barlamaanka SomaliaMuqdisho(Araweelo News Network) Baarlamaanka Somalia ayaa loo gudbiyay Mooshin ka dhan ah Raysal Wasaare Saacid iyo Xukuumadda oo lagu eedeeyay inay

 

gudan weyday waajibaadkii loo igmaday.

Mooshinka ayaa la filayaa in golaha Baarlamaanka Somalia ka doodo maalinta Beri ah, kaas oo ay xildhibaanada soo gudbiyay ku doodeen inuu yahay mid lagu qiimaynayo Raysal wasaare Saacid Shirdoon iyo xukuumaddiisa oo sida ay sheegeen ka gaabisay mudadii ay jirtay inay gudato waajibaadkeedii .

Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow oo xubin ka ah guddiga amaanka ee Baarlamaanka Federalka Soomaaliya kana mid ah mudanayaasha wada Mowshinka ka dhanka ah xukuumada ayaa faahfaahin ka bixiyey waxyaabaha ku kalifay iney xiligan keenaan mowshinkaas.

Xildhibaan Daahir Jeesow, ayaa ku dooday  in xukuumaddu ay ku fashilntay wax ka qabashada arrimo badan oo ku saabsan xaaladaha dalka,  gaar ahaan amniga magaalada Muqdisho . sidaa awgeed aan  lagu sii eegan Karin qaabka ay wax u wado, isla markaana  ay  go’aansadeen inay talaabo ay ku badbaadinayaan dadka iyo dalka ay qaadaan.

Hase yeeshee Mooshinka ayaa la filayaa inuu doodo  adag iyo muran ka dhex abuuro golaha Baarlamaanka oo awood u leh inay kalsoonida kala noqdaan Raysal Wasaare Saacid iyo xukuumadda uu dhisay ee aan tamarta lahayn.

Waxaana jira warar laga soo xigtay qaar ka mid ah Mudanayaasha oo tibaaxaya in qorshaha Mooshinkani yahay mid ka dhashay khilaaf u dhexeeya Madaxda sare ee Dawlada Federaalka Somalia, iyadoo farta lagu fiiqayo inuu jiro muran  iyo khilaaf siyaasadeed oo soo jiitamayay oo u dhexeeya Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Raysal  wasaare Saacid, kaas oo sababay in ay meesha ka baxdo rajadii iyo yididiiladii laga qabay xukuumadda Raysal wasaare saacid ee Xasan Sheekh ka yahay Madaxweynaha.

Dhinaca kale waxa jira warar sheegaya in qorshaha Mooshinkan uu ka dhashay kadib markii Madaxweyne Xasan Sheekh kulamo uu todobaadyadii hore dalka Britain kula yeeshay jahliyadaha  Soomaalida loogu bandhigay cabashooyin la xidhiidha qaab dhismeedka xukuumaddiisa. Sidaa awgeed loo baahanyahay inuu wax ka bedelo, taas oo daba socotay soo jeedin ay bilawgii doorashadiisa ee sanadkii hore usoo jeediyeen dalalka Kenya, Uganda  iyo wadamo kale inuu raysal wasaare u magcaabo Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke  ooh ore u ahaa raysal Wasaare xiligii dawldii Sheekh Shariif.

Sidoo kale Booqashadii xarunta Maamulka Puntland ee Garoowe  uu dhowaan ku tegey Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh  iyo xiisada ka aloosan Kosmaayo ayaa lala xidhiidhiyay inay qayb ka tahay mooshinka la  horgeeyay Baaralamaanka ee la doonayo in xukuumadda  kalsoonida lagala noqdo, balse waxa muuqata inay adakaan doonto Meel marinta Mooshinka ee Baarlamaanka, kaas oo khilaaf horleh  ka abuuraya madaxda sare ee dawlada iyo Baarlamaanka dhexdiisaba.

Mooshinka ayaa kusoo beegmay xili khilaaf lagu muranyahay awooda iyo maamulka Kismaayo oo mudooyinkanba laysku mari la’aa uu hada cirka iska shareeray, kaas oo natiijadiisu noqotay  in labada  hogaamiye kooxdeed ee Axmed Madoobe iyo Bare Hiiraale  mid walba gaarkiisa u sheegtay in uu yahay Madaxweynaha loo doortay Kismaayo.

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *