhaweeyeen weftigiisa.
Sidoo kale  Wasiirka Macdanta iyo Biyaha Dr. Xuseen Cabdi Ducaale iyo Guddoomiyaha Guddi hoosaadka arrimaha dibada ee golaha Wakiilada Md. Xuseen Cabdi Cigge, ayaa  ka waramay  ahmiyada  Somaliland uu u lahaa kulankaas iyo ujeedooyinka nuxur ahaan uu xanbaarsanaa, iyagoo ku tilmaamay guul siyaasadeed oo usoo hoyatay Somaliland.
Dhinaca kale dhinacyada ka socday dawladda taagta daran ee Somalia iyo maamul goboleedyada Puntland iyo Gal-mudug  oo kulankaa golaha amaanka Qaramada midoobay ka qaybgalay ayaa ogolaaday in bisha fooda iangu soo haysa shirweyne loo dhanyahay loogu qabto gudaha dalka Somalia, taas oo ay dhinacyada ka qaybgalay ogolaadeen, iyadoo kooxaha ka socday Somalia ka dib Golaha amaanku kulan gaara oo albaabadu u xidhan yihiin la yeesheen Golaha amaanka, kaas oo wasiirka arrimaha debeda Somaliland markii uu dhamaaday kulanku saxaafada kula hadlay debeda, isla markaana uu sheegay inay xubnaha Golaha amaanku dhegeysteen qadiyada iyo dooda Somaliland ee horumarka dhinaca doorashooyinka iyo nidaamka geedi socodka iyo dumuqraadiyada. Sidoo kalena ay hordhigeen xubnaha golaha amaanka dareenka qadiyada shacbiga Somaliland iyo halganka ay ugu jiraan inay citiraaf ka helaan mujtamaca caalamka.   

Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *