Gaadhiga Col cartanMuqdisho(Araweelo News Network) Koox Dablay hubaysan ah ayaa maanta weerar ku qaaday mid ka mid ah Xarumaha Shirkadda Caanka ah Ee Dahabshiil ku leedahay

Magaalada Muqdisho ee Xarunta Somalia.

 

Dablayda oo aan weli la aqoonsan oo doonayay inay xoog ku galaan Xafiiska Shirkadda ee Suuqa Bakaraaka waxa dagaal dhexmaray Ilaalada shirkadda, waxaana goobta ku dhintay mid ka mid ah Kooxda weerarka soo qaaday ee Budhacada ahayd, iyadoo mid ka mid ah Ilaalada Xafiiska uu soo gaadhay dhaawac.

Ciidanka Milateriga ayaa goobta yimi xili danbe waxayna xabsiga u taxaabeen Ilaalada Xafiiska Dahabshiil .
Ma jirto cid sheegatay  weerarkaa, balse warbaahinta tageerta Al-shabaab ayaa ku tilmaantay mid ay fuliyeen Ciidanka PS ee dawlada oo ay ku tilmaameen inuu ku mashquulsanyahay dhaca iyo Boobka hantida shacabka iyo kufsiga hablaha Soomaalida ah.

Xukuumadda Federaalka Somalia  ee Muqdisho iyo shirkadda Dahabshiil ayaan ka hadlin dhacdadaa oo kusoo beegantay , iyadoo dhowaan  afaafka hore ee mid ka mid ah xarumaha shirkadda  Dahabshiil ee Muqdisho lala beegsaday waxyaabaha qarxa, taas oo khasaare sahlan ka dhashay.

Dhinaca kale waxa maanta Magaalada Muqdisho lagu dlay Col. Cartan Sheekh Doon oo ka mid ahaa Odayaasha aad looga yaqaan Somalia, kaas oo gaadhi uu watay loogu xidhay waxyaabaha qarxa.
Sidoo kale waxa qaraxaa dhaawac kasoo gaadhay  qaar ka mid ah Ilaalada uu watay iyo dareewalkii gaadhiga.

Col. Cartan oo dhowaan ka tegey Magaalada Gaalkacayo ayaa wararku sheegayaan inuu halkaa u tegey Tacsi wiil uu dhalay oo ku dhintay dalka debediisa.

Mid ka mid ah ehelada  marxuumka ayaa sheegay inay rumaysan yihiin in shirqoolka qaraxaa lagu fuliyay gaadhiga Col. Cartan ay ka danbeeyeen Xarakada Al-shabaab, maadama uu sheegay inuu lug ku lahaa dagaalo gobolada dhexe hore ugu dhexmaray Al-shabaab iyo Ehlu Suna wal jameeca oo sida uu xusay uu ka tirsanaa. Sidoo kale waxa uu sheegay in waqtigan loo waday Taliyaha Ciidamada Gobolada Dhexe, balse aan weli lasoo saarin digreetadii  xilkaa loogu magcaabi lahaa, maadaama uu ka mid ahaa Marxuumku saraakiishii dawladii Somalia.

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *