shabaabMinnesota (Araweelo News Network) Koox dhalinyaro asalkoodu yahay Soomaali oo haysta dhalashooyinka Maraykanka,   ayaa lagu xukumay xukuno kala duwan

 

kadib markii lasoo geba-gebeeyay dacwad loo haystay oo ahayd in ay xidhiidh la sameeyeen Ururka Al-shabaab ee dagaalka kula jira dawlada Somalia iyo Ciidamada taageera ee AMISOM.

Dhalinyaradaa oo toradoodu tahay Afar qof oo asalkoodu Soomaali yahay ayaa ka mid ahaa Soomaalida degan gobolka Minnessota ee dalka Maraykanka.

Kooxda Dhalinyarada ah oo magacyadooda lagu sheegay Cumar Cabdi Maxamed, Abdifitaax Yuusuf Ciise, Saalax Cusmaan Axmad, iyo Axmad Xusseen Maxamuud, waxa lagu xukumay xukuno xabsiyo u dhexeeya sadex sanadood ilaa laba-iyo-toban sanadood.

Cumar Cabdi Osman oo ku eedeysnaa in uu ahaa hoggaamiyaha kooxdaa oo u ololeeyay sidii dad loogu qori lahaa Al-Shabaab, dadkaa oo laga soo dhex uririnayey jaaliyadaha Soomaalida ee Mararaykanka dhexdiisa, waxa isaga lagu xukumay 12 sano.

Saddexda dhalinyaradda ee kale, waxa uu garsooraha dawcada qaaday in ay qaadhaan lacageed u ururin jireen Al-Shabaab iyo sidoo  tigidhada lagu dhoofinayo dadka la rabo inay ka qayb galaan dagaallada Soomaaliya, waxa lagu xukmay min saddex sannadood.

Kooxda Dhallinyarada ah waxa lagu sheegay eedaha Maxkamadda lagu soo taagay in ay  xidhiidh la lahaayeen ururka Al-Shabaab laga soo bilaabo sanadihii 2007dii. Sidoo kalena waxa eedahaa lagu sheegay in ay ka mid ahaayeen  ilaa labaatan qof oo la raadinayey, kuwaas oo la  rumaysan yahay in qaarkood ay u socdaaleen Soomaaliya, qaar kalena laga yaabo inay ku dhinteen dagaallada uu dalkaasi ka wado ururka al-Shabaab.

Dhinaca kale Maxkamadda ayaa go’aankeeda ku sheegtay in ay xukunkaa gaadhay kadib markii sida ay sheegtay dhallinyaradani in ay maxkamadda horteeda ka qirteen debiyada loo haystay iyo in qaarkood ay tegeen Soomaaliya, isla markaana kusoo qaataeen tababaro xeryaha Al-Shabaab ee Somalia.

Gobolka Minnessota waxa ku nool Soomaalida ugu badan ee  deggan cariga Maraykanka, waxaana ku yaal  jaalliyadaha ugu ballaadhan ee Soomaalida Dalka Maraykanka ku Nool.

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *